Aabihii Xoriyadda Afrika, Nelson Mandela oo godka galay

0

SouthAfrica-(Berberanews)-Nelson Mandela, Madaxweynihii ugu horreeyay South Africa ee Madow ah laga soo bilaabo taariikhdii uu xilka fuulay 1994 ilaa 1999, halgan dheernau soo galay la dagaallanka midab-takoorka, ayaa maanta geeriyoodey.

Madaxweynaha South Africa, Jacob Zuma, ayaa sheegay inuu ka baxay halyey, “Qarankayagu wuxuu waayay ilmihii ugu weynaa.” isagoo intaa ku daray inay ku jiraan baroor-diiqdii ugu weynayd.
Madaxweyne, Mandela wuxuu muddo 27 sano ah wakhtigiisa ku qaatay xabsiga, kadib markii lagu eedeeyay inuu khiyaamay dawladdii caddaanka ahayd ee dalkaas ka talinaysay, waxaana la sii daayay 1990, wakhtigaas oo uu hoggaamiye ka noqday Xisbiga ANC, oo uu ku soo baxay doorashadii u horraysay ee si dimuqraadi ah uga dhacda dalkaas 1994kii.

Nelson Rolihlahla Mandela is a South African anti-apartheid revolutionary and politician who served as President of South Africa from 1994 to 1999.
Mandela, oo da’diisu 95 ahayd, ayaan muuqiisa la arag 2010, isagoo muddooyinkii u dambeeyay sariir-yaal ku dhammaystay cimrigiisa.

Berberanews.com
info@berberanews.com