BARNAAMIJ TAARIIKHIYA OO KA HADLAAYA TAARIIKHDA SOMALILAND LAGA SOO BILAABO 1960KII

0

Ibraahim faarax ismaaciil
Berbera, Somaliland
Waxaan maqaalkaygan doonayaa inaan sawir ka bixiyo marxalada iyo shucuurta shacabka Somaliland ee guusha doorashadii dalka ka dhacday 26kii June 2010 ee uu ku guulaystay Madaxweynaha haatan talada haya Axmed Maxamed Maxamuud (Silanyo).

Sidoo kale waxaan iftiimin doonaa marxalladihii kala danbeeyay ee Somaliland soo martay laga soo bilaabo 1960kii iyo wakhtiyadii kala danbeeyay ee xoriyad doonka.

26kii June 2010 waxay ahayd ficil guud oo salmi ah,oo ruuxkasta oo Somaliland u dhashay uu dareemayay qiimaha codkiisu leeyahay iyo rabitaanka aayo-ka-tashiga, isagoo aaminsanaa inuu yahay muwaadin fulinaya shuruucda ku qoran dastuurkooda qayb kamida oo awood usiinaysa xaqa uu u leeyahay inla doorto iyo inuu waxdoorto oo uu codkiisa u dhibto si degenaan iyo Nabada, Waxaa kale oo iyana jirtay arinkale oo xiise taariikheed laga qaadan-karo, oo komishinka doorashooinku -ku ku gudanayeen masuuliyada maamulka habsami usocodka hawlaha adeega Doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26 june 2010,arintaas ayay ahayd arintii iigu mudnayd ee igu abuurtay inaan fikirkayga lakaashado qalinka oointa badan ah markhaatiga lagu calaamadsado raad-raaca amuuraha tarikhiga ah,ama ficilada taagan ee bulsho ay uga wada qaybqaadato sida salmiga ah,sidan ayay ahayd sidii uu ku bilaamay Maqaalkani oo aad u dheeraday markii dambe waxaan diirada ku hayay inan isdultaago hab-wanaaga mamulka komishinka oo runtii ahaa maamka kowaad ee aan ka duulayno,madaaba ay ahaayeen 7dii xubnood ee daacadnimada xilgudashadoodu soo jiiteen shucuubta shacabka s/land xataa marka lagu daro hogaamiyayaashii siyasada ee ay iyagu(komishinku)garsorka u haayeen,iyo waliba guud ahaan rayul-caamka Dunida,sidoo kale waxaa isna jira( halbeega NO7)oo si aada uga dhexmuuqda Mawducena wuxuu saamayn togan numbarkani ku leeyahay guud ahaan s/land waana mida ina siisay kalsoonida iyo dhiiranaanta aan ku eegayno Qaaciido isku sargo-an oo macne buuxa iyo faham laga dhex dareemikaro,bal ufiirso qaybta koowaad waa sawirada Madaxdii Qaranka eeku guulaysatay Midhha kursiga Madaxtooyada intii Somaliland ku dhawaaqday madaxbanaa-nida jamhuuriyada Xorta ah,(waana Todoba 7)(qaybta labaadna waa sawirada(Todobadii Gole ee Gudoonkoodu ku heshiiyay in la qabto doorashada Todoba sanadood kadib) (sawirka qaybta sadexaadna waa Todobadii Komishinka Qaranka ee u xilsaarnaa inay Qabtaan Doorashada madaxtooyada. Marka hoos loosii raacana waxaa laga dheehankaraa marxalado badan oo horgale muhiima uyahahy lanbarka TODOBA oo noqonaya midaan sinaba loogala maarmi Karin ka waranka ujeedooyinka muhiimka ah eek u dhexjira qoraalkeena,waxaa iyana sifiican looga arkayaa qaybta sare KHARIIRADA SOMALILAND oo dusheeda sare ay kamuuqdaan shax afar geesa oo wadata lambaro tirooyina oo dhexda ku jira iyo afar lanbar oo afarta jeho ka saran,waana lanbaro xambaarsan macnayaal sira oo loogu talo galay inay maskaxdu inbadan ku mashquusho,waxaad ka dhex-helidoontaa markaad ka fikirto ugu yaraan 7saacadood xaqiiqooyin badan oo taariikhi ah,waxaa iyaduna xusid mudan sawirka muujinaya shacabka s/land oomilicda u taagan maalintii codbixinta Doorashadii 26 june 2010 iyo fariintooda baaqa ah ee ay u dirayaa beesha caalamka,waxaana ugu dambeeya sawirada hogaamiyeyaasha awooda dunida oo fariinta shacabku Somaliland ay sitoosa ugu socoto iyo dabcan qayb su-aalo ah oo iswaydiintoodu tahay mid daruuri ah.jawaabahoodana ay ka sugayaan ciday khusayso,

Qoraha mawduuca Ibrahin Farah Ismail
M/A/rahman
Ahmed Ali M/xigen Xasan Isse M/Moh’ed Ibrahin Igal M/Dahir Rayale Kahin
M/xigen Ahmed yusuf yasin M/Ahmed Moh’ed Silanyo M/xigen A/rahman A/lahi Saylici
G/ciise yusuf xamari G/saleban M/Adan G/A/rahman A/lahi Ciro G/Maxamed xirsi Ismail G/A Max’ed M/siilaanyo G/Dahir R/Kahin
G/Faysal cali Warabe
astamta Komishinka,Qaranka astanta qaranka astanta qaranka astanta qaranka Astaanta kulmiye Astaanta udub Astaanta ucid

Hadii aynu halkan ku soo bandhigno mucjisada lanbarka todoba (7), bal dhuux macnaha dhabta ahee uu huwan yahayb lanbarkani iyo sida uu uga soo dexbaxay.
Ka faalood oo ku darso mucjisada taariikhiga ah ee ay na siibka u yeelatay
bulshada S/land.
Hadaan si waadixa idiinku sharaxo lanbarka todoba (7), lanbarkani waa halbeega ugu badan ee sida taariikhiga ah ugu wada jira dhaamaan mawduuceena laga soo bilaabo xiligii dawlada ingiriisku mustacmarada ku qabsatay Somali landoo ahayd 1884-tii ilaa 2010-ka 26/6-aad gaar ahaan doorashadii tartanka kursiga madaxtooyada JSL ka dhacday bishii june.
Hadii aan raaciyo tusaalayaal inoo tilmaamayahadba halkaynu marayno waa mid aan awoodi karno inkastoo aanan ahayn hal abuur suugaanyahana hadana waa mid ay maskaxda ruuxkastaa ku qasbantahay inay samayso weedho dhextaala oo fududeeya fahamka gudbintiisa,waana mid silamafilaana uu qofku ugu adeegsan karo maraaxishiisa oo laxidhiidha hadba halka uu rabo inuu tilmaamo,hadaba bal aan bilaabo weedho dhextaal u ah mawduuceenan

