7 xeeladood oo kuu sahli kara shukaansiga baraha bulshada

0

Malaayiin dad ah oo ku nool dunida ayaa waqti walba u shaqo taga baraha bulshada, iyagoo u xusul duubaya sidii ay u samaysan lahaayeen Jaceyl.

Marka loo eego xogta iyo xaqiiqada baaritaan ee laga sameeyey baraha shukaansiga ayaa lagu ogaaday in 91 milyan oo qof ay isticmaalaan shabakadaha shukaansiga ee loo yaqaan dating Apps, qaybo badan oo ka mid ah dadkan ayaan la xaqiijin karin taariikhdooda saxda ah.

Waddanka UK, badhitaan ay shirkadda YouGov ka sameysay Shukaansiga baraha bulshada waxaa lagu ogaaday in 10% dadka waddankaasi ay isticmaalaan baraha shukaansiga, halka in yar oo ka mid ah dadkan ay kala kulmeen wehel Jaceyl goobtan.

Zoe Strimpel, oo taariikhyahanka Jaamacadda Sussex iyo qoraaga Man Deit, iyo Suzie Hayman, oo ah xirfadle cafimaad iyo la-taliyaha xidhiidhka, ayaa isku soo dubbariday fariimo ku saabsan shukaansi oo kaa caawin kara inaad hesho feejignaanta saxda ah.

1. Ha shukaansi tagin oo ka fogow shruudahan

Hadii aadan ka helin, jooji, hadii aadan jeclayn qof, mar danbe ha arkin. isku day walba waa halis, waxay keentaa daal, waxay kugu beertaa murugo naftaada ah iyo asxaabtaadaba.

2. Waxa aad ka fakarayso aamin

Haddii aad ogaato digniin mar kasta, u qaado si dhab ah.

Waxaa jirra dareen ah in laga fikiro: ‘waa qaladkayga’.

3. Daraasad dhawaan la sameeyey ayaa tilmaamaysa in markii ay timaaddo fariimaha lasyku diro, la yareeyo

Boqolaal qof mar kaliya Kala hadal online-ka, sida ciyaaraha aad ciyaarto online-ka, waxay kaa luminayaan waqtigaaga, ku bartilmaamso waqtigaaga aad la sheekaysanayso asxaabta adigoo muhiimada u badan siinaya kuwa u muuqda inay yihiin kuwa ugu rajada dhow.

4. Xeeladda shukaansigu waa in aad khabiir ku tahay ugaadhsiga goobaha ay ku badan yihiin xulashada qofka aad rabto.

Noqo qof u shukaansi taga goobaha dadka qiimaha kuu leh ay joogaan, shukaansigu waa ciyaarta tirooyinka oo kale, soo raadi goobta halista ah ee ay taallo dheemantu, fogee sahankaaga, ha aaminin ganacsiga xayaysiiya in ay iibiyaan dheemanta kaligood, waa been oo sahal laguma helo qofka aad ka dhex dooranayso shukaansiga baraha bulshada.

5. Saaxiibo raadi ugu horayn

Cilaaqaadyada ugu fiican waxay dhacaan markaad billowdo saaxiibtinimo kadibna aad isku bedesho shukaansi. Dabcan waxaa dhacda in aad si fiican u barato qofkaasi inta aadan shukaansan.

6. Noqo qof dabacsan

Waxaad u malayn kartaa in aad ogtahay waxa ku soo jiidanaya, laakiin hadii aad xakamayso asaxaabtaada ama aad liis badan iska tuurto, waxaa laga yaaba in aad waydo qof muhiim kuu ah oo jaanis ku raadinayay in uu noqdo qofkaagii.

7. Noqo qof dagan oo macquul ah

Hal dhibic oo ah barashada internetka maaha in aadan laheyn xiriiro caadi ah, sidaa darteed waxba kama ogid qofka kale, barashada dadka kuu barta jaanisyada lacagta ama xiriirrada aan muhiimka ahayn, waxaa halis ah in ay kuu horseedaan in aad go’aan ku gaarto tirtirista asxaabta wanaagsan ee aad leedahay.

Xigasho Bbc Somali