Barcelona Oo Guul-Daradii Ay Ka Soo Qaaday Kulankii Getafe Ku Ciil Baxday Kooxda Rayo Vallecano.

0

(Berberanews Sports):- Labo gool oo ka timid Alexis Sanchez ayaa ka caawisay kooxda Barcelona inay afar gool iyo waxba ku dardaraan kooxda Rayo Vallecano oo marti ku aheyd Camp Nou.

Sanchez ayaa hogaanka u dhiibay Barca markii ay ciyaarta socotay nusa saac, waxaana uu hogaanka uu labeeyay daqiiqadii 40aad markii uu baas fiican ka helay Xavi.

Wax yar ka dibna kubad ay isla ciyaareen Pique iyo Dani Alves ayaa soo dhistay goolkii David Villa ee seddexaad.

Kaliya ciyaarta Barca kuma aanay socon, Rayo Vallecano xitaa waxa ay heleen fursado dhowr ah lakiin ma aanay dhameystiri karayn. Taas bedelkeeda laacibka sannadka adduunka Lionel Messi ayaa ciyaarta hurdo u diray ka dib markii uu dhameystiray goolkii afaraad ee ciyaarta.

Barcelona ayaa haatan leh 31 dhibcood, waxaana ay seddex dhibcood ka danbeysaa Real Madrid oo sabtida la ciyaareysa kooxda Sporting Gijon.

Mustafe Maxamud “Kastam”

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports