Allah Nagama Yeellin Gashaanti Aamusnaan Lagu Meheriyo Qalinkii Xassan Cumar Hoorri

0

Shirka masiiriga ah ee Djibouti waxaa habboonaa in ay Somaliland ku gasho hab qaran. Waxaa ay ahaydxukuumaddu in ay la socdaasho kalsoonida shacabka. Waxaana mudnayd ergadu in ay sii garnaqsato intii aanay geedka tegin. Waxaana ay ahayd xukuumaddu in ay hubsato mawqifka ay kaqabaan wada-hadalada ka qabaan shacabku, hoggaamada dhaqan, bulshada rayidka,waxgaradka, barlamaanka iyo xisbiyada mucaaradku.

Durba waxaa aan ognahay in uu ku gacan seydhayXisbiga UCID, halka Xisbiga Waddani uu ku afgobaadsay in uu mawqifkiisa kaga warcelin doono kolba waxii ka soo baxa shirka. Waxaa aan la tixgelin Baaqii Salaadiinta ugu culus Beesha Dhexe kaasoo ay ku soo jeediyeen in ay qayb ka noqdaanwada-hadalka. Waxaa aan la qiimayn dareemada is dabajoogay ee Madaxda Dhaqanka iyo waxgaradka Beelaha Darfuhu ay ku soo bandhigeen in lalawaadaago talada, lana daweeyo tabashooyinka jira. Waxaa dhegaha laga furaystay war-mutiyeedyadii ka soo baxay Beelaha Somaliland (Garxejis, Samaroon, Harti Waqooyi, Habr Jeclo iyo Arab) oo tilmaamayay in xukuumaddu ku soo noqoto danta guud iyo tubtii heshiiska lagu ahaa.

Anigu, “qof ani yidhi rag iska reeb”, waxaan odorasayaa hoggamada dhaqan in ay baaq ka soo saaraan shirka. Waxaana aan aaminsan ahay xukuumadda Somaliland in aanay shirka Djibouti ku metelin inta badan shacabka iyo dhulka Somaliland.

khudbaddii Madaxweyne Muuse Biixi uu ka jeediyay madasha Djabouti, waxaa uu dooddiisa ku qotomiyay xuduudahii uu ka tegay gumaystahu in ay saldhig u yahiin gooni-isu-taagga. Waxaa uu si tifaftiranna uga hadlay Qaddiyadda Somaliland, sooyaalka dalka, xeerarka aqoonsiga, shuruucda caalami iyo dalal looga tilmaam qaato gooni-isu-tagga. Qoddobada uu Madaxweynahu soo taxay,waxaa aan ka xusayaa kuwan soo socda.

Madaxweynaha, waxaa uu tibaaxay gooni-isu-taagga iyo Distuurka Somaliland in ay u codeeyeen 97% dadweynaha Somaliland. Hase yeeshee, Madaxweynahu waxaa uu ku gaabsaday in uu sheego Gobolo iyo Degaamo badan oo aan laga codeyn. Marka laga soo tago aftidii distuurka ee sannadkii 2000, labaatan sannadood ka dib, hadda iyo 2020, weli waxa jira gobol iyo degmoooyin aanla diiwaan gelin, loogana codayn afti iyo doorasho toona. Waxaana ka mid ah degaanka Maakhir eebedkiisu dhan yahay 35,000 km² kaasoo 20% ka ah Somaliland (176,120 km²). Ogow kuma aan darin degaamada kale ee cabashadu ka jirto. Degaanka Maakhir waxaa lagu xusuustaa weedhahii qalafsanaa ee ka soo yeedhay Taliyaha Ciidanka Qaranku isagoo ku baanay in ay dhaafeen qayb ka mid degaankaa inta kalena ugu yaboohay in ay ka daba tagaan, Madaxweyne Muuse Biixi aflagaadada Taliyahiisa waxaa uu ku maqlayay dhegahiisa,kamana soo bixin wax jawaab ah.

