Armenia oo Turkiga ku eedeysay iney diyaarad dagaal ka soo ridday

0

Dalka Armenia ayaa sheegay diyaarad dagaal inuu Turkiga ka soo riday inta uu socday dagaalki ka dhacay gobolka Nagorno-Karabakh.

Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Armenia ayaa sheegtay duuliyaha diyaaradda SU-25 uu Ruushka sameeyey inuu dhintay kaddib marki ay gantaal ku dhufatay diyaarad F-16 oo laga leeyahay Turkiga oo ku soo xadgudubtay hawada dalka Armeniya.

Balse Turkiga oo si weyn u taageera Azarbajaan ayaa eedda ay u soo jeedisay Armenia ku gacan seyrtay.

Ku dhawaad 100 qof oo ay dad rayad ah ku jiraan ayaa ku dhintay dagaalki seddexda maalmood ka socday dhulka buuraleyda ee lagu muransan yahay.

Dhulka buuraleyda ee Nagorno-Karabakh ee lagu muransan yahay ayaa caalamka looga aqoonsan yahay inuu ka tirsan yahay dalka Azarbajaan, balse tani iyo dagaalki 1988-1994-tii dhexmaray labada dal oo ka wada tirsanaa Jamhuuriyaddi Midowgii Soofiyeti waxaa dhulkaasi gacanta ku hayey qowmiyad ka soo jeeddo Armeniya.Azarbajaan waxay marar badan sheegtay diyaarad F-16 iney ciidamadeeda cirka ku hubeysneen, balse ay diyaaradaha noocaasi leeyihiin Turkiga.Dagaalkaasi oo gobolka ay labada dal isku hayaan ka billowday seddex maalmood ka hor ayaa hadda u muuqda inuu ka gudbay dhulki la isku hayey oo uu ka socdo xuduudaha kale ee labada dal.Labada dal midba midka kale wuxuu ku eedeeynayaa dagaalkan ugu dambeeyey inuu isagu billaabay.

Turkigana si cad oo aan gabbasha laheen wuxuu u sheegay inuu Azarbajaan uu wax kasta uu awoodo uu ku taageerayo, halka Ruushka oo saldhig ciidan ku leh dalka Armenia saaxibna la ah Azarbajaan uu labada dal ugu baaqay xabbad joojin degdeg ah.

Diyaaradda dagaalka maxaa ku dhacay?

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Armenia Shushan Stepanyan waxay sheegtay diyaarad dagaal oo ay Armenia leedahay oo nooceedu yahay SU-25 subaxnimadii talaadada in la soo riday duuliyihi diyaaraddaasi duulinayeyna uu dhintay.Qoraal ay barteeda facebook soo dhigtay waxay ku sheegtay diyaarad dagaal oo nooceedu yahay F-16 oo Turkiga laga leeyahay iney 60 km hawada Armenia gudaha u soo gashay.Balse Turkiga ayaa markiba hadalka Armenia ka soo yeeray beeniyey.”Armenia waa iney ka baxdo dhulka ay guumeysiga ku haysato, halka ay maciinsan lahayd dacaayado raqiis ah” ayuu yiri madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Balse ma jirto wax caddeyn ah oo diyaaraddaasi ku saabsan oo la baahiyey. Azarbajaan waxay Armenia ugu baaqday iney soo bandhigto caddeymaha ay hayso.

Maxaa ka soo cusboonaaday dagaalkaasi?

Talaadadi shalay ahayd Armenia iyo Azarbajan waxay sheegeen inuu dagaal culus uu habeennimadi ka dhacay gobolka Nagorno-Karabakh.Wakaaladda wararka ee Armenia waxay sheegtay Xoogagga gacanta ku haya gobolkaasi iney u xaqiijiyeen 87 askari oo ka mid ah ciidamadooda in dagaalkaasi looga dilay 120-nna ay kaga dhaawacmeen tani iyo marka uu dagaalka billaawday maalinta Axadda.Waxayna wakaaladdu intaasi ku dartay Azarbajaan iney dagaalkaasi kaga dileen 400, 1 diyaarad oo kuwa dagaalka ah, 4 diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo tiro taangiya ahna ay ka burburiyeen.

