Boqor ka socda Koonfurta Sudan oo ka qaybgalay Bandhiggii Buugaagta Hargeysa

0

Weriyaha BBC-da Mary Harper ayaa soo qaaday sawirka labo boqor oo ka qaybgalayay munaasabadda bandhigga buugaagta Hargeysa.

Waxayna kamid tahay bandhigyada carwada suugaanta ee bariga Afrika.

Boqorka beesha Gabooye ,Axmed Iimaan Warsame ayaa kamid ahaa dadkii ka qayb galay bandhigga buugaagta.

Weriyaha ayaa intaasi ku dartay in kaarka uu ku galayay munaasabadda ay ku qornayd ‘Boqorka geeska Afrika’

Waxaana sawirka sidoo kale ka muuqdaa boqor ka socdo beel degto koonfurta Suudaan oo lagu marti qaaday munaasabadda.