8 qof oo ku dhintay dhul-gariir ku dhuftay dalka Turkiga iyo dad badan oo ku dhaawacmay

0

Ugu yaraan sideed qof ayaa ku dhintey 21 kalena waa ay dhaawacmeen markii uu dhulgariir ku dhuftay dalka Turkiga gaar ahaan gobolka xadka ay la leeyihiin Iran, sida ay mas’uuliyiintu sheegeen.

Dhul gariir ayaa cabirkiisu ahaa 5.7-magnitude, waxaana sidoo kale laga dareemay gobolka Van ee Turkiga.

Dhismooyinka qaar ayaa burburay dad badanna waxay ku go’doonsan yihiin burburka, Wasiirka Arimaha Gudaha ee Turkiga Suleyman Soylu ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay.