Agabkii Doorashada oo Somaliland soo gaadhay

0

Hargeysa(Berberanews):- Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa ka warbixiyey Waraaqihii Cod-bixinta doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan inay qabstoonto `13-ka bisha 11-aad ee sannadkan 2017 iyo sidoo kale Agab kale oo ka mid ah Qalabka doorashada lagu geli doono oo xalay iyo Maanta Diyaarado soo gaadhsiiyeen Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa oo ay Guddigu ku guddoomeen Qalabkaas oo dalka dibeddiisa laga soo raray.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo Afhayeenka Guddigaas Siciid Cali Muuse oo Isagu ka mid ahaa Xubno Qalabka soo raray iyo weliba Xubno ka tirsan ama kala metelayey Xisbiyada UCID, KULMIYE IYO WADDANI, ayaa iyaguna ka hadlay Qalabkaas iyo diyaar-garawga doorashada Madaxtooyada Somaliland oo ay Musharrixiinta Saddexdaas Xisbi ku Tartami doonaan haddii Illaahay idmo.

Haddaba, Xubnaha Guddiga doorashooyinka u hadlay iyo kuwa Xisbiyada u hadlay-ba, waxaannu Faahfaahintooda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-