Berbera: Magaalada Keliya ee Ka Faa’iidday Is Beddalkii Dalka Ka Dhacay

0

Berbera, May, 12, 2011-(Berberanews)- Badhasaabka Gobolka Saaxil, Duqa Degmada Berbera, Maareeyaha Dekadda, Masuuliyiinta Wakaaladaha Biyaha, Korontada iyo Madaarka ee magaalo-madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera, ayaa dhammaantood waxay si gooni-gooniya markii ugu horreysay uga warrameen wax-qabadkii ay ku guulaysteen intii ay Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo talada haysay ee ay ka hirgeliyeen magaalo-xeebeeda Berbera.

Masuuliyiintan oo mid waliba Xafiiskiisa ugu warramay Afar Weriye oo ka kala socday Shabakadaha wararka Internet-ka ee Berberanews.com, Hadhwanaagnews.com, Oodweynenews.com iyo Telefeshinka Horn Cable TV, kuwaasoo magaalada Berbera oo ay joogeen 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey u tagay qiimaynta waxa ku kordhay dhinaca horumarka ama ka baaqday muddadii is beddalka siyaasadeed ka dhacay dalka Somaliland badhtamihii sannadkii 2010. Masuuliyiintan kala duwan ee laamaha dawladda Berbera, gaar ahaan adeegyada bulshada, ayaa mid kastaa waxa uu muujiyey horumar uu sameeyey iyo waxyaabo uu ku kordhiyey Hay’addiisa sagaalkii bilood ee u dambeeyey, inkasta oo ay kala wax-qabad badan yihiin.

Haddaba, Madaxdaas kala duwan, haddaynu mid mid u soo qaadanno, aynu ku horreyno, Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), oo ka warramay maamul ahaan intii ay joogeen Saaxil, waxa uu sheegay inay sameeyeen horumar muuqda oo cid kastaa ka dareemi karto magaalada Berbera iyo guud ahaanba gobolka Saaxil. “Waxa noo suurtagalay intii aannu maamul Saaxil ahayn , waxa noo qabsoomay waxa ugu horreeya isku xidhnaanta maamulka iyo degmooyinka Gobolka oo ka kooban toddoba degmo oo magaalo-madaxda Berbera ku jirto, Isu-duwayaasha laamaha dawladda iyo hay’adaha madaxa-bannaan sida Dekadda oo kale iyo wakaaladaha kale. Toddobaad walba waannu kulannaa, bishii hal marbaannu shirweyne yeelannaa Guddoomiyayaasha degmooyinka oo dhan, waa Illaahay mahaddii, waanannu sii wadaynaa..” sidaa ayuu yidhi Badhasaabka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil waxa uu intaa ku ladhay oo yidhi; “Dhinaca waxbarashada waxaannu ka samaynay horumar weyn, saddex Dugsi sare ayaa Berbera ka dhisan, inaannu qaar kale dhisannana waannu rejaynaynaa, waxaannu ku tala-jirnaa inaannu samaysanno Macallimiin aannu ku xisaabtanno oo gudahayaga ka samaysanno. Berbera waa magaalo kulul, sidaa darteed, waxaannu ku dedaalnay in Dugsi walba Marawaxado loo sameeyo, waanannu u samaynay Dugsiyada mid mooyaane, waxaannu samaynay inaannu Iskuullada Fasallo dheeraad ku kordhinno Dugsiyada sare iyo kuwa dhexe.”

“Dhinaca Caafimaadka, Cusbtilaalka Berbera waxa uu ahaa mid laga tagay, hase ahaatee, maanta waa mid shaqaynaya, Amblass-yada Gobolku waa Lix Baabuur, waxaanay sahlayaan isku xidhnaanta Caafimaad ee Gobolka. Waxa wax aad loogu farxo ah Cusbitaalka degmada Sheekh oo hadda la qalabeeyey oo Dhakhaatiirtiisana uu innoogu deeqay Sheekha Kuite, laakiin maamulkiisa ayaa nalaga sugayaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali (Hayste).Waxaanu sheegay in guud ahaan adeegyada ay dadweynuhu ka helaan Cusbitaallada kala duwan ee Berbera ay wax badan oo is beddal ahi ku yimi, meel aad u fiicanna ay maanta marayaan, hase ahaatee, ay tahay in halkaa laga sii wado. Sidoo kale, waxa uu Badhasaabka Saaxil xusay inay maamul ahaan si fiican uga shaqeeyeen guud ahaanba horumarinta nabadgalyada Gobolka. Isaga oo tilmaamay inay Ciidammada Booliska Gobolka u iibiyeen Baabuur kala duwan oo ay u adeegsadaan hawlgallada dhinaca ammaanka ee deegaannada gobolka.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ee Berbera, Eng. Cabdiraxmaan Cartan Geeddi, oo sheegay in magaalada Berbera oo ku taalla dhul Xeeba oo aad u kulul haddana ay tahay meesha ugu biyaha jaban Somaliland oo dhan. “Biyo-soosaarku way ka fog yihiin Berbera, meeli waa Dubaar, meelina waa Fara-deero, halka ugu dhawi waa Dubaar da’deeduna illaa 150KM ayey magaalada u jirtaa oo Buuraha hoostooda ayey ka soo dhacaan Biyuhu oo waxay Berbera ku soo gaadhaan wax la yidhaahdo garaafati (dareere). Fara-deerona waxa soo saara Mishiinno illaa afar ah, tirada ceelasha ku yaallaa waa saddex.” Sidaa ayuu yidhi Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Berbera Eng. Cabdiraxmaan Cartan Geeddi.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Dariiqaa dheer ee Biyuhu soo marayaan afar kaalmood ayaa ku yaalla oo ay ka cabbaan gu’ iyo jiilaal reer Miyiga deegaannadaas ku dhaqan oo aanay cidina wax lacag ah ka qaadin ee ay fasax u yihiin. Taasina waa waxyaabaha horumarka ah ee ay dadku ka heleen Wakaaladda Biyaha Berbera. Shaqaalaha Wakaaladdu waa illaa 120 guud ahaan, waa tiro aad u badan, hase-yeeshee, waa loogu yimi meesha.”

