Berbera: Xiisad ka dhalatay dhul uu maareeye Xoorxoor leeyahay oo DP World dayr ku wareejisay

0

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Aargoosi Siyaasadeed Ku Bar-tilmaameedsadey Mareeyihii Hore Ee Dekadda Berbera Cali Xoor-xoor + Dhismayaal uu Leeyahay Oo DP World Ay Ku Wareejinayso Dayr+Xaalada Berbera Oo Mar kale Cakiran

Berbera(Berberanews)Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamud Xaashi Cabdi oo ah masuulka ugu Awooda Badan Xukuumada Madaxweyne Silaanyo islamarkaana Shakhsiyaadka ay sida Weyn Siyaasada Dp world ay iskaga Horyimadeen Mareeyihii hore ee Dekadda Berbera Eng. Cali Xoor xoor Ayaa Bilaabey Mar kale Aargoosi Siyaasadeed oo uu ku Bartilmaameedsanayo Mareeyihii hore ee Dekadda Berbera.

waxaana Maalmihii u Dambeeyey Muran Xoogani ka Taagnaa Dhismayaal uu Sharci ahaan uu gaar u leeyahay Mareeye Eng. Xoorxoor oo Shirkada DP World ay ku Bilowday Dhismaha Deyr ay Dusha ka Marinayo, islamarkaasi ay kula Wareegayso Dhismayashaasi, taasi oo loo sibirsaarayo inuu Wasiirka Madaxtooyadu uu ku Lifaaqan yahay Bixinta Amarada Lagu la Wareegayo Hantida Gaar ah ee uu leeyahay Mareeye Xoor xoor.

Waxaana Arrintaasi Siweyn uga Biyo diidey Cali Xoor xoor oo ah Mulkiilaha Dhismayaashaasi ay Dp world Deyrka Marineyso, isagoo ka Joojiyey Shaqadii Shirkadii Gacanta ku haysay Dhismahaasi oo Magaceeda La yidhaahdo ASAD CONST CO. islamarkaasina ay Leedahay Gabadh Ay Qaraabo dhaw yihiin Wasiirada Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aden,
Sidoo kale Joojinta Dhismahani ayaa Keenay Xafiiltan weyn oo Dhexmara Badhasaabka Gobolka Saaxil Jaamac yusuf Axmed iyo Cali Xoor xoor,Sida ay sheegayaan wararka nagu soo gaadhayaan ee ku dhaw goobtaasi, kuwaasi oo si weyn isugu maandhaafey Amarka Khaldan ee uu soo bixiyey Wasiirka Madaxtooyadu ee Lagu Bineynayo Dhismayaasha uu leeyahay Mareeyihii Hore ee Dekadda Berbera Eng.Cali Xoor xoor.
Ciidamo Tiro Badan ayaa La soo Dhoobey Goobtii uu Dhismahaasi ka Socday , waxaana siweyn loo adkeeyey Amaanka Goobtaasi, iyadoo welina ay socoto Shaqadii Dhismaha Deyrkaasi, waxaana Taasi ay keentay in Sii Xoojiso Cabudhinta iyo garawshiiyo la aanta isbiirsatey Ee Lagu Hayo shacabka Magaalada berbera, oo iyagu siweyn uga soo Horjeeday qaabka Xukuumada Madaxweyne Silaanyo ula Macaamishey,

si kastaba Ha ahaatee Khilaafkan Cakiran Ee Dib uga soo Cusboonaadey Magaalada Berbera ee la Xidhiidha Dhismayaashani uu gaar ka u leeyahay Cali Xoor xoor Ayaa ku soo Beegmaya Xili Maalinta Jimcaha uu Safar aan la Shaacin uu ku iman doono Magaalada Berbera Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Silaanyo , halkaasi oo la filayo inuu Xadhiga ka jaro Dhismaha Fooq ay leedahay Shirkada Dahabshiil Bank iyo Wadooyin Cusub oo Mayir cabdishakur Ciddin uu ka Hirgaliyey Degmada Berbera, waxaana Sidoo kale la filaa in Madaxweyne Silaanyo uu Amar ka soo saari doono Khilaafkani cakiran ee ka soo Cusboonaadey.

Xigasho Mandheeranews