Oo Numbarka (todobadu uu yagay halbeega ugu badan ee aynu adeegsanayno)for example Taariikhda sevenka ah7 ee socota waligeed sheekada silsilsds ah sawirkiyo qoraalka leh aankuu sifeeyoo siday tahay usheegee akhri dhaatadaan sido,

Sidaa daraadeed waxaa halmar maskaxdayda si lamafilaana ugu soo dhacay ka dib dhawaaqii najiidadii doorashadii madaxtooyo ee dalka ka dhacday 26, june,2010 ,iswaydiinta saamaynta Numbarka 7 uu ku leeyahay marxalahii kala gedisnaa ee ay soo martay s/land oo noqday 7xaaladod oo kala ah 1-
1884,oo ah markii ingiriisku cagaha soo dhigay inuu gumaysto s/land,2-¬1960,oo ahayd markii uu xornimada siiyay,3-26june ilaa 31july oo ahay shantii casho ee damaashaadka iyo farxada,4-marxaladii midawgiikoonfureed,5-marxaladii
Saamigii awoodqaysigii dawladii xamar oo ka koobnaa sideed waaxood oo laga siiyay 37 kursi oo ka kooban 7waaxood oo ay ugu badnaayeen 17ka
kamida kuraasta baarlamaanka,6-marxaladii dhibaatada lahayd ee loogu abaalguday oo ahayd 7dii halaaga eekala ahaa
dilkii,dhacii,boobkii,xadhigii,kufsigii,takoorkii,iyo falxumadii xadiga beeshay, 7-6-april-1981 oo ku beegnayd dhawaaqii marxaladii dhiidhiga heeryada ee halgankeedu qaatay 10ka sano,Taariikhda sevenka ah (7)sanadkii gumaysiga aynu soo kac nidhi wacan,calankiisa siibnee aynu saarnay keenii,barigaa saluugii iyo labo socdaalkii,Xamar iyo Silsiladii,sadbursiinyo imagayn,ee waxaan siday samaaniyo,soomaalinimo wacan,calankaanu sidaniyo xaawo Taako sudhidii,dhagaxtuur salaankii,wuxuu dhalay dareen suna,waxaa damay nalkaan siday,Taariikhda sevenka ah (7)ee socota waligeed ,sheekada silsilsda ah sawirkiyo qoraalka leh,aankuu sifeeyoo siday tahay usheegee,akhri dhaatadaan sido,Sooyaalka xaajada,Baarlamaan Saxeexii waaxaha sideeda ah markii tirade laysiray,sadka maqan xasuustii,Samirkiyo Baxnaanada,Seven Seven 77kugaadhkii, Bal Xasuuso oo Garo sabankaa wixii jiray,Waxa Dhacayna Suuree,Taariikhda Sevenka ah(7)aan kuu sifeeyoo saadaasha dhuuxnee,Ciidanaw awoodaa, Cududeey Tilmaantaa Cilmiyow wax Sheegaa,Caliyow Xumaantaa Caashaqow Nasiibkaa Cadareey Asaagaa ,Caruureey Darxumadaa,cabaar saacad dabadeed, Sibiq uma dhaqaaqini waxaan sugay dareenkii,Waxaansaafay Taladii Waxaan Sugey Cid iga maqan,Sideed iyo Hal wada Siman,Tiro aanan Sugi Karin, waa kun sagaal boqol kow iyo sideetankii ,Waxaan Galay Socdaal dheer,7dii sano ee ugu horeeyay kadib oo ku began 1988kii oo ay ku jirto 17 octobar 1984 oo ucalaa-madsan maalinta shuhadada Qaranka Somaliland bal xusuusta sacado kamida 27-may-7da casho ee wiiga maalintii udambaysay waa jimcaha’e 7subaxnimo waa gudogalkii gulufkii hubaysnaa ee SNM G/Togdheer magaalo madaxdiisa Burco ay gacantooda kula wareegeen iyo gebi ahaanba gobolada dalkoo idil,Taariikhda Sebenka ah(7)ee socota waligeed, sheekada silsilada ah, sawirkiyo qoraalka leh,aan kuu sifeeyoo siday tahay usheegee akhri dhaatadaan sido,(HAL SIDEED SHANTEEDII ALIF LABA SAGAALAAD IYO WAAXID TIRO SUGAN)Waxaan helay sadkaygaan waligayba sugi jiray,Waa 18 may 1991 waxay soo mareen halgamayaashu marxalad aad u adag oo usuuro galisay inay guulka gaadhaan badheedhahoodii himilaysnaa ee ay bustaanadii iyo raaxadii guryahooda bacaadka iyo ciida uga doorteen bahalana usoo qasheen, waxay ahayd oo kaliya,waajibaad ruuxi ah oo dushooda saran taariikhduna aanay ilaawidoonin,3dii sano ee dagaalkii sabiibta iyo malabka ahaa kadib oo ku beegnayd 1991kii ayay gaadheen ujeedadoodii,sidan ayay ahayd sidii ay kusoo haleen Xornimadii luntay 30ka sano ka hor,waxay ka duulayeen 10kaa sanadood u halganka iyo raadinta xornimada manta aynu hadhkeeda fadhino,Kumay iman ciyaar iyo caways nabada ama caano barwaaqo oo maalkeenu ka daaqay deegaan uu saaray mahiigaan gudgude roob oo maansheeyay geyigeena bal kawarama hadii uu inoo warami lahaa geyigan manta aynu xornimada u hadhsanaynaa?wuxuu inoo sheegi lahaa inta banaan,inta baadka leh, iyo inta buuruhu saran yihiinba xadiga xinjirihii dhiiga ahaa ee ku daatay arwaaxdoodiina u geeriyootay xornimada shacabka Somaliland oo kaliya,waana mida aynu u samayno sanadkasta maalintiisa 18 may .Xuska Qaran ee Taariikhiga ah.
si hadaba aynan uga halmaamin macnaha dhabta ah ee laga fahmi karo MN7 saw kuma tilmaan-san-karno 7dii xasuusta dareenka yaqiinta wadaniyada ladariska ah, tusaale ahaan 7G=1-Gumaysigii mustacmarada ingiriiska,2-Gobonimadii cudoonayd ee lixdankii,3-Geeridii iyo gucle la-oradkii xornimada shacabka s/land,4-Geedkii qalalaa hadhkiisii,5-Gumaadkii ka dambeeyay xaajada,6-Gulufkii iyo halgankii lawada galay,7-Gooni isutaagii lasoo noqoshada xornimadii luntay iyo garnaqsiga shacabka Somaliland, intaa hadaan ku hakiyo qaybtaas,
wali waxaa inoo socda lambarkii halbeega oo ahaa todoba bal aan qeexno siduu ula falgalay qaybtan dambe ee mawduucenan

