BURJIGU MA JAANBAA ! WQ MAXAMED FAARAX QOTI

0

NAARI :- (Wakiil rasmiga ah ee dadka, tamarta, xamaasada iyo wax-yiga)

Dabku waa shay u socda kor oo gaadhi kara daruuraha iyo wixii ka baxsan, inkastoo, Qorraxda iyo Xiddiguhuba ay yihiin dab heer kulkoodu aad u sareeyo oo jooga cirka dunida guudkiisa aynu ku noolnaha, haddana, run ahaantiina dabkaasi lama garan karo sida uu u eeg yahay.

Dhinaca ruuxda aadamaha waxa lala xidhiidhiyaa dabka in ay noqdaan dadka arragtida fog ee xeel-dheerayaasha ah, marka aynu dhanka kalena ka eegno, dabku waa tamar qaydhin, marna waynu isticmaalnaa, mar-kalena waxa uu inoo abuuraa iftiinka nolosha, dhirtuna waxay dhalisaa dab, waxa kale, oo aynu odhan karnaa dabku waa mid wax baabiiya amaba dhalan rogga.

Sida muuqata Dabka ciidamadda waxa la dareemaa isagoo dhex maraya hawada in uu baabiiyo wax-walba, biyahana waxa uu ka dhigaa uumi bax, dhulkana wuu kala jeexaa, dhagaxana waxa uu ka dhigaa dareere ama unugyo dhalaalaya.

Faraxa siidhka Geedka:-  siidhka geedku wuxuu ku farxaa kulaylka iyo kulka Qoraxda,  la’aanteedna lagama yaabo in geedkaasi uu ka soo baxo dhulka guudkiisa, waxaana la yidhaahdaa faraxa siidhka geedku waa Naari.

Dadka Naariga ah:-  Maaha wax lala yaabo, in dadka naariga ahi lagu tilmaamo in ay leeyihiin hal adayg, dhageysi iyo firfircooni shaqsiyadeed, balse, haddana waxa lala  xidhiidhiyaa in ay leeyihiin rooxaan sare, isla-markaana leh arragti-fog, hogaamin shaqsiyadeed, isku kal-sooni badan, tamar, farxad, fur-furnaan, xiise, jaceyl, dareen, daacadnimo, deeqsinimo, dabeecad iyo niyad wanaagsan, waxa kale oo ay ka dhigaan mashaariicaha tamar diiran oo iftiimiysa, inta badan waxa ay u baahdaan heshiis wanaagsan iyo xorriyadd ay ku muujiyaan  arragtidooda gaar ah, isal-markaa ay ku soo  bandhigaan fikiradahooda, inkastoo, ay leeyihiin fikrado badan oo dadka soo jiita iyo saaxiibo badan, haddana, maaha kuwo ka fiirsadda fikradaha caqli-galka ah, macquulka ah, ee wax-ku oolka u ah bulshadda.

calaamadan tamarta dabka waxay awood u leeyihiin kicinta dareenka dadka, waxaanay qiimeeyaan waqtiyadii hantidoodu fiicanayd, oo rumaysan in dhinaca kartida, arragtida iyo awoodahaba lagu gaadhi Karo guul-darro, taasi macnaheedu maaha, in aanay dadka kale siinin waxa ay ka mudan yihiin, balse, waxa laga yaabaa inay hoos u dhigaan fikradahooda iyo waxa ay aaminsan yihiin, xataa haddii aad doonayso in aad u qabato shaqo fiican, waxa ay u qabaan in aad naftaada u qabatay.

Si kastaba ha ahaatee, haddana waa kuwo ka tirsan kooxaha leh awoodaha  dhiiri-galinta madax-weynayaasha iyo hogaaminta dabiiciga ah ee madaxnimo, taasoo u horseedi karta in ay dagaalka xaga-hore ka galaan, balse, aanay ka muuqanin safka hore ee hogaaminta, kamana fikiraan xaqiiqdii talaaba kasta oo ay qaadayaan in ay kala tashadaan dadka kale, inta badan waa kuwo u taagan in la aqoonsado heerka liibaantooda ay gaadhsiisan tahay iyo guulahooda. 

Isla-markaana, aaminsan in ay sharaftu ka muhiimsan tahay qanninimada, iskana indho-tira waxa badan oo dhaawac ku keeni lahaa dareenkooda, oo si toos ah u jecel caruurta. 

ARLIYO :- (wakiil farsamada dadka, xasiloonida, Maadiga, xaqiiqada).

Dhulka waxa uu ka sameysan yahay walxo macdano badan oo isku tagay, oo la taaban karo, oo la arki karo, ama la maqli karo, xaqiiqdii dhulku waa culeys aassaasskiisu leeyahay u jeedooyin badan iyo dareeno kala duwan, dhamaan macdan kasta oo ku jirta dhulka ama biyaha aad bay u fududahay in si dhib yar loo xaqiijin karo iyagoo jooga oo xasiloon oo gacanta lagu hayo.

