12 qof oo ku dhintay weerar Al-shabaab Hotel ku yaal Waqooyi-barri Kenya

0

hacabka Kenya ma ogolaanayaan in diimo loo kala qeybiyo,” Uhuru Kenyata

Kenya-(Berberanews)-Kooxda Islaamiyiinta Al Shabaab ayaa sheegtay inay ka dambaysay weerar xalay lagu qaaday huteel ku yaalla magaalada Mandera ee waqooyi beri Kenya. kaasoo ay ku dhinteen 12 qof.

Website xidhiidh la leh kooxda Shabaab ayaa sheegay in badhtilmaameedku ahaa dadka Masiixiga ah ee aan ka soo jeedin deegaankaasi.

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenya ayaa ka baaqday safar uu ku tegi lahaa dalka Angola, kaddib weerarkii Mandera.

Sababta arrintaasi ayaa lagu tilmaamay inay tahay in madaxweynaha uu taageero u muujinayo ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerarkii xalay.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu ka tacsiyeynaayo dhacdadaasi._92079514_2a5046cc-09c6-4a3a-995d-8c21c95784bb

“Qofkastoo Kenyan ah oo niyadsan, Muslim ama Masiixi ah, wuu og yahay in qof aan waxba galabsan la dilo inay qalad tahay. Shacabka Kenya ma ogolaanayaan in diimo loo kala qeybiyo, taasoo argagixisadu doonayaan”, ayaa lagu yiri warka ka soo baxay madaxtooyada Kenya.

Dhanka kale, iskuduwaha arrimaha amniga gobolka Waqooyi Bari ee Kenya Maxamud Salax ayaa diiday in Alshabaab ay ka dambeysay weerarkii xalay lagu qaaday Mandera.

Maxamud Salax oo xafiiskiisa Garissa warbaahinta kula hadlay ayaa wuxuu sheegay in weerka ay ka dambeeyeen “budhcad deegaanka Mandera ka soo jeeda”.

Iskuduwaha arrimaha amniga ee gobolka ayaa sidoo kale tilmaamay in “xuduudda ay xidhan tahay lixda maqribnimo illaa aroortii, suuragalna ahayn inay kooxo hubeysan kasoo gudbaan”.

Wuxuu intaasi ku daray, “Hadda way cadahay in shacabka Mandera aysan la shaqeyneyn laamaha amniga oo aysan keeneyn warar sugan oo keeni kara in dableyda la xidho”.

Ciidanka dowladda Kenya ayaa saaka magaaladda ka billaabay howgallo, waxaana gebi ahaanba xiran goobaha ganacsida.

Weriye magaaladaasi ka hawlgala ayaa BBC-da u sheegay in xittaa masaajidda ku yaalla bartamaha magaalada aan saaka lagu tukan salaadda subax.

Qaar ka mid ah dadka ku dhintay weerarkaasi waxaa la aaminsan yahay inay ahaayeen masuuliyiin ka yimid Nairobi oo ku howlanaa diyaarinta imtixaanaadka qaran ee dugisyada sare.

Waa weerarkii labaad oo Mandera ka dhaca muddo bil gudaheed.

Dabley hubeysan oo ka tirsan Alshabaab ayaa magaaldaasi ku dilay lix qof seddax isbuuc ka hor.

Boqolaal qof ayaa ku dhintay weerarada Al-shabaab ay ku soo qaadaan dalka Kenya tan iyo inta ciidamada Kenya ay ka tallaabeen xudduuda Soomaaliya muddo shan sano haatan laga joogo