Britain oo ka hadashay Saldhiga Imaaraadka ee Berbera iyo Musuqmaasuqa Xukuumadda Silaanyo

0

Hargeysa(Berberanews):- Dawladda Britain, ayaa shaaca ka qaadday in ay walaac badan ka qabto arrimaha ku dhaqanka dimuquraadiyadda, cabbudhinta xorriyadda hadal-ka iyo daah-furnaan la’aanta la-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Somaliland ka jira wakhtigan, isla markaana waxay sheegtay inaanay Somaliland ka qaybgeli doonin Shir ay martigelinayso Raysal-wasaaraha Britain oo qorshuhu ahaa in Somaliland iyo Soomaaliya qorshe cusub oo caalamku kula shaqeeyo afarta sano ee soo socda lagaga wada xaajoodo.

Safiir Ku-xigeenka Dawladda Britain ee Soomaaliya Andrew Allen oo Booqasho ku jooga magaalada Hargeysa, ayaa sidaa sheegay ka dib Waraysi uu Horn Cable TV siiyey markii uu ka soo baxay kulan uu shalay Hargeysa kula yeeshay Xubno ka tirsan Masuuliyiinta Hay’adaha Warbaahinta iyo Ururka Saxaafadda ee Somaliland, kuwaas oo uu sheegay inuu ka waraystay xaaladda ay ku shaqeeyaan, sidoo kalena uu uga jawaabay su’aalo ay isaga Weriyeyaashu weydiiyeen.

Waxaannu Waraysigaas oo dhammaystiran, isla markaana turjuman, su’aalaha lagu weydiiyey iyo jawaabaha uu ka bixiyey Safiir-ku-xigeenkuba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-