 

Wax kasta oo la doonaayo in la gaadho, waxa uu ku hoos jiraa dhulka hoostiisa ee aan laga hellin hawada iyo samada sare, laakiinse, dhamaan macdanaha dhulku waxa ay noqon karaan lahaanshiyo mulkiyadeed,

 

Faraxa Jirida Geedka:- Jirida geedku waxa ay ku faraxdaa dhulka,  la’aantiina lagama yaabo in uu geedkaasi uu ka baxo meel aan ahayn dhulka, waxaana la yidhaahdaa faraxa jirida geedku waa Arliyo.

 

Dadka Arliyada ah:- Dadka Arliyada ah waxa lagu tilmaamaa in ay leeyihiin feejignaan, dhex-dhexaadnimo run ah oo lagu kalsoon yahay, kuwaasoo dareenkoodu uu leeyahay sir, waxaanay inta badan raadiyaan hab-nololeedkoodu in ay ku noolaadaan in ka badan aragtidooda ruuxiga ah, ama ka sareysaba, inkastoo la taaban karo noloshoodu, haddana, waa kuwo nidaam masuuliyadeed leh oo ka walaaca wax-yaabaha la faah-faahinayo.

Caruurta dhalata meerayaasha arliyada ah, waxa ay noqdaan kuw run-sheeg ah, oo wax dhisa, oo qabta shaqooyinka adag, waxa kale oo ay noqdaan kuwo jecel xaqiiqad, isla-markaana, wax kasta ka soo qaata wixii wax tar leh, la isticmaali karo, la taaban karo ee muuqda, ee wax ku oolka ah, khaasatana, waa kuwo leh qiimeyn xirfadeed oo awoodeedu aad u sareyso.

Dadka Arliyada ahi waa kuwo ku guuleysta shaqada, kuwooda daacada ahina waxa ay sameeyaan cusboonaysiinta, inkastoo ay xiiseeyaan billowga  hawalaha shaqo inay abuuraan mid cusub, taasoo ka turjumaysa sida uu  malahooda uu yahay, waxaanay noqdaan kuwo u hogaansan habka iyo nidaamka ay u dajisan yihiin xeerarka iyo sharciyadda.

HAWAA’I:-  (wakiil luqaddaha, caqliga, isgaadhsiinta iyo xidhiidhka bulshada)

Hawadu waa fudeyd ku fidsan dhamaan dhulka oo dhan, oo dhereran samada guudkeena, hawadu waxa ay ku socotaa awooda amarka Eebe, waxa kale, oo ay haysataa xoriyad ay aad u adag tahay in la xakameeyo ama la qabto, hawadu waa luuqadaha iyo kal-madaha bulshada.

Luuqadaha iyo kal-madaha bulshadu waxa ay ka soo bilaabmaan dhawaaq iyo hadal u baahan hawo uu raaco oo haysata tayo taxane ah, waana la jiheyn karaa awooda hawada neefsashada in lagu kiciyo boodh, hawadii ka baxday afka oo gaadhay goobtii boodhka lahayd, luuqaduse waxa ay u baahan tahay onkodka gaarka u ah isku-xidhka weedhaha macquulka ah ee aassaasska u ah luuqadaha.

Dhinca taariikhda aadamaha inta badan hawada waxa ay u isticmaalaan awooda dhaqaajisa shiraaqa gaadiidka badda iyo illaha ugu waaweyn ee ay ka halaan awoodaha warshadaha ku shaqeeya dabeylaha.

Faraxa Ubaxa Geedka:-  Ubaxa geedku waxa uu ku faraxaa hawada,   la’aantiina lagama yaabo in geedkaasi uu dhalo haddii aanu hellin hawo ama dabeyl qaada faxal sidaha macriminta, waxaana la yidhaahdaa faraxa ubaxa  geedku waa Hawaa’i.

Dadka hawaa’iga ah:- Dadka hawaa’iga ah waxa lala xidhiidhiyaa dhinaca luuqadaha, isgaadhsiinta, socdaalka, xidhiidhinta dadka iyo fikradaha la taaban karo ee macquulka ah, ee caqli-galka ah,  waxaanay jecel yihiin xoriyadda, oo ku nool si gaar ah oo u jeedooyin badan leh, haddii la qabtana, waxa ay ka boodaan nasiibkooda.

Inkastoo ay leeyihiin xirfado badan iyo firfircooni dhinaca isgaadhsiinta, haddana, maaha kuwo lagu farxo balan-qaadkooda ama hadafkooda illaa iyo inta ay dhulka hoostiisa galayaan, waa sheekeeyayaal wanaagsan, laakiinse, waxa iska horyimaada sheekadoodaasi iyo wax-qabadkooda, doodaasi, siday doontaba ha ahaatee, dadka hawaa’iga ahi hawl-qabadkoodu aad bay uga yar tahay wax-qabadka iyo ujeedooyinka dadka arliyada ah, waxa kale oo lagu tilmaamaa in ay yihiin kuwo riyoonaya, oo ka fikiraaya qorshayaal,  laakiinse, aan lahay isku dayid, laakiinse, leh soo jiidasho fikiradaha caqli gal ah, inta aan la soo bandhigin.

