Berbera: Xuquuqdii Shaqaalaha Dekada Oo Ay Xukumadu Kala Badh Lunsatay

0

(Berbera news)  Wararka laga helayo magaalada Berbera, ayaa tibaaxaya in Shaqaalaha ka Hawlgala Dekedda Berbera ay xukumadu maanta u soo bandhigtay inay qaataan kala badh lacagtii mushahar kooda ahayd waxaana diidmo ka muujiyay arinkaa dhamaan shaqaalihii dekada iyaga oo ku sababeeyay in lacagtaasi kala dhimantahay oo kala badh lacagtii mushar kooda ahayd maqantahay oo Xukumada kala hadhay

Waxaana shaqaaleha Dekeda Berbera ay saameeyeen mudaharaad ay ku muujinayaa inaanay marnaba qaadanayn lacag taas oo kala dhiman ee sidoo kale waxa ay shaqaalaha dekeda Berbera oo aan diid madan u kala hadhinin ay balan ku qaadeen inaanay qaadanayn lacagtaas oo kala dhin waxanay sheegeen shaqaalaha dekadu inay kala badh ama 50% ka maqanyahay,

Maareeyaha Dekeda Berbera Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Iyo Mayarka Degmada Berbera Cabdishakuur Maxamud Xassan(Cidin) ayaa Madaxda Dekeda Berbera kulan albaabadu u xidhan yihiin kula yeeshay Xafiiska Maareyaha iyaga oo isku dayay inay kala xaajoo daan Masuuliyiinta Dekeda Sidii ay shaqaalaha ay xukumaan ku qanciyaan lahaayeen inay qaataan lacagtaas balse waji gabax ayay kala kulmeen madaxdii waaxyaha waxanay si cad ugu shegeen sadexda masuul inay shaqaala hooda kula socdaan go,aanka ah inay lacagtaas diidaan waana lagu kala kacay kulankaas oo natiijo la,aan ayuunu ku soo dhamaaday.

Maamulka Dekeda Berbera Iyo Masuuliyiin ka socda Banka dhexe iyo wasaarada maaliyada ayaa damac sanaa qorshe ah inay maanta oo sabti ah bilaabaan bixinta lacagta xaqa ah ee shaqaalaha dekeda hase yeeshee arinkaas aanu u suurta galin

Ila Hada Mamulka Dekeda berbera iyo Ka Gobolka Saaxil toona wax wara kamay soo saarin arinkan waxaanay u muuqataa in aan xal loo helayn oo ay shaqalaha Dekeda Berbera dhamaan tood ka war hayaan in shaqalaha intooda badan ay eryi doonto shirkada maamulka Dekeda la wareegaysa ee DP World , shaqaalaha Dekeda Berbera ka hawlgala ee xafiisyada ama Pirolka ah ee Mushaharka bilaha ah qaata ayaa tiradooda lagu sheegay(800) oo aanay ku jirin shaqaalaha xamaalka iyo kuwa gacanta ka shaqeeya oo iyaguna tiradoodu badan tahay

Shaqaalaha Dekeda Berbera ayaa laga yaaba in maalmaha soo socda ay Mudaharaado ka sameeyaan dekada.dhexdeeda

Berbera news.

Source Yool