26th JUNE, AABIHII XORNIMO DOONKA SHEIKH BASHIIR (THE HERO).

0

Sida aynu wada ognahay ummad waliba waxay leedahay  (HEROS) iyo dad ay ku dhaataan oo taariikhda u galay markaynu duul mar uga hadlayno raggii xornimo doonka ahaa ee dalalkooda ka fiijiyey gumeystuhii Reer Yurub waxaa ka mid ahaa: Cumar Al-Mukhtaarka Aljeria,Saadiq Al-Mahdigii Sudan,Sacad Zaqluul Masar iyo in kaloo badan oo aanan halkan ku soo koobi kareyn ee intaasi tusaale gaaban haygaga ekaato.

Akhristoow sidaa si la mid ah,madax banaanida dalkeena iyo xorriyadda dadkiisu ku naaloonayaa kumay iman sahal iyo saleelo,hadyad iyo hibo laynagu sharfay ee waxay soo martay dhib iyo dharaaro qadhaadh, naf iyo maal huris,halgan dheer iyo himilo aad u sarraysa,harraad gaajo iyo hurdo la’aan. Waxaana inagu soo simay oo halkaana soo gaadhsiiyey Halyeeyo iyo sooma jeestayaal diidey kana dhiidhiyey heeryadii gumaystaha sooyaalka taariikheedna wuu xusay iyagoon qoraal kooban iyo fadhi maalin ah midna lagu soo koobi Karin.

Gobanimo daleel lagama helo  Daar adoo galaye.

Hadaad doono leedahay naftaa diiq la geliyaaye.

Waa mur iyo deebaaq waxaad dib ugu aydaaye.

“Xaaji Adan Afqalooc”

Waxaanse is dul taagi doonaa tooshkana ku ifin doonaa nin taariikhda soomaaliyeed baal dahab ah kaga suntan( International figure) sooyaalkaa taariikheedna laba dhinac kaga jira labadaas oo kala ah : 1- Dhinaca Halganka & Xornimo doonka 2- Dhinaca Diinta ilaa maantana aan la hayn cid ku labaysa.Waana DAMALKII WEYNAA EE LA HADHSAN JIREY, Aabihii xorriyadda,Aabihii gumaysi diidka,Aabihii aragtida fogaa,Aabihii hadhka cad u badheedhay saancadaalihii siyaasadiisu ku salaysnayd qaybi oo xukun iyo dawladiisii aan calankeeda qoraxdu ka dhici jirin si uu cadaadiska ,dulmiga,isticmaarka iyo addoonsiga loo geystey dadkiisii uga kor qaado cashuurta iyo pooltaxi ama gibirka iyo madax furashada muwaadiniinta laga qaadona ugu baajiyo.

Waa inaan muquunshaa kufrigu meeluu joogaba’e

Cashuurtuu madhsaday waa inaan  maga idhaahdaaye.

Sanka intaan ka mudo waa inaan marinka qaataaye.

Waa inaan dadkuu wada mulkiyey magac u yeelaaye.

Macbuudoow Allahayoow nasriga adigu noo hiili.

“Sheikh Bashiir”

Ninba maalin lehe, maantoo kale waxaa si toos ah inoo horimanaya Faarax Oomaar,Maxamed Cabdalle Xasan iyo Sheikh Bashiir oo marnaba la illaawi Karin tusaalihii caddaa iyo casharkii uu u dhigay culimadii berigaa Burco joogtey oo ka meeraalaysta inay ummadda hormuud u noqdaan halgankana ka qaataan qeybtooda kaga aadan ka dib markuu jirribaada uga dhigay bal inay burhaantooda muujiyaan oo Bilaale ama Bakeeri ku jebiyaan. “ Boqolkii wadaadee Sheikh Bashiir Bilaawaha Baqara ku akhriya uu yidhi, bal garoo mabay jebin,Bisinka xoog halagu daro” iyo ragii la midka ahaa ee ina baray inaan heeryada gumasytaha dib loo dugsan Karin lana gaadhey xilligii culayskeeda layska rogi lahaa lagana xoroobi lahaa.

