Barcelona Oo Safar Deg deg ah Maanta Ugu Ambabaxeysa London Ka Dib Foolkanadii Iceland.

0

“Barcelona oo nasiib u yeelatay inay ku ciyaarto Garamadeeda ay hibada ku leeyihiin Manchester oo Garamo nasiibku ka hiiliyey”

Kooxda Barcelona ayaa xalay u safartay magaalada London halkaasoo sabtida ay ku ciyaari doonaan finalka Champions League ka dib markii ay ka baqeen inay saameeyn ku yeelato foolkanaha ka qaraxday Iceland ee baajisay duulimaadyo dhowr ah oo yurub gudaheda ah.“Xaalada lagu jiro ee foolkanaha Iceland markaan qiimeynay kooxda Barcelona waxa ay caaw (Xalay) u safreysaa London” ayaa lagu yidhi warbixin qoraal ah oo la soo dhigay website-kooda.Barcelona ayaa lagu waday inay London u ambabaxdo khamiista, balse haatan safarkoodii ay soo hormaray, iyadoo la sadaalinayo iyo qiiqa foolkaanuhu uu qariyo Ireland, Waqooyiga Ireland, Scotland iyo Waqooyiga Britian, lakiin lama filayo inay gaadho heerkii foolkaano tan la mid ah ay gaadhay sannadkii hore.Barcelona ayaa lagu qasbay inay bas ugu safarto Milan semi-finalkii Champions League ee xilli ciyaareedkii hore ka dib foolkaanihii qabsaday hawada Yurub.Waxaa ciyaartaas looga soo badiyay 3-1, waxaana lugtii labaad isku celcelis ay ku dhamaatay 3-2 oo Barcelona ay ku hadhay Inter-na ay ku gudubtay.Lakiin xalay Barcelona waxa ay ku safartay safar dhinaca hawada .Tababarah Barcelona ayaa doraad walaac ka qabay sida 20 kun oo taageerayaal reer Barcelona ah ay u soo gaadhi karaa London, lakiin wali lama hubo sida xaalkooda noqon doono.Dhinaca kale Kooxda Barcelona ayaa dhawaan nasiibku saaciday kadib markii ay heshay Garamada ay hibada ku leedahay ee ay inta u ah Garamada kowaad isla markaana ay ku badiso, taas oo ay Manchester United-na nasiibku ka hiilieyey oo ay heshay Garamada cad cad iyada oo lagu ciyaari doona Hoyga Manchester United.

Mustafe Maxamuud Diiriye “kastam”

shaafici_3@hotmail.com