Badhasaabka Gobolka Saaxil oo Xilka u kala Wareejiyey Maamulkii Hore ee Waxbarashada Gobolka Saaxil iyo Mid Cusub

0

Berbera,29,Nov,2011-(Berberanews)-Wasaaradaa Waxbarashada Somaliland, ayaa Gudoomiye cusub u magacowday Maamulka Waxbarashada ee Gobolka Saaxil, oo mudooyinkii u danbeeyay uu ka jiray khilaaf maamul oo hadheeyay habsami u socodkii wasaarada, waxaana Maanta xaflad xilwareejin ah lagu qabtay xarunta Waraarada Waxbarashada ee Magaalada Berbera.

Xaflad balaadhan oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiinta Gobolka Saaxil, oo uu ugu horeeyo, Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan(Ramaax), Xoghayaha Dawlada Hoose Cali Maxamed Cilmi, Taliye ku xigeenka Boliska Yacquub, Isu duwayaasha Dawlada ee Gobolka, Maamulayaal,Macalimiin, waalid iyo marti sharaf kale oo farabadan, ayaa waxaa ugu horayn halkaa ka hadlay, mid ka mid ah Guddida waalidiinta Gobolka, Jaamac C/laahi, oo isagu ka waramay xidhidhka ka dhexeeya waalidiinta iyo Maamulayasha oo uu xusay in uu aad u liito, ama aanu jirinba, waxaanu ugu baaqay waalidiinta Reer Berbera in ay caruurtooda ka warhayaan.

Maxamuud X,Cali Xasan oo isagu xilkan hayey mudo ku dhow Sanad, oo isagu xafladan ka hadlay, ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa ” marka hore waxaan u mahad naqayaa maamulka Gobolka ee halkan Maanta isigu yimi, waxaan marka hore la dar-daarmayaa waalidiinta oo aan leeyahay caruurtiina la socda halka ay marlaba marayaan, Macalimiintana waxaan leeyahay waxaa tihiin qofka kaliya ee sadaqo bixiya, isagaa qofkasta ka ajar badan, xataa kuwa ganacsatada ah, runtii lacag fiicana ma qaadataan, waxaan kale oo aan doonayaa in aan waxyar ka iftiimiyo waxa noo qabsoomay, intii aan halkan joogay, waxaanu qabanay waxbadan sida dhismayaal Iskuul, oo gaadhaya afar dhime, waxaa ka mida, Huguf, Iimaamu Shaafici, Darogodle waxaanu ka dhisnay Dugsiyo, ay u baahnaayeen, waxaan idin leeyahay waa in lala shaqeeyaa Maamulka Cusub”.

Gudoomiyaha Cusub ee Xilka la wareegay, Ibraahin Digaale Maxamuud, oo isna halkaa ka hadlay. ayaa waxaa uu yidhi ” waxaan halkan marka hore uga mahad naqayaa dhamaan marti shararta Xafladan ka soo qayb galay, Maamulka Gobolka oo dhan, iyo Maamulkii hore ee Wasaarada waxbarashada Gobolka Saaxil, anigu in badan ayaan ku soo dhexjiray bahda waxbarashada, runtii xilkani iguma cusba, waxaan samaynayaa la tashi badan iyo shirar joogto ah, waxaan leeyahay kaligay waxba ma qaban karo ilaa Maamul iyo Waalid iyo macalimiin aynu gacmaha isqabsano, markaas ayaan gaadhaynaa himaldeena, waxbarashadu waa saddex qaybood oo isku xidhan, waa macalinka Guriga oo waalidka ah, macalinta dugsiga, iyo macalinka suuqa, hadba kii miisaan cuslaada ayey Ardayduna xagiisa u badataa, waxaan leeyahay waalidka reer Berbera ardaydooda ha ka warhayaan oo ha la socdaan heerkooda aqooneed iyo hadba halka ay marayaan”.

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Ramaax oo isagu Xafladan xilwareejinta ah soo gabagabeeyay, waxaa uu ka waramay waxaa uu ka qabtay Waxbarashada Gobolka intii uu xilka hayey waxaanu yidhi ” horta xilwareejintani way ka horaysay rabshadii yarayd ee maalintii dhayd dhacday, taasina ardayda waa la khalday oo dad dhul aanay lahayn doonaya oo Waraabe qutur dhulkaas u bixiyey , ayaa ka faa’iidaystay, dadku waxay yidhaahdaa maxaa bashasaabka daba dhigay waxbarashada, waxaan leeyahay anigu waxaan Gobolka ugu wakiil ahayd Madaxwaynaha, wasaarad kastana hagaajinteeda anaa ka masuul ah, Waxbarashada waxaanu keenay Macalimiin cusub, waxaanu u samaynay lacag aan gobolka uga jarnay, walina waanu soo wadnaa markaa Dugsiyada Hoose iyo kuwa Dhexe si fiican ayey u shaqeeyeen, laakin halka ay Boogtu taala waa kuwa sare, iyana xalkooda waanu helaynaa” ayuu yidhi Gudoomiyahu.

