BBC-da ayaa ku dhawaaqday in Rio Ferdinand uu qeyb ka noqon doono koox ay ugu talagashay in ay soo tabiyaan Koobka Aduunka

0

Mesut Ozil, Steven Gerrard iyo Yaya Toure ayaa seddexda ciyaaryahan ee Premier League ee ka mid ah 15ka mushahar ee ciyaartoyda khadka dhexe ee u tartameysa inay qeyb ka noqdaan line-upka ugu fiican sannadka adduunka ee FIFpro World X

Gareth Bale oo 100 milyan euro oo rikoor ah ugu wareegay Real Madrid ka dib wacdarihii uu Spurs u dhigay xilli ciyaareedkii hore ayaa sidoo kale ku jira musharaxiinta.

 YAYA-TOURE_2761959

Maalintii arbacada waxaa la shaaciyay 20ka musharax ee u tartamaya booska afarta daafac ee line-upka adduunka, iyadoo line-upka sannadka adduunka lagu dhawaaqi doono 13ka Janaayo marka la bixinayo abaalmarinta Ballon d’Or.

 

Seddexda ciyaaryahan ee khadka dhexe ee line-upka adduunka ka mid noqon doonta ayaana haatan la sii shaaciyay mushaharxiintii booskaas. Xiddiga Bayern Munich Franck Ribery ayaa sidoo kale ku jira iyadoo xiddiga reer France uu ka mid yahay laacibiinta u tartameysa abaalmarinta Ballon d’Or.

 

Xiddiga Real Madrid Isco, kan Borussia Dortmund Marco Reus iyo xiddiga Juventus Arturo Vidal ayaa iyagana markii ugu horeysay liiska ku jira, halka xiddiga Barcelona Xavi uu raadinayo inuu markii lixaad oo isku xigta uu ka mid noqdo line-upka sannadka adduunka.

 

15ka khadka dhexe ee mushaharaxiinta waxa ay kala yihiin:

 

Xabi Alonso (Real Madrid)  Gareth Bale (Tottenham/Real Madrid)

 

Sergio Busquets (Barcelona) Steven Gerrard (Liverpool)

 

Andres Iniesta (Barcelona) Isco (Malaga/Real Madrid)

 

Mesut Ozil (Real Madrid/Arsenal) Andrea Pirlo (Juventus)

 

Marco Reus (Borussia Dortmund) Franck Ribery (Bayern Munich)

 

Arjen Robben (Bayern Munich) Bastian Schweinsteiger (Bayern Munich)

 

Yaya Toure (Manchester City) Arturo Vidal (Juventus)   Xavi (Barcelona)