Booliska Kenya oo toogasho ku dilay nin weerar ku qaaday safaaradda Maraykanka ee Nairobi

0

Nairobi-(Berberanews)-Booliska dalka Kenya ayaa toogasho ku dilay nin weerar ku soo qaaday sarkaal ka tirsan booliska oo taagnaa dibada safaaradda Maraykanka ee Caasimada Nairobi.

Booliska wuxuu sheegay in sarkaalka uu ilaalo ka hayay mid ka mid ah iridaha safaaradda markii ninkaasi uu tooreey gacanta uga dhuftay sarkaalka.

Mas’uul ka tirsan Booliska ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in ninka weerarka soo qadaay uu u dhashay Kenya, wuxuuna deegaan ahaa ka soo jeedaa Wajir. Sababta ka dambaysay weerarkaasi wali ma cadda._92112029_kenyashooting

Safaaradda Maraykanka ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay waxay ku sheegtay in dhammaan shaqaalaha safaaradda ay bad qabaan oo cid wax uga noqotay dgacdadaasi aysan jirin.