halkan aynu hada taaganahay waa lasoonoqoshadii xornimadii waxaynu kabilaabaynaa talaabooyinkii ugu mudnaa eeay qaaday s/land kadib lasoo noqoshadii dhawaaqii xornimada1991 talo iyo gorfayn balaadhan kadib waxaa laysku raacay in maanta lagaadhay halkii nabarka iyo dhiiga lahayd inladhayo 1-waxaa ladhisay xukuumad cusub oo talowadaag ku timi oo si qadarinlena ay isula afgarteen dhamaa qaybahii kala gedisnaa ee katirsanaa bulshowaynta somaliland.2-kadib waxay samaysteen oo ay ucodeeyeen Dastuurkoodii oo ay ku diyaarsan yihiin qawaaniintii iyo shuruudii ay raacilahaayeen.3-waxay curiyeen hanaanka axsaabta badan ee ilaa hada kajira dalka 4- waxaa si aan wax turxaana lahayn oo dimoquraadi ah dalka uga ka qabsoomay afar doorasho oo xalaala oo ay ugu dambaysay tii 26-june lagu doortay madaxwaynaha hada talada haya.kuwaas oo kala ah 4-D-Deegaanka 5-D/Madaxtooyada ,-6-D/Baarlamaanka ee hada waqtigiisii dhamaaday,7-D/Max,ee 26/june waa ay badnaayeen marxaladaha guud ee kala gedisan ee uu qarankani soo maray laakiin waxay kasoo qaadanay intan ugu muhiimsan,wali waxaa inoo socota qaaciidadii MN7 bal iminkana aan ugudubno markan oo ah markii ugu yaabka badnayd ee ay isla jaanqaadeen ama ay isla falgaleen komishinka DQ ee hada xilka haya iyo waayaha Mucjisada Numbar7
Tusaale ahaan.
7 sano kadib waxaa la qabtay doorashada madax tooyada.
Waxay ahayd mid kawada hadalkeeda iyo falanqaynteedu ay aad usoo noqnoqonayeen in mudo ah laakiin nasiib wanaag markii ugu dambaysay ee lagu heshiiyay waxay ahayd markii uu xilka hayay mudu 7sanadooda M/R/Kaahin

7 gole ayaa ku heshiiyey in laqabto doorashada.
Intaa ka dib waxaa xaajada guntiga uxidhay oo si fiican u gunaanaday qaadashada go-aankaas todobada Gudoomiye ee aad sawiradooda aragtaan waa mid runtii aanu aad ugu hambalyaynayno is afgaradka wanaagsan ee ay gudoonka ku qaateen,

7-da xubnood ee kumishinka ayaa loo saaray inay fuliyaan garsoorka hawlaha doorashada madax tooyada.runtii waxay uguteen xilkii lasaaray sifiican oo aad u qancisay cidkasta oo dusha ka eegaysay jawaabta falcelintooda waanay ku guulaysteen xilgudashadoodii waxaanay mudan yihiin inay galaan taariikhda somoliland,waxaa xusid mudan inaan tilmaano siday isula falgaleen nambarkii halbeegeena ahaa,iyagoo raacaya qaaciido dheer oo wada 7 ah waana sidan,
7 bilood ayey ku soo dhameeyeyeen hawlohoodii diyaaar garowga.
7 wiig ka hor ayey ku dhawaaqeen maalinta cod bixinta 26/6/2010-ka.
7 maalmood ayey ku diiwaan galiyeen cod bixiya yaashii dhamaan gobolada iyo degmooyinka.
7 casho ayey u qabteen in xisbi kastaa ololeeyo.
7-dii subax nimo ayey u calaamadiyeen wakhtiga labilaabayo cod bixinta gobolada iyo degmooyinkaba.
7 maalmood gudokood ayey ku dhawaaqeen natiijadii doorashada.
7-dii fiid nimo ayey ahayd markii ay baahiyeen natiijada.
7 xaraf ayuu ka koobanyahay magaca xisbiga ku guulaystay hogaaminta JSL.bishii 7aad 27keedii ayuu xilka la wareegay madax waynaha cusub ee la door tay.
Sidaa daraadeed waxaa inoo soo baxaya in lanbarka todoba (7) uu yahay mid ku wada jira dhamaan hawsha maamul ee lagu suurto galiyey habsami u socodka hawlaha qaranka JSL.
Waana midaan u soo qaatay inuu yahay lanbar mucjiso oo taariikhda lagu xasuusan karo.maadaama uu lambarkani yahay midsaamayn wayn ku leh guud ahaan dariiqooyinka ay komishinku u mareen adeega maamul waa mid ubaahan inaan sigaara u xusno waana mid ay lagama maarmaan tahay inaynu sharafno
7 sano kadib ayaa Somali land lga qabtay tartan doorasho oo lagu kal helay kursi madaxa tooyo oo dahabi ah dara jada lanbarkiisuna yahay No 7.
Waxaa daadihiyey todobada ruux ee noqday xidigaha ka dhex muuqday qaranka Somaliland iyo guud ahaan beesha caalamkaba waa komishanka qaranka’e waxaa u suur toowday inay waajibaad kooda qaran u maraan dariiqa cadaalada oo ay aaminsanaayeen inay tahay wadada badbaada qaranka ay masuuliyada culus u qaadeen.
Runtii waa qaadasho fakir caafimaad qaba dhamaantoodna ay ka midaysnaayeen.
Markaan si gaara u tilmaamayo todobada ruux waa todobada komishinka waana todoba xidigood oo u dhashay Somali land waxa ay ku go’aan qaateen oo ay isku waafaqeen si kalsooni ka muuqato inay miisaanka cadaalada ka dhigtaan yoolkooda 1-aad ee ay u marayaan hagajinta hawsha himilaysan ee ay hormuudka ka yihiin ,iyaga oo kaashanaya waayo aragnimo badan oo cilmiyeysan oo ay dusha ka haysteen intaan xilkan loo igman.