Waxbarashada Gobolka Saaxil ayaa mudooyinkii u danbeeyay hoos u dhac maamul iyo waxbarasho soo foodsaaray, waxaana loo nisbaynayaa arintaa wada shaqayn la’aan iyo khilaaf ba’an oo soo kala dhex galay, qaar ka mida Maamulayaasha Dugsiyada iyo maamulka Waxbarashada , isla markaana Ardayda Dugsiga sare ee Bursade ayaa waxay, sameeyaan mudaharaad ay kaga cabanayaan, in is haynta ka dhex aloosan maamulku uu keenay in ay waayaan xiisadahoodii maalino.

Dhinaca kale, waxaa aan Maanta xilwareejintan ku jirin Gaadhi Bas( Nooha) ah, oo dhawaan Dawlada Hoose ee Magaalada Berbera ugu deeqday Maamulka Wasaarada Waxbarashada Gobolka Saaxil, Gaadhigaas oo aan wali Cadayn meesha uu ku danbeeyay, ayaanu wax ka waydiinay arinkiisa labada maamul ee xilka la kala wareegay, ugu horayn Gudoomiyaha cusub Ibraahin Digaale Maxamed, oo aanu waydiinay in gaadhigaa xilwareejinta laagu daray, waxaa uu yidhi ” layguma darin xilwareejinta mana ogi meesha uu ku danbeeya, laakin waan ka wada hadlaynaa Maamulkii hore arinkaas gaadhiga.

Gudoomiyahii hore ee xilka wareejiyey, Maxamuud X.Cali, oo aanu isna arinkaa Gaadhiga wax ka waydiinay ayaa waxaa uu yidhi ” gaadhigaa xilwareejinta kumaanu darin, waayo gaadhigu waxaa uu lahaa cilado daaqadaha waxaa kaga yaalay duqado, muraayada horena waxay lahayd dilaac, taayiradiisuna waxay ahaayeen duug, markaa waxaanu isnidhi intii laydin odhan lahaa durba gaadhigii way xumeeyeen, waxaanu ku celinay qolada dawlada hoose, markaa nin la yidhaahdo C/wahaab( ganacsadihii gaadhiga la iibsaay), ayaa ku yidhi yidhi Dawlada hoose, gaadhigu waxba ma qabo, markaa isagaa gaadhigii kaxaystay, maayarka oo aanu islahayn arinkaa kala hadlana, waanu iswaynay oo waxa uu ahaa mashquul” ayuu yidhi gudoomiyahii hore.

dhinaca kale ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa Berberanews u sheegay sababta gaadhiga loo celiyey ” Ninka baahini dookh ma laha, gaadhiga ciladaha ay leeyihiin waanu ku celinay maaha wax wayn, iyagaa hagaajin karayey, laakin waxaa jirtay gaadhi Bas oo Nooha ah oo uu lahaa ninka gudoomiye ku xigeenka hore ahi, markaa waxay isyidhaahdeen kaas ka iibiya Wasaarada, oo Dawlada hoose kan haydinka iibsato, kana celiya taas ayaa keentay in gaadhigaasi isku tuur tuur ku lumay”.

Xoghayaha Dawlada Hoose ee Berbera oo aanu isku daynay in aanu arrinkan wax ka waydiino ayaanay noo suurta galin ka dib markii uu Telifoonkiisa Gacanta naga qaban waayey.

Guntii iyo Gabagabadii, waxaa arinkan Gaadhiga laga sugayaa in ay Maamulka Dawlada Hoose ee Berbera, iyagu cadeeyaan halka uu ku danbeeyay Gaadhigaasi, iyo sababta Maanta xilwareejinta loogu dariwaayey Gaadhiga ay Waxbarashada ugu deeqeen, isla markaana wareejintiisii gaadhigan oo Warbaahinta laga baahiyey, waxaa wareejiyey Xoghayaha Degmada Berbera.

Khadar Jaamac Xaashi.
Berberanews,Berbera