Mar kale, Madaxweyne Biixi eraygii uu ka jeediyay madasha waxaa uu ku tibaaxay “Heshiiska Xuquuqda iyo Xil-qeexidda Dawlad” ee Montevideo, Uruguay, 1933.  Heshiiskaa Caalami,waxaa uu dal ku aqoonsadaa 1.Tiro dad ah, 2.Soohdin sugan, 3.Xukuumad talisa iyo 4. Awood uu dalku heshiis ku la geli karo dawlad kale. Qoddobka waxaa lagu asteeyaa dalku in uu leeyahay soohdin sugan.

Isla markaa, Madaxweynahu waxaa uu sheegay gooni-isu-taagga Somaliland in uu jideynayo Qoddobka 4aad, Xarafka (B) ee xeerka Midowga Afrika kaasoo dhigaya in la xurmeeyo xuduudahii gumaystahu uga tegay Afrika.

Waxaa sharaf ii ahayd aniga iyo Drs. Adna Aadan Dhakhtar in aan magaca Somaliland kaga qayb galnay shirkii lagu daahfuray aasaaska Midowga Afrika (AU) Durban, Koonfurta Afrika, 2002. Halkaas waxaa aanu kala soo noqonay QoddobadaDistuurka Midowga Afrika (Constitutive Act of African Union) kaasoo Madaxweynahu ka soo dheegtay Qod 4aad. Sidaa awgeed, Madaxweynaha waxaa aan xusuusinayaa Xuduudaha Somaalilandee gumaystahii ka tegay waxaa lagu saleeyaaheshiiskii Ingiriisku uu la galay Beelaha Somaliland (Gadabiirsay, Warsangei, Ciise, Habar Garxejis, Habar Toljeclo iyo Habar Awal). Si gaar ah waxaa aan hoos uga xarriqayaa heshiiskii Beesha Warsangeli ee 27kii January 1886.

I. Sida ku qeexan heshiiska, Ingiriisku Saldanadda Warsangeli waxaa uu u aqoonsaday “DAL” (Country), halka uu beelaha kale heshiisyada ku la galay degaamo. Intaa waxaa dheeraa,Beesha Dhulbahante oo fallaago ahayd, wax heshiis ahna aan la gelin Ingiriiska, taasoo aanu khusayn xuduudihii gumaystahu.

II. Heshiiska Beelaha waxaa hordhac u ahaa madaxbannaanida iyo ilaalinta nabadda iyo kala danbeynta in loo gacan geliyo Ingiriiska. Hase yeeshee, qoddobkaas waxaa laga reebay heshiiskii Beesha Warsangeli.

III. Heshiiska Saldannaa Warsangeli waxaa kale oo laga tirtiray qoddob Ingiriiska xaq u siinaya in ay awood ku yeeshaan talada beelaha. Warsangeli taladu iyaga ayay u reebanayd.

IIII. Sidoo kale, heshiiska Saldanadda Warsangeli waxaa laga saaray qoddob qeexaya maraakiibta sidata calanka Ingiriiska in ay lacag la’aan ugu soo xidhaan marsooyinka beelaha, ugana ganacsadaan degaamadooda.  

V. Beesha Warsangeli waxaa heshiiska loogu kordhiyay qoddob u gaar ah kaasoo isna dhigayay Beeshu in ay Saraakiisha Ingiriiska gacan ka siiso, una tixgeliso gudashadahawlahooda sida iskaashiga dhinacyada cadaaladda, horumarinta khayraadka dalka, danaha ganacsi, iyo arrimaha kale ee la xidhiidha nabadda, kala-danbeynta, dawlad-wanaagga iyo horumarka guud ee ilbaxnimo.

Xogaha aan soo tibaaxay waxaa ay burinayaanqoddobada saldhigga sharci u ahaa dooddiiMadaxweynaha haddii aanu helin kalsoonida Beelaha Warsangeli iyo Dhulbahante. Labadaa Beelood ayaa ah kuwa ay ka go’do kala goynyta ama mideynta Somaliland iyo Somaaliya iyagoo Allah uu ku beeray laguna wehelin soohdimaha laga hadlayo.

