Badhan: Maamulka Puntland oo xidhay Masuul ka tirsan Somaliland

0

Badhan-(Berberanews)-Ciidammada Putland ayaa xidhay Guddoomiye ku xigeenkii Degmada Badhan ee Somaliland Cabdiraxmaan Axmed Muuse ka dib markii maanta ay magaalada dhexdeeda ka qabteen ciidamo dhawaan halkaas ay ka sameyeen Maamulka Punland.

Ma jiro war ka soo baxay Xukuumadda Somaliland oo ku saabsan xadhigga Guddoomiye ku xigeenkii ugu magacawnaa Degmada Badhan.