Markay taasi u muuqatayna waxay ka faa iidaysteen daraasaynta hanaan maamul oo qanciya ciyaarta ay garsoorayaasha ka yihiin.
Waxa ay taasi soo dhawaysay dhamaan shucuurta qarankii xilka u dhiibay.
Waxa ay tijaabiyeen sharafta iyo karaamada ay leedahay cadaaladu.

Markaynu wax yar ka xusno waxa ay taasi yididiilo iyo kalsamaan ku beertay inay isu soo dhawaadaan cidkast oo ay xurguf iyo xafiilatan khilaaf kadhaxeeyay oo kamid ahayd bulshada reer Somali land, xataa marka lagu daro madaxdii xisbiyada ee tartamaysay.

Tusaale ahaan waxa bilaabmay waa cusub oo midnimo ka bacdi qabsoomidii doorasho lagu kala guulaystay ee 26/06/2010-ka waxa inoo bilaabmay dhawaaqii caafimaaadka qabay ee madax waynihii laga guulaystay ka dhawaajiyey ee ahaa masiirka qaranka iyo midnimada Somali land ma noqon doonto midaan gacantayda ku burburiyo waxaanu galay ciyaar siyaasadeed waanay dhamaatay.
Wax xurgufa ama xajiina oo ka hadhayaana majiraan’
Markaa taasi sow uma muuqan karto markaynu qiimayno xaalada inuu ku qancay madax waynaha laga guulaystay sida ay wax u dheceen, isaga oo aaminsan cadaalada codka shacabkayga ayaa i siiyey inaan qaato go’aan taariikhi ah iyaga oo ileh mahad sanid (GOOD BYE)

Halka faysala ka aaminsanaa cadaaladu waa bar bilawga aasaaska nolosha aadamaha, waana mida astaanta koowaad oo ahayd, anaga oo rajo fiican ka qabnay inay horteena imandoonto maalin ka mida ah maalmaha nasiibkeena dhamaantiin waad mahadsantihiin,waxaa kale oo isna cod-dheer ka dhawaajiyey madax- waynaha la doortay isaga oo mahadnaq iyo boogaadin usoo jeediyey dhamaaan darafyadii ka qayb qaatay suurto galinta habka maamul ee doorashada iyo guud ahaan shacabka Somali landba isaga oo fariin u diray shacab kii doortay waxa uu madasha ay xilka kula kala wareegayeen labad madax wayne 27-kii bishii 7-aad 2010-ka si mug leh uga dhawaajiyey inuu dalka iyo dadkaba ku dhiqi doono cadaalad sinaan iyo hourmarin inta aanu awoodnana aanaan waxba kala hadhi doonin hadii ALLE idmo.
Waxa kale oo uu marar badan ku celceliyey inuu fulin doono balan qaadyadii uu ku soo galay ololihii doorashada ee ay shacabku ku taageereen waxa aynu halkaa ka dareemi karnaa tusaale fiicanoo gali kara dhaxalka taariikhda Somali land inuu ku soo kordhay waaqicii hore uga jiray dalkeena.
Sababta oo ah waxay madaxdii ku tartamayey siyaasadu muujiyeen kalsooni iyo tanaasulaad xushmad ka dhex dhaliyey dhamaan dhinacyadooda iyo mujtamaca Somali land.
Halkan waxa aynu ka dheehen karnaa in biriijkii isku xidhay falcelinta garaadkooda suuban uu noqon karo baahida loo qabay inay helaan cadaaladii komishinku u mareen ciyaartii siyaasadeed ee ay ee ay garsoorayaasha ka ahaayeen.,

