Akhri-Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland Oo Hogtusaalayn Iyo Waano u Diray Dhalinyarada Somaliland Xili uu Cadeeyey Inuu Da’yarta Barbar Taagan Yahay.

0

Hargaysa(Berberanews)Wasiirka Wasaarada Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan cali Koore Ayaa Maanta Cadeeyey Sida uu Xili kasta Iyo Xaalad Walba u Garab taagan Yahay Dhalinyarada Somaliland isagoo Noqday Wasiirkii ugu horeeyey ee Mowqifkiisa Horumarinta Dhalinyarada Si Daacadnimo ku Dheehan tahay Usoo gudbiya.

Wasiirka oo Qoraal Dheer ku Daabacay barta uu ku Leeyahay Facebook ayaa Yidhi Sidan hoos ku Qoran…..

“Baraarujin Dhalinta Iyo Qeexid Kooban”

Dawladu Waa Habdhis( System) Ka Kooban Unugyo Habaysan Oo Xukuma, Ilaaliya, Xadeeya, Xaliya, Dabra Dhamaan Hab-Dhaqanka Bulsho Meel Kuwada Nool Una Yeela Bulshadaas Calaamad( Sooc/Flag) Ay Kaga Duwan Tahay Bulshooyinka Kale Ee La Dariska Ah Ama Dunida Kula Nool.

– Dawladi Waa Dad Leh Dal Cayiman Oo Uu Ka Jiro Maamul Ku Dhisan Sharci, Lehna Awood Sharcigaa Lagu Fuliyo. Dawladnimda Ama Dawladu Waa Masuuliyad Wadareed Ka Samaysan Iskaashi Bulsho Oo Ku Salaysan Maamul Iyo Maarayn Iyo Kala Danbayn Sharci Oo Bulshadaasi Isla Fahantay Inay Kuwada Noolaato Horumarna Ku Gaadho.

Waa Inayar Oo Kooban Oo Ka Mida Qeexista Dawladnimo Iyadoo Ay Balaadhan Tahy Minacaha Dawaladnimo Oo Aynaan Ku Soo Koobi Karin Qoraalo.

Dhalinyarada Waxan Kula Talinyaa Si Ay Aqoontooda Iyo Garaadkooda Kor Ugu Qaadan In Ay Waxabadan Ku Bartaan “Self Study” Badhaan Oo Bartaan Aqoonta Guud Ee Kala Duwan.

Barashda Micnaha Dawladnimada Iyo Daastuurkooda Iyo Sidoo Kale Wajibaadka Saaran Ee Qofku Leeyahy Laguna Leeyahy. Waxay Idin Ka Caawinaysaa Soo Bandhigida Fikiradiina Iyo Faaloyinkiina. Sidoo Kale Muhiim Idiinku Tahy In Aad Doodaha Iyo Nidaam Kasta Oo Wada Lahaasha Ka Qayb Gali Karto.

Waqti Waxaad Haystaa Intaad Dhalinyarda Tahy Waxaban Oo Aad Jaanis Maanta U Haysto Oo Waqtigu Kuu Saamaxayo Aan Beri Suurta Gal Ahyn Oo Aad Imika Haysto.

Maanta Aqoontii Waa La Soo Koobay Oo Waxad Aqoon Iyo Ogaasho Badan Oo Daafaha Dunida Iyo Hanaan Socodka Cilmi Aad Kula Socon Kartaa Alaadan “Internet “Ka. Wuxuu Ku Samaxaya Baadhis Faro Badan Iyo Ogaasho Wax Walaba Oo Dunida Ka Mida Iyo Aqoomaha Kala Duwan Ee Aadamuhu Soo Kordhiyey Waqti Xaadirkan. Baro Oo Baadh Ogow Oo Kobci Garaad Kaaga Iyo Maankaaga Ugu Talo Gala Inaad Soo Bislaato Si Aad Dunida Iyo Deegaankagab Aad Wax Ugu Soo Kordhin Karto.

F.G “Dhalinyarda Iga Codsata Badna Waanooyinka Iyo Dhiiri Galinta Ay Isoo Bidaan Waxaan Leeyahy Mar Walaba Wixii Dhiiri Galina Ee Shaqsiyan Dhankayga Waan Idinla Wadaagi Doonaa “

Share.