Abiy Axmed oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka u dhexeeya qowmiyadaha

0

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta maamulada dalkaasi inay wax ka qabtaan rabshadaha u dhexeeya qowmiyadaha qaar.

Kumanaan kun oo qof ayaa ku barakacay rabshado dhexmaray qabaa’iilka qaar ee Itoobiya wada dego.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa difaacay isbadallada socda oo ay kamid yihiin furfurnaanta siyaasadda iyo soo afjaridda colaaddii xadka ee kala dhexeeysay dalka ay deriska yihiin ee Eritrea.

Abiy Axmed ayaa hadalkan ka sheegay xilli maanta uu khudbaddiisii ugu horreysay uu ka jeedinayay shirka xisbiga EPRDF.

Wuxuuna ra’iisul wasaaraha ugu baaqay shacabka inay ka shaqeeyaan midnimada iyo amniga.

Madaxa shaqaalaha xafiiska Abiy Axmed ayaa bartiisa Twitter-ka soo geliyay qodobadii uu ka hadlay ra’iiul wasaaraha.

Xigasho Bbc Somali