Waxaanu utaaganahay inaanu maruun aragno samirkayaga si aanu uga mid noqono beesha caalamka.
Muuqaalka shacabkiiS/land oo utaagan maalintii codbixinta ee 26 June 2010,
Waxaanu ka mid nahay Aadamaha dunida guud keed saaran qayb yar oo ka mida lana yidhaahdo J.S/land oo qaarada Africa dhacda Geeskeeda.
Waxaana muhiima inaan ka fikerno xasuusta faca taariikheed iyo macaamil ee aan la soo wadaagnay qaar ka mida wadamada dunida manta ugu awooda badan ee u arimiya umadaha xorta ah.
Laga soo bilaabo qarnigii 19aad dabayaa qadiisii ilaa badhtamihii qarnigii 20aad oo gaadhay 76 sano waxaa Somali land mustacmarad ku haystay oo ka talim jiray dalka boqortooyada Ingiriiska.
Waxay xornimada Somali land ka qaadatay Ingiriiska 26/06/1960 runtii waxay ahayd maalintii ugu horaysay ee ay ka mid noqodeen inay shucuubta dunida kale la wadaagaan wax kasta oo ay kala mid yihiin,kana helaan soodhawayn diiran iyo qadarin ay ku soo dhawaynayaan miiska xoriyada.
Laakiin nasiib daro maynoqon mid sii waarta. 5 Casho ka dib waxaa qaaday wanaag iyo kalgacal walaalnimo taas oo ay ku doonayeen inay shantii somaliyeed midoobaan iyaga oo rajo fiicana ka qabay inay samaystaa Dawlad midnimo qaran oo loo dhanyahay nasiib daro taasi may noqon mid lagu guulaysto badalkeediina waxay ka dhaxleen dhibaatadii galaaftay kumanaanka nafood ee kuwii jaray ay daafaha dunida ugu nool yihiin sida raaxada leh.
Marlabaad 31 sano ka dib oo aysoo mareen halgan aad u qadhaadh ayey shacabka Somali land ku guulaysteen inay si buuxda ugu dhawaaqaan la soo noqoshadii xornimadoodii luntay 1960kii, waxayna ku niyo samaayeen inay u samraan goorta ay ka mid noqon doonaan dunidan ku wada nool daris wanaaga iyo wax wada qabsiga.
Waxay bilaabeen inay dhulka ka soo bilaabaaan oo ay gunta hoose kasoo unkaan astaantii muujin lahayd muuqaalka qaranimadooda, Runtii may helin xataa inyar oo caawimo iyo taakulayn ah oo debeda uga timaada.
Waxay soo mareen marxaalado badan oo dhibaato oo aanay dunida horu martay awoodi karayn inay u adkaysato.Waxay soo buuxiyeen dhamaaan astaamaha haykalka dawladnimo.waana ta u suugalisay inay 20 sano oo nabada ku noolaadaan
Iyada oo dariskooda iyo guud ahaan mandaqaduba ay kawer-wersan yihiin xaalada amnigooda. taasina waa mida nasiinaysa awooda aanu uleenahay inaanu u adkaysano xaqiraada ilaa hada nagaga imanaysa guud ahaan beesha caalamka.uma malaynayno inaan SLand lagu soo qaadin shirarka muhiimka ah ee ka dhaca daafaha dunida. kuwaas oo intooda badan ay qabanqaabadooda ay hormuud ka yihiin GOLAYAASH AWOODA BEESHA CAALAMKU dabcan kabasoo qaad in halmar ama kabadanba lagu xuso doodaha iyo ajadhayaasha shirarka caalamiga ah ee ka dhaca daafaha dunida kuwaasoo inta badan aanu war-baahinta kala socono inyar oo iftiiminaysa qadiyada madax-banaanida jamhuuriyada Somaliland,hadana taasi dhab ahaantii nooma samaynayso wax macno ah oo dareenkayaga ku abuura rajo noo saamaxaysa inaanu kamid noqono beesha caalabka .
Waa shacab ka soo dhex baxay marka laga soo bilaabo 1884 ilaa hada 126 sanadood oo uu raadinayey intaaba sidii ay uga mid noqon lahaayeen dunida walalaaltinimada iyo saaxiibtinimadu ka dhexayso.
Ma garan karno inay xog ogaal u yihiin xaaladayada dhabta ah laakiin dhab ahaan waxaanu aaminsanahay inay si fiican noo arkaan oo aanay xog-moogayaal ka-ahayn.
Taasna waxaa markhati inoogu filaan-kara baahinta xogta warar ka iyo xaqiiqooyinka dunida ka jira waxaa u xilsaaran bahda saxaafada tusaale ahaan hadaan ka xusno mid iyo laba (mr.Simon roughneen oo ah qoraa sare oo ka tirsan xarunta daraasaadka ee lagu magacaabo (THE INRERNATIONAL RELATION AND SECURITY NAETWORK) oo saldhigeedu yahay dalk Switzerland ayaa qormo dheer horaantii bishii November 2008dii ku qoray boga internet ka ee xaruntaas isaga oo ciwaan uga dhigay (SOMALI LAND: WADAN XAQIIQO AHAAN UJIRA BALSE AANAY BULSHADA CAALAMKU AQOONSANAY).
waxaa kale oo mu hiima goob jooga yaashii caalamiga ahaa oo tiradoodu gaadhaysay 78 xubnood oo dalka Somali land u yimi inay kormeeraan nadaamka ay doorashada madaxtooyadu u dacayso 26 june. Ayaa waxay isku waafaqeen oo ay si cad uga marag keceen in doorashadu u dhacday six or iyo xalaala.
Taasina waxa ay noo muujinaysaa hubaasha dunida ama beesha caalamku ka taagantahay wacyiga dhabta ah ee J.S/land.
Sidoo kale waxaanu dareemaynay dhawaaqa iyo hambalyada ay noo soo dirayaan dhamaan shucuubta dunidu. halkaana waxaa laga dareemi karaa in godominta Somali land iyo shacabkeeda aanay beesha caalam ku heshiis kuwada ahayn,waanu fahamsanahay inaad xog ogaal u tihiin xaaladayada, waana mid aanu garwaaqsanahay inaad na saarteen fidinta iyo masuuliyada dimuqraadiyada Qaarada Africa.
Laakiin maxay tahay sabta aanu ku mutaysanay Somali land shacabkeedu Inaydunida kaga noolaadaan goob aad xaqiraysaan idin koo aan u haynin wax danbiya oo ay gashay?
Ma garanayno ilaa hada sida ay wax u jiraan, mana garanayno xataa cidii cabashadayada nooga garaabi lahayd, waxaanu u muuqanaa barayaasha wanaaga iyo talaabooyinka haboon lagaga dayan-karo qaarada aanu ka midka nahay waxaana cadayn u ah { Fatxi al daw oo ah saxafi reer suudaan ah iminkana ku nool wadan ka maraykanka ayaa wuxuu wax ka qoray doorashadii Somali land ka qabsoontay 26/06/2010kii iyo guud ahaan ba Somali land qoraalka oo ahaa mid uu ku qoray jariidada caanka ah ee AL-AHDATH ee ka soo baxda caasimada wadanka suudaan(Khartuum) saxafigu waxa uu ciwaan uga dhigay (JAMUURIYADA AAN LA ICTIRAAFIN EE CASHARKA INOO DHYIGTAY).
Jamuuriyada uu saxafigu tilmaamayaa waa Somali land e’casharka aanu baraha ka nahayna waa qaadashada iyo fidinta hanaanka dimuqraadiyada ee bulshada calamku nasoo gaadh siisay iyada oo moora. oo runtii aanaan u lahayn waaya aragnimo buuxda oo aanu kaga guulaysan karo dhamaan Qabadaha naga hor imaan kara.