Dalka Azarbajaan oo aan shaacin macluumaadka la xiriiro qasaaraha dagaalkaasi ka soo gaaray, haddana waxay sheegeen rasaas ka soo dhacday dhanka Armenia in lagu dilay 12 qof oo rayad ah.

Wakaalada warar oo soo xigtay wasaarada gaashaan dhigga Azarbajaan waxay sheegeen iney ciidamada Armenia ay isku dayeen iney marar badan ku gacan roonaadaan aagagga Fuzuli-Jabrayil iyo Aghdere-Terter balse ay ku fashilmeen.

Balse khasaaraha ay labada dal kala sheeganayaan oo dalba dalka kale u geystay ma jirraan cid madax bannaan oo xaqiijiyey.

Xabbad joojin rajo intee dhan ayaa laga qabaa?

Wakhti xaadirkan rajadu waxay u muuqataa mid aad u yar.

Ra’isal wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan oo warbaahinta Ruushka u warramay waxay sheegeen xaaladda gobolka ka taagan ma aha mid suragelineyso wadahadal inta ay dagaallo halkaasi ka socdaan.

Madaxweynaha Azarbajaan Ilham Aliyev, oo sida oo kale warbaahinta Ruushka la hadlay wuxuu sheegay mowqifka ay Armenia ka taagan tahay xiisadda iney suuragalineyn inuu wadahadal dhaco.

خط رمادي عرضي

Xaqiiqooyin ku saabsan Nagorno-Karabakh

  • Waa dhul buuraley ah oo ku fadhiya qiyaastii 4,400 kiilo mitir oo laba jibbaaran
  • Waxaa dhulkaasi deggan Kirishtan Armeniya ka soo jeeda iyo Tarki Turkiga ka soo jeedda
  • Xilligii midowgii Soofiyeet gobolkaasi wuxuu noqday gobol madax-bannaan oo ka tirsan jamhuuriyadda Azarbajaan
  • Caalamkana waxaa looga aqoonsan yahay inuu yahay gobol madax-bannan oo ka tirsan Jamhuuriyadda Azarbajaan
  • Dagaalladi dhacay inti u dhaxeysay 1988-1994, waxaa ku dhintay ku dhawaad 30,000 oo qof halka ay ku barakaceen dad lagu qayaaso 1 malyan
  • Dagaalki 1990-yadi dhacayna kooxo gooni u goosad ah waxay qabsadeen dhulal kale oo ku yaalla xadka Azarbajaan
  • Khilaafka ayaa sii xoogeysanayey tani iyo marki la dhaqan geliyey xabbad joojinti 1994-kii
  • Turkigu si aan gabbasha lahayn wuxuu u taageeraa Azarbajaan
  • Ruushka wuxuu xaruumo militari uu ku leeyahay Armeeniya

Khilaafka muxuu salka ku hayaa?

Sannaddii 1988-kii, oo ku beegnaa ku dhawaad dhammaadkii xukunkii Midowgii Soofiyeeti, xoogagga Azarbajaan iyo gooni-u goosatada Armenia waxay billaabeen dagaal dhiig badan uu ku daatay oo sababay Nagorno-Karabakh iney Armenia gacanta ku sii hayso kadib marki ay labada dal heshiis nabadeed kala saxeexdeen 1994.

Tobannaan kun ayaa lagu dilay dagaalkaasi iyada muwaaddiniin badan oo dalka Azarbajaan ku qasbay inay ka cararaan guriyahooda.

Gobolka labada dal ay isku hayaan oo hadda ah mid madax bannaan haddana wuxuu taageero aad u weyn uu ka haystaa dalka Armeniya. Balse lagama aqoonsano qaramada midoobay oo ay ka mid tahay Armeniya lafteeda.

Sidoo kale, dhul ballaaran oo ka tirsan dalka Azarbajaanna oo ku teedsan agagaarka gobolkaasina waxaa gacanta ku haya dalka Armeniya.Xigasho BBC Somali