Berbera oo laga bilaabay baadhitaanka Corona Virus

0

Berbera (Berberanews) Maadaama Terminalku yahay goob adeeg bixiye oo u adeega macaamiil ka kala yimaada dhamaan gobolada dalka waxaa saaka dhamaan Darawallada Booyadaha iyo Shaqaalahaba la eegey heerkulkooda jidheed ( Body Tempreture ) .

Waxaa caafimaadkooda la hubinaya oo laga baadhaya xannuunka Corona dirawaliinta gaadiidka booyadaha ee Haamaha shidaalka magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

arrintan ayaa noqoneysa talaabo dhinaca faya-dhawrka caafimaad ee bulshadda loo qaaday.