Agaasimaha Komishanka La Dagaalanka AIDS-ka Iyo Wasiiru Dawlaha Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Oo Faah-faahin Ka Bixiyay Sababaha Keena Xanuunka HIV/AIDS-ka Iyo Sida Looga Hor Tago

0

Hargeysa (Berberanews)- Iyaoo ay maanta ku beegnayd 1-December oo ah maalinta u astaysan xuska maalinta AIDS-ka aduunka ayaa waxa si wayn looga xusay magaalada Hargeysa.

 

Xuskan oo loo qabtay sidii bulshada looga wacyigalin lahaa khatarta xannuunkan waxa soo qaban-qaabiyey Komishanka Xakameynta iyo la dagaalanka HIV/AIDS-ka ee Somaliland(SOLNAC) waxaana ka soo qayb-galay Wasiiru-dawlaha Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Somaliland, Agaasimaha Fulinta ee Komishanka SOLNAC, Haayadaha Iyo Ururada ka shaqeeya AIDSka, dadka la nool xannuunka AIDSka, Dhakhaatiir iyo Marti sharaf kale oo tiro badan.

img_14613

Ugu horeyntii waxa munaasibadaasi furay kana hadlay Abiib Axmed Cali Agaasimaha Fulinta ee Komishanka AIDS-ka qaranka waxa uu ka waramay ujeedadan munaasibadan loo qabtay oo uu ku tilmaamay in ay ku qotonto sidii bulshada looga wacyigalin lahaa khatarta xanuunka AIDS-ka waxaana uu yidhi:-“waxa loogu talo-galay maalintan si loogu wacyigaliyo dadka ahmiyada ay leedahay caafimaadku iyo in ay bulshadu iska ogaato cudurkaasi mushkilada uu ku leeyahay bulshada”.

img_14662

Agaasimaha Komishanka Aids-ka Qaranka oo hadalkiisa sii wata ayaa ka waramay saamaynta uu cudurkani ku leeyahay wadamada qaarada afrika iyo qorshaha u yaala guddidooda waxaana uu yidhi:-“Xanuunkan oo la sheegay in uu wadamada afrika aad ugu badan yahay marka loo eego meelaha kale , waxa aynu halkan doonaynaa in aynu dadka kaga wacyigalino in ay ogaadaan oo ay cilmi u yeeshaan xanuunkani mushkilada uu leeyahay iyo siyaabaha looga hortago dhibtiisa iyo siyaabaha laysaga ilaaliyo intaba”.

img_14072

Sahra Guuleed oo iyaduna ka mid ah saraakiisha Komishanka Aids-ka qaranka oo halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in guud ahaanba dadka ku hawlan ka shaqaynta xanuunka HIV/Aids-ka uu hadafkoodu yahay sidii loo yarayn lahaa faafida xanuunka AIDS-ka ,yadoo xustay in dawlada ay ka go’an tahay xakamaynta  xanuunkan ,islamarkaana iyagoo taas ka duulaya ay sannadkan ka komishan ahaan xooga saareen in layska baadho xanuunka Aids-ka,  hal ku dhega sannadkan la qaatay ayaa ah in aan loo dulqaadan takoorka lagu sameeyo dadka la nool xannuunka HIV/AIDS.

img_13923

Yuusuf Guruuje Madaxa Wacyigalinta ee Komishanka Xakameynta Iyo la Dagaalanka Aids-ka oo munaasibadaasi isna hadal ka jeediyey ayaa xusay in munaasibadaha noocan oo kale ah ee lagu qabto caalamka looga go’leeyahay sidii loo qiimeyn lahaa halka uu marayo xanuunka Aids-ku  si markaasi ka dib loo qaado talaabooyinka loo baahan yahay , waxa kale oo uu sheegay in ay muhiim tahay in laga war hayo hadba marxalada uu marayo xanuunku , mr Guruuje waxa uu cadeeyey in faafida xannuunka Aids-ku uu ka yaraaday adduunka iyadoo lagu rajo weyn yahay in maalin uun la heli doono daawadii xannuunkan lagaga bogsan lahaa, islamarkaana dalka china uu shaaciyey talaal lagu rajo qabo in boqolkiiba sagaashan dadku kaga badbaadi karaan xannuunka HIV/Adis.

 

Agaasimaha Dallada Sahan Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo ku hadlayey afka ururada ka shaqeeya xakameynta xannuunka HIV/Aids oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee munaasibadani ay tahay in lays ogaysiiyo oo laga wacyigaliyo dadka xannuunka Aids-ka iyo in la taageero oo la soo dhaweeyo dadka uu asiibay ee la nool xanuunkan .

img_14201

Guddoomiyaha Dallada Sahan oo ka hadlayey doorka ay ururada bulshada rayidka ahi ka qaataan wacyigalinta xannuunka Aids-ka ayuu ku tilmaamay in uu yahay mid wax weyn ka taray fikirkii bulshadu ka haysatay xannuunkan , sidoo kale waxa uu xusay in ururarada bulshada rayidka ahi ay ka soo shaqeeyeen sidii loo heli lahaa sharciga xakameynta Aids-ka kaas oo ay ka shaqaynayeen labadii sannadood ee ugu dambeeyey.

kk-2

Guddoomiyaha Haayada Bisha Cas ee Somaliland Axmed Cabdi Bakaal oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa xusay in ururkoodu uu gobolada dalka oo dhan ka qabtay munaasibado lagu xusayo maalinta Aids-ka adduunka ,kuwaasi oo bulshada loogu sheego khatarta xannuunka HIV/Aids-ka , mr Bakaal waxa uu bulshada ugu baaqay in la soo dhaweeyo lana caawiyo dadka la nool xannuunkan oo aan la takoorin.

 

Guddoomiyaha Guddida Arimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada Somaliland Xasan Cawaale Caynaan oo ka mid ahaa dadkii munaasibada maalinta Aids-ka aduunka ka hadlay ayaa sheegay in ka guddi ahaan ay ku dadaalayaan sidii ay xeerka xakameynta HIV/AIDS-ka u horgayn lahaayeen golaha wakiilada Somaliland islamarkaana ay ku darsan lahaayeen wixii talo iyo tusaale ah ee xeerkan kaga aadan.

kk-3

Dhinaca kale waxa munaasibadaasi ka hadlay Saraakiil ka socday wasaarada caafimaadka Somaliland , Haayada WHO, Dr Cabdiraxmaan oo ka mid ah dhakhaatiirta ka shaqaysa ka hortaga iyo xakameynta AIDS-ka iyo qaar ka mid ah dadka la nool xanuunka Aids-ka kuwaasi oo socday in aan la takoorin isla-markaana dawlada ka dal-baday in ay ka shaqayso sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda, sidoo kale fanaaniinta waaxda dhaqanka ee wasaarada warfaafinta Somaliland ayaa halkaasi ku soo bandhigay riwaayad ka hadlaysay khatarta xannuunka HIV/AIDS iyo muhiimada ay leedahay in qofku caafimaadkiisa la socda kana fogaado dariiq kasta oo u sahli kara in uu qaado xannuunka HIV/AIDS-ka

kk

Gabagabadii waxa munaasibadaasi soo xidhay Wasiir-dawlaha Wasaarada Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Somaliland Cabdi Daahir Camuud waxa uu sheegay in qorshaha xukumadu yahay in dalka laga dabar-gooyo xannuunka iyadoo loo marayo dariiqa ah in dadka lagu baraarujiyo khatarta xannuunka si ay uga feejignaadaan , waxa uu bulshada kula dardaarmay in aanay takoorin dadka la nool xannuunka HIV/AIDS ayna soo dhaweeyaan.