Badhasaabka G/sahil iyo Maareyaha Wakaalada Wadooyika Somaliland oo kormeer ku soo maray jidka u dhaxeeya Berbera iyo Abdaal oo dayac tir balaadhan uu ka socdo

0

Badhsaabka G/sahil Maxamuud Cali Saleeban (ramaax), Mareyaha Wakaalada Wadoyinka Somaliland Mr. C/waaxid C/qadir C/raxmaan iyo Xog’heyaha fulinta Dawlada Hoose ee Berbera Cali Maxamed Cilmi ayaa saaka waxay kormeer ku soo mareen Wadada u dhaxaysa Berbera iyo Abdaal taas oo laga wado dayactir balaadhan.

Ugu horeyn waxa masuuliyiintaasi warbixin ku siiyey halkaasi khabiir ka mid ah kuwa dhisayey jidka isagoo sheegay in ay hawshan bilaabeen horaantii Bishii koowaad ee sanadkan kuna rajo wayn yihiin in ay hawsha dhameeyaan waqtiga dhaw.

Maryaha Hayada Wadooyinka Somaliladn C/waaxid C/qaadir C/raxmaan oo isna halkaa ka hadlay ayaa waxa uuu sheegay in uu aad ugu farasxayahay sida fiican ee ay hawshu u socoto, isagoo tilmaamay in ay wadadani ka mid ahayd wadoooyinka ugu khatarta badan ee shilalku aadka uga dhici jireen, Mareyaha ayaa waxa uu ka codsadey dawlada hoose in ay jidka u dhaxeeya kaantaroolka Beri iyo magaalada Berbera oo yara bur bursan ay sameeyaan, ugu danbayn waxa uu Mareyuhu sheegay in ay Berberi tahay magaalada ugu jidadka qurux badan Somaliland.

Xog’heyaha dawlada hoose ee Berbera Cali Maxamed Cilmi ayaa isna waxa uu sheegayn in ka dawlada hoose ahaan ay ka goan tahay in ay garab istaagaan sidii loo dayac tiri lahaa jidadka isku xidha Berbera iyo magaalooyinka kale ee Somaliland waxaana hadaldiisii ka mid ahaa “waxaanu aad usoo dhawaynayaa jidkan la dayactirayo waayo jidadkii magaalada oo dhisan hadii kuwii soo galayeyna aanay hagaasanayn wax micno ah samaynmaayaan kuwii dhisnaana”, Xogehayaha ayaa waxa uu xusay in qalabkii ay inta badan sugayeen uu tododbaadkan imanayaan hawshiina dhisida jidadkana ay halkeedii ka bilaabayaan.

Ugu danbayntii, badhsaabka G/sahil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa waxa uu mahadnaq baaladhan u jeediyey Haayada wadooyinka Somaliland sida ay xilka iskaga saartay sidii ay jidkan u hagaajin lahayd ka gobol ahaana ay u samayn doonan gudi ilaalisa oo kormeerta.

Isku soo wada duuboo jidkan dayactirka lagu sameeyey ayaa waxa inta badan dhibaato xoog leh kala kulmi jiray gaadiidka isticmaala ee ukala goosha gobolada Beri iyo kuwa Galbeed ee dalka waxaanay tani u noqonaysaa haayada wadooyinka somaliland wax qabad muuqda oo lataaban karo.