“Berbera oo ah meel xeeb ah oo aad u kulul haddana waxa weeye magaalada kaliya ee dalka oo dhan ugu biyaha jaban, 4,000 kun baannu ka qaadi jirnay shanta foosto, waa laga shiray oo boodh ayaa loo saaray, dabadeedna duruufihii sicir-bararka ee dhacay awgood 2,000 ayaa lagu daray, markaa imaka halka Mitir-kuyuub oo u dhigma shan foosto waa 6,000 kun oo shilinka Somaliland ah, halkii Foostaba waa 1200.” Ayuu yidhi Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ee magaalada Berbera.


Maareeyaha Dekadda Berbera Axmed Yuusuf Dirir, ayaa isaguna ka warramaya wax-qabadkii ay ku guulaysteen Muddadii uu xilka hayey oo 9 bilood ah. “Shaqadan Dekadda maamulkeeda waxaan bilaabay 1-dii bishii sagaalaad ee 2010, wixii baahi ahaa waannu kala jajabinnay, qaybta maamulka iyo adeegga waannu is-raacinnay, qaybta qalabka ay dekaddu u baahan tahay iyo qalabka dhismaha iyo dayac-tirka ay Dekaddu u baahan tahay, waxaannu horreysiinnay ta adeegga bulshada loo qabanayo, si ay Dekaddu kuwa jaarkeeda ula tartanto.” Sidaa ayuu yidhi Maareeyaha Dekadda Berbera.

Axmed Yuusuf Dirir, oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Qalab badan oo aannu waxna dayac-tirnay, waxna keennay, waxa ugu muhiimsanaa Wiishahka oo saddex aannu ugu nimi, wixii fadhiyey ee la kicin karayey waannu kicinnay, wixii cusbaa ee aannu diran karaynayna waannu dirannay, illaa aannu markii dambe ka gaadhnay inaannu keensanno Wiishkii ugu weynaa ee taariikhda Dekadda soo mara intii ay dhisnayd 1968-kii, dhawr iyo afartankaa sannadood kii ugu weynaa ee ugu qaalisanaa oo qaadaya toddobaatan tan. Taasi waxay noo fududaysay inaannaan ka baqan wax kasta o o culus oo wixii qalabkayaga loogu talagalay.”

“Waxaannu kordhinnay Wiishashka Kontiinerrada qaada. Waxaannu soo kordhinnay jiidayaasha Dekadda, waxaannu Dekadda ku xidhnay Kamaradaha ammaanka oo 36 Kamaradood ah oo lagu ilaaliyo. Waxaannu rakibnay Raadaan aynu ka arki karayno Baddeenna illaa 120KM oo aannu kala socon karno dhaqdhaqaaq kasta oo Badda ka socda. Waxaannu shaqaalaha ammaanka u samaynay Dirays u gaar ah oo lagaga garan karo shaqaalaha kale.” Ayuu raaciyey hadalkiisa Maareeyaha Dekadda Berbera.

Maareeyaha Dekaddu waxa uu sheegay inay ku guulaysteen waax u gaar ah rogista rarka Doonyaha Dekadda ku soo xidha, isaga oo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi; “Waxaannu samaynay qayb u gaar ah Doonyaha oo runtii cabasho badani ka taagnayd, taasina waxay keentay Doontii 12-ka Maalmood lagu rogi jiray in lagu rogo Afar maalmood oo keliya. Waxaannu wax badan ka qabannay dib-u-dhiska Dekadda oo meelo ka mid ahi ku dhawaadeen inay Xagga badda u dhacaan, illaa 254 Mitir ayaannu dhammaynay oo maanta Dekadda kale ka qurux badan, sidoo kale markii aannu taas dhammaynay waxaannu bilawnay inaannu wixii kabkab u baahnaa ee qaybaha Dekadda inaannu samayno oo aannu dhammaystirno. Waxaannu imaka gacanta ku haynaa meel Koontiinarrada Dekadda yaalla la dhigi karo. Dekaddeennu waa saddex Dekadood oo isku jira, Dekaddii Xoolaha, Tii Kontiinerrada iyo Dekadda Kaargooga.”