Qoraalka ka soo baxay Ururka Midowga Afrika (AU) ee uu Madaxweynahu ku saleeyay dooddiisa sharci waxaa durid iyo daadifeyn ugu filan ergado in ay ku koobnayd gobolada Maroodi-jeex iyo Awdal oo aanay dalka ka warbixin karayn. Isla markaa, warbixinta oo laga joogo 15 sannadood,waxaa ay ka tarjumaysay kalsoonida waagaa dhex-taalay xukuumadda iyo shacabka. Berigaa dadku waxaa ay qabeen in loo socdo Somaliland la wada leeyahay.

Dhanka kale, Madaxaweynaha Somaliland waxaa uu carrabka ku adkeeyay caddaalad darro, takoor, iyo xasuuq dalku kala kulmay Taliskii Siyaad Barre. Waxaana uu caddeeyay in la bartilmaamsaday dadka Somaliland. Waxaa uu tibaaxay Guddiga Xuquuqda Aaadanaha ee Qaramada Midoobay, Guddiyada Madaxabannaan ee Xuquuqda aadanaha iyo Golaha Somaliland ee DambiyadiiDagaalka in ay si buuxda u diiwaangeliyeengabbood-falka.

Run ahaantii, muran kama taagna dhagarta xukuumaddii Somaaliya ay ku gashay shacabka magaalooyinka sida Hargeisa, Berbera iyo Burco. Waxaana habboon dhagar-qabayaashii fuliyay in la horgeeyo maxkamad caalami ah. Madaxweynahu waxaa uu amaanay Madaxweyne Farmaajo oo arrintaa ka garaabay, kana bixiyay raaligelin.

Haddaba, miyaanay mudnayn in uu Madaxweyne Biixi ka murugoodo, raalligelinna ka bixiyo dhagarta Somaaliland gudaheeda iska gashay. Maxaase laga yeelayaa xasuuqa ay tirsanayaan shacabka gobolada Awdal, Sool, Togdheer iyo Sanaag? Maxaana diidaya in laga hawl galo sidii maxkamad loo horkeeni lahaa denbiilayaashaiyadoo gacanta lagu hayo waxii marag iyo caddeymo ah?

Isku soo xoore, wada-hadalada socda, dhan kastoo ay u dhacaan, ma noqon doonaan kuwo aamusnaan ku meheriya shacabka qaarkood ama godobtir u bixiyo beelaha qaarkood. Waxaana gabaabsi ah xilligii la afduubi jiray bulshada.

Dunidu waxaa ay maraysaa xilli ay bulshada u soo noqotay awooddii. Arrinkaas oo hore u ahaa afgobaadsi, maanta taladu iyo awooddu waxaa ay u sugnaatay shacabka. Dawladdii Maraykaynka ee kusuntan awoodda ugu weyn iyo dalalkii Yurubbawaxaa, toddobaadyo, gilgilaya dilka hal qof oo madow, Goerge Floyd. Waxaana dunida si xawli ah uga hana qaadaya in madal shacabka lagu raalligeliyo, lagana siiyo magdhow waxii gef ah iyo in shuruucda loo bedelo rabitaankooda. Dalkeenuna kama duwana dunida inteeda kale.

Hadaba, waxaa talo fiican ah Somaliland in ay la jaan qaado dunida. Waxaan u soo jeedinayaa Madaxweyne Muuse Biixi in uu ku dhiirrado saxidda waxii ka xumaaday, talada dalkana la wadaago kuwa dalka leh, Mucaarid, HoggaamoDhaqan, Waxgarad, Ururo Bulsho, Maamulka Khaatumo, Maamulada Waqooyi ee Soomaliya (Nothern States of Somalia), Ururka Dulmidiid, Ururka SSC, Jabhaddii Cawaale, Jabhaddii Xaqdoon, Jabhaddii Gaadh-haye, iyo cid kastoo ka biyo diiday maamulkaaga. Markaas ayaan hubno qaranku in ay haysto toobiyihii toosnaa.

Xassan Cumar Hoori waa qoraa ka faallooda degelka, Geeska iyo Waaya Dunida, Kala xidhiidh hassan.horri@gmail.com ama Twitter @horrimania.