Akhriso Liiska Isku Aadka Koobka Adduunka Oo La Soo Saaray

0

England oo ku dhacday Talyaaniga, Spain iyo Holland oo isku beegmay iyo Garmalka iyo Portuqal oo Madaxa is gallin doona

 Ciyaaro-(Berberanews)-Qori-tuurka isku aadka xulalka ka qayb gallaya koob aduunka 2014, ayaa lagu dhawaaqay maanta  kadib xaflad ka qabsoontay magaalada Costa da Sauipe ee wadanka marti gallinaya ee Brazil.

Guruubyada la soo saaray ayaa dhamaantood ah kuwii ugu adkaa ee saadaal laga bixiyo , waxaana adkaatay in la sheegi karo, Group-ka uu noqon karo kan loogu yeedho midka dhimashada ‘Dead Group’ oo caadiyan marka isku aad la soo saaro ay caado ahayd ka kulmiya xulalka ugu adag in loogu magac daro.

 Xulalka ugu tunka weyn caalamka ayaa qaarkood ku kulmi doonaan hal Group, sida Spain iyo Holland oo hal Group kuwada jira iyo Gemany iyo Portugal, sidoo kalena waxaa isku beegmay xulka Ingiriiska iyo Talyaaniga.

Koobka aduunka Sanadka bilaabmaya ayaa ka furmi doona bisha June 12-keeda magaalada Sao Paulo, halkaas oo ay ciyaarta furitaanka isku haleeli doonaan , qaranka Martida loo yahay ee  Brazil iyo xulka Croatia.

Xulka ku guulaysta koobka aduunka ee 2014 wuxuu isna ku dabaal degi doonaa garoonka Caasimada Brazil ee Rio De Janeiro, bisha July 13 keeda.

Isku aadkii oo dhamaystiranina wuxuu ku soo baxay sidan :-

four groupGG