“NAQDIGA MAANSOOYINKA GEFKA LEH EE SOOMAALIDA” Siciid Maxamuud Gahayr “Hargeysaawi”

0

Waxa aan ku soo qaadan doonaa qaar ka mid ah maansooyinka Soomaalida ee ay ku jiraan gefka noocyadiisa kala geddisan. Sida gef dhinaca diinta ah, gef dhinaca afka Soomaaliga ah, gef dhinaca dhismaha ah.

 

Barnaamij noocan oo kale ahi waxa uu hore uga bixi jiray Telefishanka ETN. Waxaanu ahaa barnaamij lagu lafa-guray maansooyin baxan oo uu diyaariyaha barnaamiku qoonsaday. In kasta oo aanan hadda xasuusnayn magaca aqoonyahankii barnaamijkaas daadihin jiray.

 

Dadka ku hadla Afka Soomaaligu intooda badani ma jecla naqdinta, ee waxa ay jecel yihiin taageerista qofka. Naqdintooda iyo taageeradooduna inta badan waa mid ku salaysan ujeeddooyin gaar ah. Qormooyinkanina ma aha kuwo lagu qoonsanayo shakhsiyo gaar ah.

 

Haddii aan qormooyinkan ku bilaabo dhinaca naqdinta qaar ka mid ah heesaha lagu luuqeeyo. Marka u horreysa xukunka muusigga waxa ka hadlay culimo ay ka mid yihiin: Sheekh Cabdilaahi Xasan Xaashi “Berberaawi”, Sheekh Yuusuf Aadan, Sheekh Boqol-soon, Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun iyo qaar kale. Heesaha aan ka hadlayaana waa kuwa uu ku jiro gefka diiniga ah.

 

Haddii aan toos u bilaabo, bal eeg heestan sida qaawan loogu faallayno fal aan habboonayn oo ah  in si caddaan looga sheekeeyo ficil ay manmnuuc tahay in fagaare lagu faaqidaa. Dadkana ku dhiirigelinaysa wax aan wanaagsayn. Erayadeeduna xumaha sifaynayaan, ee uu nin wayn oo heesayay ku yidhi

 

“Inaan caafimaad helo

Ama aan cagaha dhigo

Canbaruudka naasaha

Waxba ha iga celinine

I cantuug debnaha oo

Shafka igu camcami”.

 

Bal eeg heestan kuu sawiran muuqaalkan ka hadalkiisu aanu sinaba u bannaanayn. Laba qof oo isu keliyaystay, nin iyo gabadh aan is-qabin. Shaydaanna ku saddex yahay. Erayadadeedana ay ka mid yihiin;

 

“Waxay ugu darnayd

Markii aan dul imi

Taan dunida rabay

Iyadoo doog dhex jiiftoo

Daawanaysa ubaxoo

Durba garayski furatoo

Sii daysay timihii

An is idhi ma daysaa?

Mise waad dug siisaa?”.

 

Yaab. Haweenkina waxay ku heeseen fajac. Ma garanayo in loo qariyay iyo in ay badheedhayaan. Cadrad ku wacnayd xishood ayaa leh:

 

Gu’yaal baan kala maqnaynoo

Waqtigi wuu gaabinayee

Goormaa timi? Waan ku rabaye

Gadhka iyo naftayda ku gama

Sidaad doonto ugu galgalo, galgalo, galgalo.

 

Ka daran. Ee nin ayaa been u sheegaya gabadh, waxaanu u ballan-qaadayaa, wax aan Ilaahay mooyee aadame keeni Karin. Wuxuu leeyahay

 

Badda cas baan ku geynayaa

Biyo-jannaan ku siinayaa. Xagee ayuu biyaha jannada ka keenayaa?

 

Wixii la asturi jiray ba daaha waa laga qaaday. Nin fannaan ahaan jiray oo fanka ka baxay ayaa laga yidhi” Waxaanu qarin jirnayba, waa la qaawiyay oo waxaanu ku heesi jirnay

Tufaaxa ku yaalla toolmoonbaa

Habeen walba taabo leeyahay

 

Laakiin waxaan fanka ka baxay, markii aan maqlay nin aan waxba qarinayn, oo leh

 

Anoo naaska gulucda leh

Farahaygu gaadhin

Gacmuhuna salaaxin”

 

Bani’aadamu waa gefaa. Tawbadduna waa furan tahay. Ilaahayha u danbi-dhaafo, hana u naxariisto muslimiinta xaqa ku dhintay. Inta noolna dunuubta ha ka dhawro.

 

Maansooyinka iyo heesaha aan hayo, ee mawduucan ku saabsan waxaynu ku soo qaadan doonnaa maqaallo kale.

 

Caafimaad-qab iyo camal saalixa

 

Siciid Maxamuud Gahayr “Hargeysaawi”

Hargeisa, Somaliland

saedmgahair@hotmail.com

002522 4428604