Barcelona Oo Shaaca Ka Qaaday In Aanay Waligoodna Dalban Doonin Ronaldo Madaama Ay Heystaan Messi.

0

(Berberanews Sports):- Madaxweyne ku xigeenka kooxda Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisa aanay marnaba ku fekeri doonin inay u dhaqaaqaan Cristiano Ronaldo, sababtoo ah boos ugama banaano ayuu yidhi garoonka Camp Nou.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer Portugal ayaa ah ciyaaryahanka kaliya ee haatan laacibnimada adduunka kula tartamaya xiddiga sannadka adduunka Lionel Messi, taasoo keentay in dadka qaar ay ku fekeraan hadii ay labadooda hal koox u wada ciyaari lahaayeen.

Si kastaba ha ahaatee, Bartomeu ayaan aaminsaneyn in tababaraha Barcelona uuu awoodi karo inuu boos uga raadiyo kooxdiisa ciyaaryahan Ronaldo.

“Ma keeni doono isaga halkaan” ayuu u sheegay Catalunya Radio.

“Waa ciyaaryahan aad u fiican, waa xiddig weyn, lakiin haatan boos ugama banaana kooxdaan”

“Waxaan heysanaa laacibka adduunka ugu fiican, waa Leo Messi waana nin aan la bedeli karin” ayuu yidhi.

Labada kooxood ee Barcelona iyo Real Madrid oo lagu qiimeeyo kooxaha adduunka ugu waa weyn haatan ayaa kulanka El Clasico waxa uu 10ka December ku dhexmari doonaa Santiago Bernabeu.

Mustafe Maxamud “Kastam”

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports