Afhayeenka Alshabaab oo ka hadlay sababta ay u kordhiyeen weerarada ay ka geystaan magaalada Muqdisho.

0

Muqdisho(Berberanews)-Afhayeenka Ururka Al Shabaab Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” ayaa isaga oo la hadlayay idaacadda ku hadasha Afka Al Shabaab wuxuu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu horeeyaan sababta ay u kordhiyeen weerarada ay ka geystaan magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Al Shabaab wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho ay noqotay hooyga Cadowga uu sheegay inay kusoo duuleen dalka Soomaaliya, taasina ay keentay inay kordhiyeen weerarada ay ka geystaan magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay halka laga abaabulo weerarada ka dhanka ah Al Shabaab iyo dadka rayidka, sida uu hadalka u dhigay.

Mar la weydiiyay sababta loo bartilmaameysado Hoteelada waaweyn ee Muqdisho ayuu sheegay in Hoteelo aysan aheyn meelaha ay weeraraan, balse ay yihiin HOTEEL ku sheeg, sida uu hadalka u dhigay, isaga oo cadeeyay inuu kala jeedo in kaliya magaca Hotel ay wataan goobaha ay weeraraan“Meelaha Hoteelada lagu magacaabo Hoteelo ma ahan, ee waa lagu magacaabay Hoteel kaliya, meelaha aan weerarno waa xerooyin ciidan iyo xafiisyo nimaankaan ay degen yihiin, waxaad ogaataan xamar Hoteelo waa ku yaallaan, Mujaahidiinta waxay weeraraan Hoteelo qaas ah“Hoteelada saxda ah ee shacabka ah degen yihiin Ciid kuma wareegsana, ciidan kuma wareegsana, oo juhdi Badan laguma bixiyo, laakiin meelaha la weerarayo waxaa ku wareegsan caagagta AMISOM ay adeegsadaan oo cadho laga buuxiyay, haddii ay marka meesha Hoteel tahay waxaas oo waardiye ah maxaa keena”ayuu yidhi Cali Dheere.