Tabtii Sheikh Bashiir.

Tusmaduu Lahaa.

Taniyo Maalintii .

Hadday taagan tahay.

“Timocadde Axmed Xeef”

Haddaan hadalka si kale u dhigo dhinac kalena uga wareego aan idiin soo bandhigo dhacdo iyo qiso dhab ah oo si waafiya inoogu sawiraysa waayihii iyo waqtiyadii adadkaa ee uu Aabihii xornimo doonku (Sh Bashiir) la soo maray dadkiisa. Waxaa si toos ah inoogu tebinaya C/Raxmaan Ismaaciil Galbeedi oo isagu la kulmay nin oday ah lana odhan jirey Cali Yuusuf oo ay walaalo ahaayeen Abwaankii weynaa ee caanka ahaa lana odhan jirey AADAN CARAB labadoodaba Alle haw naxariistee Aamiin kana soo jeeday deegaanka BUUHOODLE,waxay ku kulmeen waddanka Tanzania gaar ahaan magaalada Caruusha sannadkii 1998. Cali Yuusuf oo ka sheekeynaya halgankii xornimo doonka ee lagu qaaday boqortooyadii ingiriiska ee xukumeysey Somaliland waxyaabihii uu u soo joogey oday Cali Yuusuf iyo dhacdo yaab leh oo ka dhacday inta u dhaxaysa Caynaba iyo Wadaamagoo. Hilaadii Afartamaadkii qarnigii 20naad waxay ahayd xilliga GU’GA oo dhulku barwaaqo yahay beeluhuna nabadgelyo iyo xasilooni ku wada degen yihiin mana jirin tuulooyin badan oo jiidaa ku yaaley ama ka dhisnaa,waxaana laysugu iman jirey balliyada biyuhu galaan xilliga roobka oo makhaayado laga furan jirey. Hadaba annagoo goobtaa joogna oo caano geel ka dheregney oo barbaar dhalinyaro u badan jeegada xiiratay rag waayeel ahina nagu jiraan ayaa waxaa noo yimi Halyeygii Sh Bashiir Sh Yuusuf waxaanu noogu yeedhay Salaadii Duhur oo markaa joogtey inaanu la tukano,dadkuna diinta wax badan kamay aqoon, raguna waa iska salaqle habeedaa ku taal hadana cirkaasuu nin waliba isla joogaa, odayada waaweyn qaar ka mid ah uun baa tukan jirey dhalinyaradu mabay tukan jirin siday u badnaayeen.

Markii uu Sh Bashiir tujiyey ciddii salaada tukaneysey ayuu dhammaantayo isugu kaaya yeedhay kuwayagii la tukadey iyo kuwii aan la tukanba oo na wacdiyey diinta iyo axkaamta wax nooga sheegey naguna booriyey HALGAN inaau la galno gumeystaha kaasoo ahaa programkii iyo ujeedadii ugu weyneyd ee uu watey ,goobta waxaa joogey rag aan ku qiyaasay 600 (Lix boqol oo nin)  oo u badnaa reer burco iyo buuhoodle runtii aad baanu ugu guuxney hadalkaa Sheikha ka soo yeedhay iyo wacdigiisiiba,maxaayeelay marka horeba waxaanu iska jeclayn duulaan iyo geel la kala qaado Sheikhuna wuxuu noogu yeedhay xornimo iyo sharaf,cizi adduun iyo Janno aakhiro. Halkaa markay maraysey ayaa waxaa hadalkii qaatay odayadii qaar ka mid ah oo goobta joogey waxaanay Sheikha uga mahad celiyeen wacdiga diinta iyo booqashada waxayse ka cudur daarteen inaanay diyaar ahayn maanta,sababtoo ah waxay yidhaahdeen jiilaal kulul baa na soo maray hadana roobkii baa noo da’ay xoolihiina way noo dhaleen inaanu nasano ayaanu u baahanahay bay yidhaahdeen.

