Berbera News | Daily News Update

Boliiska Austria oo badbaadiyay Tahriibayaal

Austria-(Berberanews)-Boliiska Austria ayaa ka badbaadiyay labaatan iyo afar qof oo Afghanistan u dhashay, iyagoo saaran baabuur aan hawo lahayn oo ay si qarsoodi ah ugu soo galayeen waddanka.

Afhayeenka ayaa sheegay in dadka aanay noolaan lahayn hadaan la badbaadin, iyadoo la xidhay darawalkii gaadhiga siday oo u dhashay Romania.

Toddobaadkii hore, boliiska Austria ayaa helay maydka toddobaatan iyo kow qof oo ku dhintay gaari ka yimid Hungary.

Dowladda Hungari, ayaa xirtay tareenkii ay dadka ku imaanayeen magaalada Budapest oo dad badan ay doonayeen inay raacaan oo ay ju tagaan waddamada galbeedka Yurub