Akhriso: Qodobada Ay Ku Heshiiyeen DP World, Puntland Iyo Farqiga U Dhaxeeya Kii Ay Hore DP World Ula Gashay Somaliland

0

(Berbera news) Maamul Gobaleedka Puntland ayaa  shirkada maamusha Dekeda Berbera ee DP World la saxeexatey heshiis ku saabsan sidii shirkadaasi loogu wareejin lahaa Dekeda Boosaaso maamulka Dekeda Puntland .

Heshiiskan ayaa maanta labada dhinaca maanta ku dhex-maray magaalada Dubai ee dalka Imaraadka, waxaana qodobada heshiiskani u dhigan yihiin sidan:-

1-Puntland waxay ogolaatay in shirkadani la wareegto maamulka Dekadda Boosaaso waxaana ay maamulaysaa 30sano oo ka bilowmaysa maalinta heshiiska la saxiixay.

2- Shirkada DPWorld waxay dhisaysaa Dekad cusub oo Balaceedu yahay 450 mitir , joogeeda hoosena yahay 12mitir .

3- Waxaa la dayac tiri doonaa oo la balaarin doona Dekadda Boosaaso ee hada shaqeysa.

4- Kharashka Shirkadan gelinayso Dekadda waa $336 Million, oo wejiga kowaad la bixinayo $200 Million.

5- Dhismaha Dekadda waxaa lagu dhameystiri doonaa 24bilood oo ka bilowmaysa marka heshiiska la saxiixo.

Berbera news.