Berbera News | Daily News Update

Budhcad diyaarad kaga baxsaday xabsi ku yaal Faransiiska

Nin budhcad wayn ah ayaa baxsad ah ka dib markii uu diyaarad kuwa qumaatiga ah kaga baxsaday xasbi ku yaalla magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Redoine Faid waxaa gacan siiyay saddex nin oo aad u hubaysan.

Labo nin oo hubaysan oo wajiga soo qarsaday ayaa adeegsaday bambooyin qiiq ah iyo mashiinada wax lagu gooyo iyaga oo u dhacay qolka booqasha oo Faid uu kula hadlayay walaalkii.

Ninkii saddexaad ee hubaysnaa ayaa barxadda xabsiga ku ilaalinayay diyaaradda qumaatiga u kacda iyo duuliyaheeda oo ahaa macalin dadka bara duuliyenimada oo ay ragan soo afduubteen.

Diyaaradda ayaa u duushay dhanka Gonesse oo aan sidaa uga fogayn xabsiga, halkaas oo booliisku ay ka heleen.