Abwaan Maxamed Jaamac Kayd oo ka mid ahaa Hobollada Waaberi oo ku Geeriyooday Hargeysa

0

Hargeysa, (BerberaNews) —ALLAHA u naxariistee waxaa maanta magaalada Hargeysa ku geeriyooday Abwaan, macalin, Mu’aluf, Maxamed Jaamac Kayd oo Muddooyinkan dambe bukaan jiif ahaa.

Abwaan Kayd ayaa Muddooyin dambe u Xanuunsanayay FAALUG uga dhinacay dhinaca, kaasoo waayadan dambe bukaan socod ka dhigay, waxaana la sheegay inuu u geeriyooday faalugii oo mar kale ku soo noqday.

Abwaan Kayd oo Dadka Taariikhdiisa haya waxay sheegeen inuu ku magac-dheeraa Kayd Dhegoole, Wuxuu ahaa Ruux dhinacyo badan kaga jiray Nolosha, Waxaanu ahaa Macallin arday badan wax baray, waxaanu macalinimada ku darsaday inuu noqdo hal abuur mufakir ah oo sameeyey Riwaayado iyo heeso badan oo ay ku luuqeeyaan Fannaaniin Caan ah sida Khadra Daahir Cige, Cabdiqaadir Macalin Juba, Axmed Cali Cigaal,Saynab CIge iyo kuwo kale oo faro badan.

Marxuum Abwaan Maxamed Jaamac Kayd waxaa la sheegaa in uu dhashay hiilaadii 1952-kii oo ku dhashay magaaladda Burco ee gobolka Togdheer, waxaanu waxbarashaddiisii iyo hoose iyo dhexeba kusoo qaatay isla magaalada Burco, isagoo xilli dambe usoo wareegay magaaladda Muqdisho oo uu ka bilaabay macalinimadiisii.

abwaan_keyd_oo_geeriyooday_666

Marxuum Kayd, Wuxuu Cilmiga Suugaanta ka soo bartay Dalka Masar, Markii dambana Macallin ka noqday jaamacadii Lafoole.

Abwaan/Macalin Kayd wuxuu ka mid noqday hobolada Waaberi oo uu noqday rukanaddii ay ku dhisnayd, isagoo hal abuuray heeso faro badan iyo Riwaayaddo wakhtigaasi aad loo jeclaa uu sameeyey.

Sannadkii horaantii kun sagaal boqol sideetamaadkii Abwaanku Ruwaayado uu hal buuray waxa ka mid ahaa riwaayad aad loo jeclaystay oo la magac baxday ‘Nin Ilaahay wakiishay nasiibkiisa ma waayo, taasi oo ay ku jireen heeso aad u caan baxay sida Heesta, “Marti ee ay qaado Kharo Daahir Cige erayadeedana ay ka midka yihiin; “Cudurka kaa-gala-fardaha, Haddi laga gubo dameer dawada lama gaadhayoo.”

Abwaan Kayd sidoo kale isla sannadahaasi waxa uu Allifay heeso kale oo ay ka mid tahay heesta Adduunyo oo ay qaado Fanaanada Saynab Cige Maxamed iyo Heeso kale oo u kala dhiibay hobolada Aamino Cabdulaahi , iyo waliba Axmed Cali Cigaal oo uu isna u dhiibay heesta Walaashay Gacalisooy.

Ugu dambeyntii, Abwaan Kayd Wuxuu ahaa nin dabeecad, dhaqan iyo qalbi fiican sida ay sheegeen Fannaaniintii ay soo Wada-shaqeeyeen, Waxaanay EEBBE u waydiinaynaa inuu janaddii Fardawso ka waraabiyo, ummadda Soomaaliyeed uu samari iyo iimaan ka siiyo.

BerberaNews — Hargeysa