Boqortooyada Sacuudiga oo dil ku xukuntay Shan ruux oo ku lug lahaa dilkii Wariye Jamaal Khashoggi

0

Boqortooyada dalka Sacuudiga ayaa ugu danbeyntii dil ku xukuntay Shan ruux oo loo heysto in ay ka danbeeyeen dilkii Wariyihii caanka ahaa ee Jamaal Khashoggi.

Wariye Jamaal Khashoggi oo ahaa wariye caan ah oo siweyn u dhaliila siyaasadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu dhax dilay sanadkii hore Qunsuliyada Boqortooyda Sacuudiga ee dalka Turkiga waxaana ay sababtay in cambaareyn weyn loo jeediyo dowladda Sacuudiga oo la tuhusanaa in ay iyadu ka danbeysay dilka Wariyaha.

Balse Boqotooyada ayaa eedeymahaa iska fogeysan iyada oo ku tilmaamtay waqtigaa dilkiisa in uu ahaa mid ka dhashay gacan ka hadal aan horay loo sii qorsheyn oo ka dhacay gudaha Qunsuliyada.

Saddex kale oo ka mid ahaa dadka ay maxkamadu soo eedeysay ayaa iyaguna lagu xukumay isku geynta xabsi dhan 24 sano.

Balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in dadkan la xukumay aysan ku jirin shaqsiyaadkii sida loo hadal hayay ee la tuhusanaa in ay dilka ka danbeeyeen, waxaana ay maxkamadu sheegtay in shaqsiyaadkaa wax danbi ah lagu waayay.

Magacyada shanta ruux ee dilka lagu xukumay ayaa kala ah Fahad Shabib Albalawi, Turki Muserref Alshehri, Waleed Abdullah Alshehri, Maher Abdulaziz Mutreb iyo Dr Salah Mohammed Tubaigy.