Hadana taasi maynoqon mid nagu keenta fashilaad dhaawacda himiladayada guud ahaaneed,waa mid aanu barbarwadnay dedaal iyo samir aanu ku muujinayno sifaha qaranimadayada,taasoo aanay jirin cid ku eegtay il kalgacal oo aanu ka dareemi karno naxariis aadantinimo. waxaana mu hiima oo aanu kasha ku haynaa cidkasta oo na siisay taageero cod ama mid diblumaasiyadeed tusaale ahaan (Dr. Cumar Cabdi Xaamid oo ah agaasimaha BBC-da laanteeda afka carabiga ee dalka masar ayaa dawladaha carabta ku canaantay sida ay u dayeceen jamuuriyada Somali land . waxa uu saxafigan caalamiga ahi arintan kaga hadlay dood cilmiyeed laga hadlayay siyaasadaha carabta ee ku wajahan qaarada Africa waxaanuu si mug leh ugu soo bandhigay geedi socodka hanaanka dimuqraadiyada Somali land gaar ahaan doora shadii madaxwaynaha loogu doortay Md. Axmed Maxamad Maxamuud (siilaanyo). Doodan oo badhtamihii sebtember 2010kii ka dhacday magaalada Qaahira ee dalka masar waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan dawlada masar aqoon yahano iyo khubaro carab ah waxaana uu saxafi Cumar doodiisii ku bilaabay.
“Hadii aan ahaan lahaa xoghayaha guud ee jaamacada carbta camaaru muusa waxaa si degdeg ah ugu dhawaaqi lahaa aqoonsiga Somali land waxaan soo saari lahaa war murtiyeed aan ku amaanayo doorashadii madaxtooyada ee sida hufan uga dhacday jamuuriyada Somali land”. Isaga oo sii wata doodiisii wuxuu raaciyey suxufi Cumar
“waxaan la socdaa xaalada wadankan ee sanadii 1991 kii ku dhawaaqay inuu ka madax banana yahay Somalia kadib markii ay qarxeen dagaaladii sokeeye ee ilaa manta ka socdaa.
Sagaal sano ka hor muwaadiniinta jamuuriyada Somali land waxay ansixiyeen dastuurkii ugu horeeyay oo qoran oo dhigaya in la soo doorto madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa.
tiirarka aasaaska u ah dawlad madaniya taasoo ka dhigtay jamuuriyadii curdinka ahayd mid aan ka duwanayn jamuuriyadaha dhigeeda ah waxaa kaliya ee ay ku kala duwanyihiin waxaa weeyaan in Somali land aanay citiraaf ka haysan dawladaha beesha caalamka markasta oo aan telefeeshinka daawado sawirka dadka ku wax yeelobay dagaalka kulul ee ka socda koonfurta Somalia waxaan idhaahdaa si fiican ayey yeeleen Somali land markii ay iska fogeeyeen masiibada aan dhamaanayn.
Waxay suurto galiyeen inay ku noolaadaan amni iyo xasilooni iyada oo dhibaatadaasi ka socota dariskooda”.
Waa uu sii wataa saxafigu doodiisii isaga oo leh. Waxaasoo dhami waxay macno u samaynayaan shacabka Somali land laakiin markaan anigu iska hadlay(saxafiga) macnaha wayni wuxuu ku jiraa doorashooyinkii madaxtooyada ee ugu dan beeyey oo ay goob jooga yaashii caalamiga ahaa qireen hufnaantooda waala filayey inaynu iska indho tirno tijaabada Somali land samaysay”
ayuu yidhi si kalsooniyi ku ku dheehantahay saxafigu. “lakiin ugu yaraan waxaa inagu waajiba inaynu eegno uun muhimiyada ay leedahay inaynu Somali land ka caawino inay hesho citiraaf caalami ah kaasoo maalin uun hadaynu diidno iyo hadii kaleba imaan doona sida koonfurta suudaan”
Waxaa uu saxafigu hadalkiisii kusoo xidhay “mudanayaal taageera tijaabada dimuqraadiyadeed ee ka jirta dalkan yar ee Somali land kula macaamila luuqada danaha tijaabiya inaad dhaqaaqdaan xilli ku haboon halkii aad ka dul ooyi lahaydeen caano daatay”.
runtii hadalada noocan
ahi waxa ay awood galiyaan quluubta iyo iimaan ka shacabka Somali land ee ka dhawaaqaya goobta madow ee aan iftiinka lahayn. waxay ku fekeraan inaanay ku khasaari donin waayo aragnimada ay ka qaateen dunida ay kaga nool yihiin goobtan aan ilayska lahayn, kama tanaa sulayno xornimadayada iyo xuquuqda yada shacab ahaaneed .waxaanu soo dhawaynaynaa cid kasta ooxataa ka cadhaysan qadiyada jamuuriyadayadan xorta ah, anaga oo farax-san oo si kalgacal badan usalaamayna, waxaanu ku casuumi doonaa caasimadayada HARGAYSA ee nabada la dariska ah, ee ku taala halka ugu cimilada fiican geeska Africa, sidaa darted marnaba cudur daar uma heli doono inaan udhaqano si ka baxsan xuquuq uu u siman yahay aadamaha dulsaaran khariidada dunida, ee ay ka dhaxayso is qadarinta iyo walaaltinimadu waana mida aanu yaqiin sanahay shacab ahaan inaanu ku sargoyano habdhaqanka yaga.
Waxaanu u jahaysanahay inaanu ka qaybqaadano dhamaan isbedelada ka socda caalamka.Anaga oo rajo fiican ka qabna gacana ka gaysan karnaa-dhimista xasaradaha dhex mara umadaha sida aanu u xalinay khilaafaad ka gudahayaga oo kale.
Kuwaas oo ay ka mid yihin xakamaynta argagaxa budhcada badaha.
Anaga oo si gaara u danaynayna in si caama dadyowga dunidu u wada noolaadaan oo ay u dhameeyaan wixii khilaafaada ee dhex yaala.
Iyada oo aan loo eegayn kala duwanaan shiiyaha jinsiga.dhaqanka. midabka. Iyo diimaha midnaba.
Markaas ayey imaan doontaa inuu qofkastaa u fekero si taxadar leh inta aanuu ka dhaqaaqin mawduuca ku jira dareenkiisa, waxaa laga yaabaa in 7 ilbidhiqsi
gudohood uu bartilmaameed ka dhigto su’aalo muhiima oo ay ka mid yihiin
waa maxay sababta ugu mudan ee ay umadaha caalamku ay uga midoobi waayeen xalinta mashaakilaadka qalalaasaha wata ee ku baahay dhaman
global-ka dunida?