Waa kuwo dib wax u dhiga, laakiinse, mararka qaarkood ay yar tahay khaladaadka ay sameeyaan fikiradahoodu, lakiinse, leh maskax cadaaladeed, oo tixgaliya arragtiyaha dadka kale, haddana, aan lahayn dareen wax cabira, kuwaasoo iska raaca qof kaliya, gaar ahaan, shakhsiga ay isku dhow yihiin, waxaanay jecel yihiin bani-aadanimada, kuwaasoo, ka leh danno gaar ah oo kala duwan.

MAA’I:- (wakiil qiiradda, hogaamintaiyo wada-noolaanshaha)

Biyuhu waxa ay u culus yihiin sida dhulka oo kale, laakiinse, aad bay uga fudud yihiin cufnaanta dhulka, biyuhu inta badan waxay ka soo baxaan hawada oo ay isku dhacaan mar-labaad roobka, mana jecla dabka iyo hawada, sidaa daraadeed, biyuhu waxay jecel yihiin dhulka oo ay yihiin isku qaab, isla-markaana ay galaan, laakiise, sidoo kale wuu ka xaddi yar yahay dhulka, balse, waxay leeyihiin illaalin qiyaaseed oo lagu xaddiday heerka badnaashahooda.

Dabku ma baabiiyo dhulka, laakiise, biyuhu way baabiin karaan dhulka, waxaanay awoodooda ku wax-yeelayn karaan iyagoo ka dhigaya shay kasta millan ay ku burburinayaan walax kasta oo is-haysatay, biyuhu marka ay soo baxayaan waxa caawisa hawada, laakiinse guud ahaan, maaha kuwo kor u socda, waxa kale oo ay leeyihiin awood xad-dhaaf ah oo heerarkoodu kala duwan yahay.

Biyuhu waa khafiif aan lahayn awood badan iyo ficil celin, waxaanay u socdaan si qoto dheer, waxaanay diidaan macdanaha kale ee ka soo baxa saddexda qaab ee ay leeyihiin walxuhu, sida Adkaha, sida dhulka iyo dareeraha caadiga ah ee heerkiisu yahay sida gaasta hawada.

Biyaha ka soo baxa hawada ama roobka, waxa nuuga nafaqada dhulka oo ka hella bacrimin, cunto la’aan muddo saddex todobaad ah waynu socon karnaa, laakiise, biyo la’aan saddex caano maal ma socon karno, shayga kaliyaate ee noloshu u baahataa waa biyaha oo ay ku korto kuna qaan-gaadho, la’aanteedna waa nolol la’aan.

Faraxa Caleenta Geedka:- caleenta geedku waxa ay ku faraxdaa biyaha,  la’aantiina lagama yaabo in geedkaasi uu magoolo, waxaana la yidhaahdaa faraxa caleenta geedku waa Maa’i.

Dadka Maa’iga ahi:- Dadka Maa’iga ahi waa kuwo leh dareen xamaasadeed, miyir qab la’aan, cadho-badan, kacsanaan, caadifad, jaceyl  iyo kal-gacal badan,waxaanay dareensan yihiin in aanay dadka kale dareemin, hellitaankooda nololeedna waxa uu ku xidhan yahay dareenkooda, waxa kale oo ay leeyihiin arragtidda dareenada saxda ah. dareenada shakiga badan ee la taaban karo, iyo dareenada macquulka ah.

Waxa ay isticmaalaan qiiro aan ku dhisnayn caqliyad, faham iyo qiimeyn, laakiinse, waa kuwo kor u qaada mustaqbalka farxadeed ee dadka, lagama yaabo inay quus gaadhaan, inkastoo ay aad u yar tahay in ay arrimahoodu ay noqdaan maqaar-saar, haddana, waxaanay noqaan kuwo awood leh in ay nafaqeeyaan qoyskooda iyo qaraabadooda, waxa kale, oo ay leeyihiin  fikrado joogta ah, waxaanay wax ku gudbiyaan dariiqa xidhiidhinka  afgarashada, qiirada, qaab-dhismeedka iyagoo u maraya qaabka farshaxanka sawirka, dhawaaqa codka ciyaaraha.

Haddaba, akhriste haddii aad maqasho erayadan oo kala ah Naari, Arliyo, Hawaa’I, iyo Maa’I oo luuqada afka carabiga, taasoo la macno ah Dab, Dhul, Hawo iyo Biyo, dhamaantoodana waa afarta shay ee nolosha aadamaha aassaasska u ah, ayaa loo yaqaanaa buruuj, ee maaha burjigu jin iyo jaan

Qalinkii :- Maxamed Faarax Qoti