Beesha Caalamka oo walaac gelisay sida loogu kalsoonaan karo dawlada Somaliland

0

Hargeysa(Berberanews):-Wadamada Somaliland ka taageera doorashooyinka eek ala ah Denmark,Finland, France,Holand,Sweden, Germany,Maraykanka iyo Britain ayaa walaac xoogan ka muujiyey dib u dhaca ku yimid doorashooyinka somaliland. Wadamada oo soo saaray warsaxaafadeed ayaa sheegay inay ka niyad jabsan yihiin mudo kordhinta dheer ee loo sameeyey xildhibaanada baarlamaanka somaliland, iyaga oo golaha guurtidana ugu baaqay inay dib u eegaan go,aankooda. Dalalkan soo dhaw ula shaqeeya somaliland isla markaana ka taageera doorashooyinka dimuqraadiyada u dhisan ayaa sheegay inaan la sababayn mudo kordhinta la sameeyey

 

“Dub u dhigada doorashooyinka madaxweynaha iyo baarlamaanka ee somaliland la sameeyey iyadoo aan la sheegin wax sabab ah, mana jiraan qorshe wax lagaga qabanayo caqabadaha keenay inay doorashooyinku Baarlamaanku mudo dheer dib u dhacaan.”ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ay wadamadani soo saareen. Sidoo kale waxa warsaxaafadeed lagu sheegay in dib dhaca doorashooyinka ay dhaawaci doonaan horu marka somaliland “ Dib u dhaca ku yimid doorashooyinku waxay dhaawacayaan horu marka dimuqraadiyadeed ee somaliland, waxaanay walaac galinaysaa sida loogu kalsoonaan karo dawlada iyo xushmada loo hayo dhaqanka dimuqraadiyada ee saaxiibada caalamiga ah.” Dhinaca kale warsaxaafadeedkan ayaa si adag loogu dhaliilay mudada 14-ka sanadood ah ee ay baarlamaanka somaliland ku fadhiyeen bilaa doorasdhada, waxaana  lagu sheegay  in mudada ay fadhiyeen ay ka badan tahay laba goor sida uu qorayo dastuurku. Sidoo kale warsaxaafadeedkan ayaa golaha guurtida ugu baaqay inay dib u eegaan go,aankooda “Guuridu dib haw eegaan go,aankooda oo sida ugu dhakhsaha badan haw  dajiyaan wakhtiga ugu dambeeya ee lagu qabanayo doorashooyinka madaxweynaha,baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka.”

Warsaxaafadeedka ay soo saareen wadamada somaliland ka taageera doorashooyinka ayaa sidoo kale lagu sheegay inay halis ku jirto kalsoonida lagu qabo dawlada somaliland, waxaanay ku hanjabeen in la waayi doono maal gashiyo muhiim u ah somaliland.Sidoo kale waxay wadamadani ku  hanjabeen inaanay bixin doono kharashka ku baxaya dawlada somaliland wakhtiga dheeraadka ah ee loogu daray. Ugu dambayntiina wadamadani waxay tilmaameen inay meel cad ka taagan yihiin dib u dhigida doorashada iyo wakhtiga loo kordhiyey golayaasha somaliland.