Waa maxay sababta cadaalada iyo sinaantu ugu baahiwayday-dadyowga isku abuurta isku dhiiga iyo muuqa dhismaha wadaaga.Haba ahaadeen kuwo kala midaba ama kala luuqada ahe.
Sidaa daraadeed shacabka jamuuriyada Somali land waxay u bisil yihiin curinta garaad caafimaad qaba oo ka kooban 7 marxaaladood oo isku soo dhawyn kara ama laga yaabo inay ku walaaloobaan umadaha dunida guudkeeda saaran oo dhami.
Sida 1-ilaalinta nabada 2-daryeelka nololasha 3-cadaalada 4-sinaanta 5-horumarka 6-isdhexgal ku salaysan xadaaraadka iyo is fahan lagu dhamaystiro khilaafaad ka diimaha ay kala haystaan bulshooyinka caalam ku 7-iyo is cafin meesha ka saarta dhamaan waxa ay kala tirsanayaan.
Qaacidadan ayaa ah mida uu qabo feker ahaan qof kasta oo Somali lander ahi inta aanuu ka dhaqaaqin 7cm ee uu arlada ka taagan yahay. marka uu ka dhaqaaqo 7 talaabana waxa uu yaqiinsadaa marka laga yimaado 126 sano oo kala ahaa 76, sano oo gumaysanayey Igiriisku iyo 31 sano oo uu taliskii koonfurta Somalia ula dhaqmayey si aan arxan naxariis iyo nolol lahayn.Hadana ay ku jiraan dhamaad 20 sano ee uu xorta ahaa hadana yaqiintiisa uu aaminsan yahay inay ka soo maaxan karto caafimaad ka dhamaan xanuunada sababa kala durug sanaanta aadamaha dunida.hore ayaanu usii socondoonoo ilaa inta aanu gaadhayno silamida caalam dunida.ma awoodi karno intaa inkabadan inaanu silsilad kula xidhnaano kuwa huriya cadaabta ay ku gubtaan dhalaankii ay masuulka ka ahaayeen.(masuuliyiinta koofurta soomaaliya-e)
Meeye kuwii cadaalada dunida masuulka ka ahaa, sow uma jeedaan sida ay wax u dhacayaan, waxaanu se rajaynaynaa wakhti aan fogayn inaanu xuquuqdayada u heli doono sida ay u heleen shacabka koonfurta suudaan.
Inkastoo shacabka Somali land ka darajo sareeyo maqaamka uu taaganyahay shacabnka koofurta suudaan.
Marka se si kooban loo qeexo shacabka reer Somali land waxaa caalamku xoriyadooda u saxeexay 1960kii oo hada laga joogo 51sano sidaa daraadeed waxaanu golayaasha dunida xasuuusinaynaa sida maraykanka AU da, qaramada midoobay, jaamacada carabta, midawga yurub urur goboleedka Igad iyo bahda saxaafada dunida inay qiimeeyaan cadaalada oo noo suuro galinaysa inaanu laqaybsano dunida dhibta iyo dheefta ay wadaagaan, haday idinku adkaato dalabaadka codsigayaga inaad noo fulisaan, ama aad noogu jawaabtaan oo kaliya si aan ka duwanay sidii hore ee u muuqanaysay dimuqraadiyadii meel fiican ayaad marinaysaan waanu idinku garab taaganahay, waanu idiin hanbalyaynaynaa gacantana aad noo haadisaan idinka dhoolo cadaynayaa waxaanu idiinku jawaabidoonaa mahadsanidin oo kaliya, anaga oo aan waliba dareemin wax waji gabax iyo murugo ah kuna sii nagaanayna waayihii aanu dariska la ahayn idinkana filayna inaad maruun iswaydiina doontaan kuwa aanu nahay, waxa aanu rabno iyo halka aanu usocacono markaas ayaa indhihiinu xaqiiqada yiqiinsan doonaan waana markii aftida loo qaaday koonfurta shacabka suudaan
Sidaa daraadeed waxaa muhiima inaanu cadayno xaqiiqadayada una soo bandhigno hogaamiyayaasha awooda dunida . anaga oo kacodsanayna
Inay indhahooda noogu furan si naxariis iyo cadaalada si aan uga mid noqono
Insaanka caalamka, ee saaxiibtinimada iyo wax wada qabsiga wadaaga,
Waxaanu aamin-sanahay inaanu nahay qaran madax banaan oo ficilada maamulkoodu istaahilo inay helaan ictiraaf caalamiya . taas ayaa
Meesha kasaari karta suurta galnimada inaanu aamino somaliland inay tahay
Qaarad yar oo kafaquuqan dunida inteeda kale. Waxaanu
Ubaahan nahay inaanu maruun aragno kamidho dhalinta qiyaamka aanu utaaganahay, ee ah inaanu gurano midhaha samirkayaga ruuxiga ah
Eekujira garaadka togan ee hogaamiyayaasha awooda beesha caalamka .
Markase aanu sigaara udanaynayno in labuuxiyo fakadaha daloola
Ee qalalaasaha iyo nacaybka sababa guud ahaan dhamaanteen waa midaynu dareemikarno, waana midaan awoodi karayno inaan kubedalno farxad
Kalgacal iyo naxariis dhexmarta dhamaan umadaha dunida
Ee kala midabka ah kala diimaha ah kala luuqada ah
Amakala dhaqanada iyo deegaan ka ah, iyadoo loo maraayo dariiqa cadaalada oo kaliya, meeshana laga saarayo astaamaha mugdiga galiya guud ahaan waaqica nolosha,sida xaqiraada. Danaystinimada, musuqa, midabkala sooca,
Isu adeegsiga diimaha, awooda siyaasada, dhaqaalaha, madaxnimada,
Iyo kalasaraynta , markan ayey dhamaantood isu imankaraan ,iyagoo
Xorra oo aan midkoodna dareemayn wax dhiba oo galiya diiqad iyo
Cidhiidhi nafsaaniya, sidaa daradeed waxaan kusooxidhi doonaa mowduucan
Mucjisada nambarka 7 iyo Somaliland su aalo ay kamid yihiin
Waxyaabaha inta badan aan lagu samaynin isbarbar dhiga lagu kala ogaankara asbaabaha qarsoon ee ku duugan maanka bini-aadamka.waxaan kale
Oo aan filayaa inaad si fiican ugaranaysaan wajiyada sawiradan ka
Dhex muuqda qoraalka mawduuceenan waa hogaamiyayaashii awoodaha beesha caalamka waana midaan udoortay inay indhaha ufuraan sida
Ay wax ujiraan tusaale ahaan
1-Garaadka ama fikirka ruuxa baahani
Ma dhici-karta inuu xaqiiqada ugadhawyahay ama ka saxnaankaro
Midka lamidka ah ee aan baahnayn ee xataa marka uu dariiqa ku dhaafayo
Aan ku eegin (il Naxariis Aadame?)