Cali Yuusuf  wuxuu leeyahay,hadalkaa odayada ka soo yeedhay annagu dhalinyaro ahaan kumaanu farxin hayeeshee waxaa jirey kala danbeyn iyo ixtiraam xaga dhaqanka ah oo lagama daba hadli jirin waalidka iyo waayeelku warkay soo jeediyaan murna haka qadhaadhaadee. Waxaa hadalkii ku soo noqday Sh Bashiir oo na weydiiyey arrin layaab leh weligeyna aanan illaaweyn taasoo ahayd su’aalo kooban A- ninka laba GO’ IYO SHAADH sitaa ha is taago? KKKkkkkkk cidna ma is taagin oo maba jirin nin keliya oo lixdayadaa boqol ee nin ka mid ah oo sitey laba go’ iyo shaadh . B-Wuxuu yidhi ninka laba GO’ IYO SANGALAYDH ( Garan) sitaa ha is taago waxaa istaagey dhowr nin oo faro ku tiris ah !!!!!!! C-Hadana wuxuu yidhi ninka laba GO’ sitaa ha is taago waxoogaa baa is taagey.D- Mar saddexaadkii buu yidhi ninka GO’ IYO QAYD sitaa ha is taago intii hore in ka badan baa istaagtey.E-Su’aashii ugu danbeysey wuxuu na weydiiyey inta GO’ KELIYA guntan ee feedhuhu qaawan yihiin ha is taagto?????? Waxa is taagey tiradii ugu badnayad oo qaarka sare aan waxba u saarnayn feedhuhuna qaawan yihiin ALLAAHU AKBAR.

Halkaa markay xaaladi maraysey ayuu Sheikhii na tusay isna dharkii iyo hubkii uu sitey oo ahaa 1-Laba GO’ 2- Shaadh 3- Garan 4- Surwaal gaaban oo uu hoosta ku sitey 5- Cumaamad 6-Bilaawe 7- Qori Reyfal ah 8-Tamuujad 9- Shakad rasaastu ka buuxdo 10- Kutubtii Diinta. 11- Wuxuu kaloo na tusay RUQSAD (Warqad caddeyn ah) uu u haysto isagoo waxaas oodhan sita inuu magaalooyinka la dhexmari karo weliba uu maraakiibta u raaci karo CADAN,DJIBUUTI iwm,waanay dhacday sida taariikhdu qortay.

Wuxuu noo sheegay inaan wax baahi ahi haynin oo uu BOQOL GEEL AH IYO AFAR XAAS LEEYAHAY Alle mahaddii,hadana isagoo waxaas oo dhan haysta uu ka door biday xoraynta dalkiisa dadkiisa iyo diintiisa intaba.Intaa wuxuu raaciyey masaakiin bal idinku ii sheega waxaad ka dhimanaysaan Adduuna waa idinkaa ka feedho qaaqaawan ee dalkiinii gumaystuhu idunku xukumayo nin TOORRI magaalada la geli kara aanu idinku jirin wax ka weyn daaye Aakhirana ilaah baa og waxaad kala kulmi doontaan,waxaanse mar labaad idiinku celinayaa in kaalintiinii banaan tahay dadkiinii iyo dalkiiniiba idin sugayaan sidii aad heeryadaa idin saaran isaga rogi lahaydeen. Cali Yuusuf oo hadalkiisii sii wataa wuxuu sheegay Sh bashiir maalintaa xujaduu nagu oogey meel aanu ka baxnona waanu weyney markasta oo aan soo xusuustana waan isku ciil-kaanbiyaa goobtii aan joogey maalintaa iyo hadhistii aan ka hadhay ee aanan ka mid noqon halgankii iyo ciidamadii Sh Bashiir waxaanse gurtay midhihii xoriyadda ee ragaasi dhiigooda ku waraabiyeen.

Gebo-gebadii & Gunaanadkii hadalkayga waxaan ku soo afmeerayaa raggaa inoo halgamay xilkoodii iyo in ka badanba gute,e waa inaynu u ducaynaa in ilaahay abaalkooda wanaajiyo .

W/Q. C/Mujiib Sh C/Risaaq Sh Bashiir.