Boqortoyada Ingiriiska Oo Garsoore Howard Webb Gudoonsiisay Abaal Marinta MBE

0

Garsoore Howard Webb ayaa helay abaal marinta caanka ah ee MBE oo ay bixiso boqortooyada ingiriiska taas oo la siiyo shaqsigii wax kusoo kordhiya wadanka ingiriiska waxaana Abaal marintaas gudoonsiiyay boqor Charles. 

Howard Webb oo ah dhexaadiyihii ciyaartii Final-kii koobka aduunka ee 2010-ka  lagu qabtay qaarada Afrika ayaa ah garsooraha ugu qaalisan wadanka Ingiriiska waxaana abaal marintaan la siiyay kadib markii todobaadkii tagay uu dhex dhexaadiyay kulankii Man united iyo Chelsea Kadib markii uu gudoomay abaal marinta MBE oo la gudoonsiiyo qofkii wax ku soo kordhiyay dalweynaha Britain ayuu u sheegay BBC-da in aanu waligii ku fikiran in shaqda garsoorka uu abaal marin ku heli doono isagoona qiray in ay howsha garsooruhu tahay shaqo adag ayna ubaahantahay isku filnaansho.Howard Webb waxaa uu sheegay in ay dhiiri galiyeen boqortooyadu uuna howshiisa hada halkaas kasii wadi doono ninkan 39-jirka ah oo lagu xusuusto 14-kii hurudood iyo 1 –kii caasan ee uu bixiyay Final-kii koobkii Aduunka ee lagu qabtay koonfur Afrika ayaa bilawgisii hore ahaan jiray sarkaal boolis ah.

Mustafe Maxamuud Diiriye “kastam”

shaafici_3@hotmail.com