Ra’iisal Wasaaraha Turkiga Oo Muqdisho Booqday, xaaladda Ka Jirtana Ku Sifeeyay Mid ka Daran Daarfuurta Sudan iyo Fannaan caan ah oo weheliyay

0
Raysal-wasaarah iyo xaaskiisa oo la jooga bara-ka-cayaal

Muqdisho-(Berberanews)-Ra’iisal Wasaaraha Turkiga, Recep Tayyib Erdogan oo ay weheliyan xaaskiisa, gabadhiisa, suxufiyiin iyo dhakhaatiir.   iyo qaar badan oo ka mid ah xubnaha golaha Wasiirrada., ayaa ka degey caasimadda Soomaaliya ee  Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa  booqday xeryo qoxoooti oo ku yalaa  ee Magaalada Muqdisho, si suu ugu kuur galo xaalada dhabta ah ee ka jirta macluusha dalka Soomaaliya, halkaas oo dadka qaarkii lacago kaash oo doollar ah, dhar iyo cunnooyin nafaqeysan uu gacantiisa ku guddoonsiiyay.

Raysal-wasaarah iyo xaaskiisa oo la jooga bara-ka-cayaal

Raysal Wasaaraha Turkiga oo shir jaraa’id qabtay markii uu booqday goobahaa ka dib ayaa sheegay inaanay dawladiisu waxba la hadhayn, wuxuuna sheegay in booqashadii uu ku tegey Daafuur  xaaladii ka jirtay ay ka daran tahay ta ka taagan Somalia. sidaa awgeed ay dawladiisu cusbitaalo lagu qalabaynayo qalab casri ah iyo xarumo lagu quudiyo dadka dhibaataysan, isla markaana ay wax ka qabanayaan.

 

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha Turkiga safarkiisa ku wehlinaaya Ra’iisulwasaare ku xigeenka Dowladda Turkiga Rajab Bozdog, Wasiirka arrimaha Dibadda Ahmed Daud Oglo,Wasiirka Caafimaadka Rajab Akdog,Wasiirka Beeraha iyo cuntada Mehdi Ekar ,Wasiirka Haweenka Ms Fadma iyo saddex carruur ah oo uu dhalay Ra’iisulwasaare Ardogan, oo kala ah Labo gabdhood iyo wiil laguna kala magacaabo Sumaya, Isra iyo Bilaal.

Sidoo kale Isra waxaa la socday Saygeeda Bered al-baynaali Ra’iisulwasaare Ardogan, waxaa sidoo kale la socotay xaaskiisa Aamina Ordogan, waxaa sidoo kale lix ka mid ah ganacsatada ugu waawayn Turkiga ayaa ka mid ah wafdiga Ra’iisul Wasaare Ordogan.

Waxaa sidoo kale wafdiga Ra’iisul wasaaraha ka  mid ah Fannaaniinta ugu caansan Turkiga afar ka mid ah oo kala ah Ashda,Pekan,Sabtab iyo Arenar.

 






 

Berberanews.com

Email, info@berberanews.com