Arsene Wenger oo Quus ka Taagan Heshiis uu La Galo Ciyaaryahanka Theo Walcott

0


Ciyaaraha-(Berberanews)-Arsene Wenger, ayaa quus ka taagan heshiis uu la galo Theo Walcott, kadib markii uu sheegay inuu laacibkani ku qasbayo inuu iibiyo bisha January ee sannadkan foodda inagu soo haya.

Heshiiska laacibkan kula joogo Gunners-ka, ayaa ku dhamaanaya gebo-gebada xilli-ciyaareedkan, waxaannu Wenger xaqiijiyay inuu laacibkan iibin doono, haddii uu ku guul-darraysto inuu qandaraaska kordhiyo inta lagu jiro ciidda Kiristanka.

23 jirkan ayaa dalbanaya in mushaharka loo kordhiyo, isla markaana laga ciyaarsiiyo dhexda weerarka raacsan, halka uu hadda ka ciyaaro baalaha, haddii aannu kordhin doonin heshiiska uu kula joogo.

Quusta macallinkan u dhashay Faransiisku waxay ku soo beegtan dhawr maalmood kadib markii Arsenal waqti kama dambays ah u qabatay wada hadal ay la yeelan doonaan wakiilada Walcott.