Askar ka tirsan ciidamada Kenya oo lagu dilay xudduuda Kenya iyo Soomaaliya

0

11 askari oo ak mid ah ciidamada Kenya ayaa ku dhintay xuduuda Kenya iyo soomaaliya.

Askarta ayaa dhimatay ka dib markii gaarigii ay al socdeen uu dulmaray walxaha qarxa oo waddada lagu aasay.

Sida ay qareen warbaahinta Kenya 11 askari ay ka tirsanaa ciidamada sida militariga u tababaran ee GSU loo yaqaano.

Madaxa booliska waddanka Kenya ayaa sheegay in ciidamo boolis ah la gayn doono goobtii shalay gelinkii dambe lagu weerraray ciidamo ka tirsan booliska Kenya oo u tababaran sida milateriga oo kale.

Dhacdadan ayaa ka dhacday waddada isku xirta Libooy iyo Dhadhaab.

Madaxwaynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoysaska ay ka geeriyoodeen 11 askari.

Kenya ayaa waxaa ciidamo ay ka joogaan dalka Soomaaliya waxa ayna ciidamadaasi qeyb ka yihiin kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom.

Xigasho BBC Somali