“La Yaab Iguma Noqon Doonto Hadii Guardiola Uu Ka Tago Barcelona” Johan Cruyff

0

 Tababare Pep Guardiola ayaa laga yaabaa inuu iskaga hayaamo kooxda Barcelona kadib marka ay dhamaato ciyaarta finalka koobka horyaalada yurub sida laga soo xigtay Johan Cruyff oo wareysi siiyey wargeyska ” La Gazzetta Dello Sport ” ee dalka taliyaaniga.” Guardiola shaqo aad u adag ayuu qabtay sanadihi u dambeysay la yaabna iguma noqoteen hadii uu go’aansado inuu kooxda ka tago Champions league finalka markuu dhamaado iyadoo aan la eegeyn natiijada ciyaartaas ”Marki la weydiiyey sababtu inay tahay inuu doonayo inuu koox kale Tababaro ayuu Cruyff ku gacan seydhay:” Hadii ayba noqoto inuu kooxda ka tago waxa ay noqoneysaa kaliya inay adagtahay in cadaadiska saaran loo dulqaato wakhti dheer taasna ay tahay sababta uu u qaadan doono go’aankiisa ”Pep Guardiola oo 40-jir ah ayaa shaqada kooxda Barcelona la wareegay xagaagi 2008, wixi wakhtigaas ka dambeeyeyna wuxuu kooxda u suurta geliyey inay ku guuleystaan 9-koob, horyaalka Laliga (3), Copa Del Rey (1), Club World Cup (1), Spanish Super Cup (2), European Super Cup (1), Champions League (1).Guardiola iyo Kooxdiisa ayaa fursad u heysta inay ku guuleystaan koobka horyaalada yurub marka ay kooxda Barcelona la kulanto Manchester United ciyaar caawa ka dhici doonta garoonka Wembley.

Mustafe Maxamuud Diiriye “kastam”

shaafici_3@hotmail.com