50 ku dhintay daadad ku dhuftay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo

0

Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhintay, kumannaan kalena way ku gurya beeleen daadad ku dhuftay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo.

Fatahaadda ayaa ka dhacday dhanka koofur-galbeed ee dalkaasi.

Roob mahiigaan ah ayaa sababay in wabiga Kalamu oo dhexmara magaalada Boma uu gabiyada jabsado, salaadadii.

‘2016 ayay u badan tahay inuu noqdo sanadkii ugu kululaa’

Muxuu Trump qaban doonaa marka ugu horaysa?

Isbeddelka cimilada : Heerka gaaska CO2 ee adduunka ayaa gaartay meel cusub

QM: Wax beerashada ayaa u baahan dhimista kaarboonka

Dadka deegaanka waxay sheegayaan in gurayaha qaar ay qarisay dhiiqo dhararkeedu yahay ilaa iyo hal mitir

Biyaha ayaa gaaray 2 mitir taas oo aad uga badan sidii caadiga ahayd, sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka bartmaha Kongo, Jacques Mbadu oo u warramay wakaaladda wararka ee AFP

Daadad ba’an, abaaro iyo dabeylo ayaa la filayaa inay Afrika ku bataan, taas oo natiijo u ah isbedelka cimilada.