Aqoonyahanka iyo Dhalinyarada Gobolka Saaxil oo taageeray Musharaxa Maxamud Xaashi Cabdi

0

Berbera-(Berberanews)-Baaq ay soo saareen Aqoonyahan iyo dhalinyarada Gobolka Saaxil oo ay ku saxeexan yihiin inta badan haldoorka,aqoonyahanka iyo dhalinyarada gobolka saaxil ayaa waxa ay ku sheegeen in ay taageero mug iyo miisaan leh la barbar taagan yihiin Musharaxa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Maxamud Xaashi Cabdi.
Baaqa ay soo saareen Haldoorka Gobolka saaxil, waxa ay ku sheegeen in Maxamaud Xaashi Cabdi yahay siyaasi weyn oo ka qayb qaatay Horumarka gobolka Saaxil Mudadii uu ku jiray siyaasada Somaliland
Baaqa ay soo saareen Haldoorka Gobolka saaxil ayaa u dhignaa sidan:

“anagoo ah aqoonyahanka, dhalinyarada iyo haldoorka gobolka saaxil waxa aanu taageero la barbar taaganahay musharaxa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Maxamud Xaashi Cabdi
Siyaasi Maxamud Xaashi Cabdi waxa uu wax badan gashaday dadka ku nool gobolka saaxil, sido kale waxa uu ka qayb qaatay horumarka gobolka saaxil tan iyo intii uu ku jiray siyaasada.
Maantana waxa aanu ka rajaynayaa in uu ka sii badin doono waxtarkii iyo horumarkii uu ka shaqayn jiray Reer saaxilna abaal weyn ayay arrintaasi ugu hayaan.
Guntii iyo gebogebadii waxa aanu rajaynayaa in uu guulaysan doono musharax Maxamud Xaashi Cabdi”
Guul iyo Gobonimo
Haldoorka Gobolka Saaxil