Booliska Somaliland ma amnigay ilaaliyaan mise Magaca Madaxweynaha?

0

Hargeysa-(Berberanews)-Ciidammada Booliska Somaliland waxay todobaadkan Gudihiisa u xidheen magaalada Hargeysa nin lagu magacaabo Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), oo ay isku magac yihiin Madaxweynaha Somaliland.

Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), waxaa uu Maamule-ku-xigeen ka yahay Dugsiga sare ee Nuuradiin, maaha siyaasi waa bare iskuul, magaca Axmed Maxamed Maxamuud maaha magac uu imika la baxay ee waa magacii waalidkii ugu wanqaleen. Haseyeeshee Somali iyo caadadeed weeye dadkii uu asxaabta la ahaa waxay isagoo yar ugu dareen naanaysta (Silaanyo) , waxaany ku ladheen Hoggaamiyihii ugu mudada dheera ee SNM Axmed Silaanyo, haatana ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilad.

Waa sharaf iyo karaamo uu ummadda ku lahaa Madaxweyne Silaanyo intaanu xilka Madaxtinnimo qaban in dadku ku daydaan, magacaaga oo aan danaysi siyaasadeed laga lahayn, ujeedo kale aanay ku jirin, munaafacaad aan lagu dheefsan, macnaheedu waxaa weeye inaad tahay qof ku dayasho muda.“Ninkani macalin oo keliya maaha ee Maamule-ku-xigeenka Dugsiga Sare ee wiilasha Nuuradiin,magaciisuna waa Axmed Maxamed Maxamuud illaa yaraantiisiina waxaa la odhan jiray Silaanyo, oo xilliyadii Qaxoontiga la ahaa Madaxweynaheena maantuna Guddoomiyihii SNM ahaa, kalgacayl iyo jacayl loo qabo ayaa loogu bixiyay naanaystaan. Runtii waanu ka xunahay xilligii ardaydu safka gelayeen, ayaa isagoo iskuulka jooga ayaa loo yeedhay, Dabadeedna Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka ayaa yidhi waxaan ku haysanaa inuu magaca madaxweynaha Foojar gareeyay.” Sidaa waxaa saxaafadda u sheegay Maamulaha Dugsiyada Nuradiin Mahad Ibraahin Maxamed.

Waxaa Ayaan-darro ah in Ciidammadii amaankaSomaliland u xilsaarnaa ay  macalinkan yar Mashruuc ka dhigtaan oo weliba Taliyaha guud Cabdillaahi Fadal Iiman uu saxaafadda la soo hor  fadhiisto waxaannu qabanay nin magaca Madaxweynaha la baxay, isagoo ammaanka caasimadda Hargeysa ku filaan waayay.

Madaxweyne Macalinkan miskiinka ahi magacaaga xilligu higsanayay waa wakhtigii SNM laakiin maaha maanta oo aad Madaxweyne ka tahay Somaliland, xaalkeeduna halku marayo dadku ka dheregsanyahay.

Qoraalkan Xuquuqdiisa waxaa iska leh Berberanews.com

info@berberanews.com