Maareeyuhu waxa uu sheegay in Maraakiibta Dekadda taagan ay Biyaha u dhaamin jireen Booyado, hase ahaatee, ay hadda dib uga shaqaysiiyeen dhuumo fadhiistay oo hore Dekaddu u lahayd, taasoo uu xusay inay wax badan u fududaysay Maraakiibta, isla markaana ay kaga reysteen Biyo kooban oo ay qaadan jireen, balse ay imaka qaataan biyo laba jibbaar ka badan kuwii ay Booyaduhu u dhaamin jireen. Sidoo kale, waxa uu xusay inay sameeyeen Adeegyo dhinaca wada xidhiidhka ah oo lagu ogaan karo Markabka Dekadda ka tagayaa xilliga uu goosanayo iyo kuwa imanayaa xilliga ay ku soo beegan yihiin. Waxa kale oo uu sheegay Maareeyuhu inay sameeyeen goobo loo yaqaanno Free soon (meelo cashuurta ka caaggan) oo laga kireeyo qofka ganacsadaha ah ama wax ha dhoofinayo ama wax halla soo degayee, taasoo sharci gaar ah lagu maamulayo, hase ahaatee, maamul ahaan Dekadda hoostagta oo uu tilmaamay inaanay Dekadda Berbera markii hore lahayn. Maareeyaha Dekaddu waxa kale oo uu tilmaamay inay u qorshaysan yihiin tallaabooyin badan oo lagu horumarinayo adeegyada guud ahaan ay Dekaddu bulshada u hayso dhinac kasta oo laga eego.

Sidoo kale, Maayarka magaalada Berbera Cabdalla Maxamed Cali, ayaa ka warramay waxyaabihii ay Dawlad hoose ahaan sannadkii u dambeeyey ka fuliyeen Berbera. Duqa Degmada Berbera oo waxyaabihii ay ku guulaysteen sharraxaad ka bixinayaa, waxa uu yidhi; “Hawlahaa aannu qabanaynay sannadkan u dambeeyey oo u badan dhinaca Waddooyinka kala duwan ee magaalada, inkasta oo ay aad u dhib iyo kharashba badan tahay, haddana laba sano ayaannu u soo diyaar-garoobaynay in aannu wax badan ka beddalno bilicda magaalada, iyada oo qorshahayagu yahay inaannu magaalada Berbera ka dhigno Berbera cusub.

“Waxaannu horreysiisannay inaannu helno qalabka lagu shaqeeyo, hadday noqoto qalabka waddooyinka lagaga shaqeeyo oo nooc kasta oo lagaga shaqeeyaa maanta dawladda hoose yaalla, kaliya waxa naga dhinnaa waxay ahaayeen labada Booyadood ee Daamurka, nasiib-wanaag kuwaasina maanta way noo yaallaan. Waxaannu kordhinnay Iskarogooyinka, noocyada kala duwan ee Cagafyada, iyo wixii la mid ah.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Berbera, ahna Maayarka magaaladaas Cabdalla Maxamed Cali.

Maayar Cabdalla waxa uu sheegay inaanay waxyaabahaas ay sameeyeen cid ay la kaashadeen oo gacan ka siisay jirin, waxaanu yidhi; “Hawshaa annaga oo aan cidna la kaashan waxaannu ka qabannay cashuurta yar ee aannu dawlad hoose ahaan dadweynaha ka qaadno, si aannu dadka u tusno cashuurta aannu ka qaadno, hawshaa waannu ku guulaysannay, mana is-taagayso ee waa hawl soconaysa, Daamurkii badh baa hadda noo yaalla. Wejigii koobaad ee hawshaa waannu dhammaynay, wejigii labaad ayaannu hadda bilaabaynaa. Adeegyada dawladda hoose qabataana kuma koobna intaas oo keliya, ee waxaannu culays badan iska saarnaa oo aannu kabana Cusibtaallada magaalada, Macallimiinta Dugsiyada sare oo aannu gunno siinno iyo duruufo fara badan oo kale.”

La Soco qayb labaad oo aanu ku soo qadaan doono masuulliyiinta goobo ay ka mif yihiin Wershadda Laydhka Berbera, Cisbitaalka Berbera, Madaarka iyo aragtida qaar ka mid ah dadweynuhu ka bixiyeen dib-u-soo noqoshada rajadii Berbera.

Berberanews.com
Berbera, Somaliland
Email, info@berberanews.com