Axmed Muumin seed oo sheegay in Ergooyin kala duwan u tegay aanay midina ka jawaabin tabashadiisa

0

Hargeysa(Berberanews):- Siyaasiga Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Waddani ah Axmed Muumin Seed oo qaaddacay doorashadii Musharraxa jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbigaas ee golaha dhexe ee Sabtidii toddobaadkii hore ka qabsoomay Hargeysa, ayaa ka hadlay Ergo Wadahadal oo Xirsi ka mid yahay oo uu Musharrax Cirro u diray, ka dib markii uu ku dhawaaqay Garab la baxay Garabka Toosinta iyo Caddaaladda ee Waddani.

Axmed Muumin Seed, waxa uu sheegay in Ergadaasi loo diray oo aan mid keliya ku koobnayn ee Ergooyin kala duwan ah aanay midina ka jawaabin tabashadiisa, isla markaana ay yihiin laba Garab oo siman oo kala ah Garabtka Caddaalad-darrada iyo Garabka Caddaaladda sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu Axmed Muumin sidaas ku sheegay mar uu Sabtidii Maanta Saxaafadda kula hadlayey magaalada Hargeysa, isagoo hore u sheegay inuu Dacwad ka dhan ah Musharraxaa Madaxweynaha Waddani Cabdiraxmaan-Cirro, waxaanu isagoo arrimahaas iyo kuwo kale-ba ka hadlaya Hadalka Axmed Muumin Seed idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-