2-suutagal manoqonkartaa in ruuxa dhibaatada ladariska ah ay
Quluubtiisa ku jirto aamin-sanaan kalgacal iyo walaalnimo oo uu u hayo ruux karaahiyay-sanaaya xataa inay halmar ookaliya indhihiisu qabtaan?
3-rajo intee leeg ayaa uu kaqabikaraa inuu unoolaado sifiican saacadaha geeridiisa kahadhay?
4-hadiise ay gaadho xiliga dhimashadiisa muxuu kudardaarmilahaa marka ay naftu kasii baxayso?
5-hadiise uu kudhawaaqo isga oo dardaarmaya erayga caddaalad caddaalad 7 jeer macno intee leeg ayaa ay kafahmilahaayeen inta dultuban naftan sakaraadaysa ee ujeeda ruuxan aakhiro usii hayaan san?
6- ma iswaydiin lahaayeen sababta uu udhintay inay ahayd dayac kayimi xagoodoo kaliya?
7- hadii uuse marlabaad soo noolaan lahaa siday ula dhaqmilahaayeen kuwii uu ifka kaga tegay isaga oo ubaahanaa inay indhihiisu arkaan cadaalada oo shaqaysa kunabaahda dhamaan inta dulsaaran khariirada dunida,

Sidaa daraadeed kala duwanaan-shiiyaha garaadka bini-aadamku waa arin dabiici ah,oo ku abuuran ruuxda shaqsiyadeed iyadoo ka duulaysa hadba masuuliyada saran iyo xaaladaha jira,waxaa iyana barbar-socota markasta baahida loo qabo in qaran-kasta oo jiraa xidhiidh iyo iskaashi uga baahan yahay qaramada kale ee dhigiisa ah,waana mida lagama maar-maanka ka dhigtay inay umadaha beesha caalamku isugu yimaadaan fakir iyo wadatashi ay ka midaysan yihiin,taasina waxay muujinaysaa inay jirto dano baahiyeed oo midwaliba midka kale uga baahan yahay inay wadaagaan,dhab ahaantiina waxay duruufaha jiraa midkasta u iftiiminayaa hubaasha ah inaan midkoodna kalidii isbixin-karin,intaa ka bacdi waxay qawaaniinta shuruucda caalamiga ahi dhigayaan in dhamaan dalalka dunidu yeelan-karaan isdhaasiga danahooda Horumarineed iyo waliba xidhiidh dublamaasiyadeed oo caalami ah,waana mida ugu muhiimsan ee suuragalisay iskaashiga siloo helo awood cilmiyaysan tayo ahaana buuxin-karta meelaha ku haboon,waana qiyaamka madaxda qaranka jamhuuriyada xorta ee Somaliland utaagan-yihiin mudada gaadhaysa 20ka sanadood waxay ahaayeen kuwo raadinaya citiraafka madax-banaanida shacabkooda oo kaliya si ay uga midnoqdaan umadaha dhigooda ah.waxay u muuqdaan hogaamiyayaal gudanaya waajibaad-kooda shaqo waxay shacabku ku doordeen cod xora oo xalaala kana madhan musuqmaasuq iyo wax isdaba-marin.waxaa muuqaalka sawirkoodu markhaati u yahay runta iyo xaqiiqada dunida loogu qarinta badan-yahay ee ka jirta Somaliland,waxay iyagoo faraxsan oo dhoola cadaynaya lakala wareegeen labadii madaxwayne 27kii july 2010 xilkay umadu saartay ee ay masuuliyadiisa qaadeen.waxay kubalameen dardaaran taariikhi ah oo soo jiitay guud ahaan beesha caalanka gaar ahaana shacbiyada s/land,halku-dhigiisuna ahaa Nabad Caddalad iyo Horumar,sidaas ayay ahayd sidii ay shacabku ku sagootiyeen hogaamiyahoodii hore iyo Ku/xigeenkiisii kuna soo dhaweeyeen hogaamiyihii cusbaa A/MM.(Siilaanyo) iyo Ku/xigeenkiisii Mr saylici,waxay dhamaan muwaadiniinta s/land yaqiin-sanyihiin inay madaxdooda qaranku haystaan Xasaanad waayo-aragnimo oo aanay haysan madaxda qaarada afrika intooda badani,waxay qabaan in bulshada caalamku ka faaiidaysan karto boqolaalka cashar ee ku jira maskaxdooda taas oo ay ka dhaxleen 20kii sano ee ay citiraafka martida uga ahaayeen waxay aaminsan yihiin inay awoodaan fidinta wanaaga iyo talaabooyinka loo qaado dhinaca haboon,taasina waxay kutusaysaa waayo aragnimadooda buuxda , lakiin taa badelkeeda bulshada caalamku ma awoodo, inay ufuliyaan qiyaamka ay utaagan yihin dhmmaan madaxda iyo shacabka Somaliland waxaan kusoo gunaanadayaa maqaalkan oo ku socda guud ahaan madaxda Goloyaasha awooda beesha calamka waxa kaliya ee aanu idinka sugaynaa waa ku dhawaaqida (AQOONSIGA MADAXBANAAIDA JAMHUURIYADA SOMALILAND)sidaa daraadeed waxaan idinka codsanaynaa inaad aamustaan 7sec fikirtaan 7saacadood dabadeen aad sheegtaan WAXA XAQU YAHAY

Qoraaga mawduuca : Ibraahim faarax ismaaciil :tel:4433880