Cali-guray oo ku baaqay in Xafiiska Katiinad lagaga xidho Faysal Cali-waraabe oo Xabsiga la dhigo

0

Hargeysa, (Berberanews):- Guddoomiyaha saddexaad ee xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), ayaa ka hadlay warar sheegaya inuu Jamaal Cali Xuseen ka Tanaasulay hankiisii Musharraxnimo ee jagada Madaxweynaha UCID, Isla markaana waxa uu ku baaqay in Xafiiska Katiinad lagaga xidho Faysal oo Xabsiga la dhigo muddada ka hadhsan Lixdankii Cisho ee ay Maxkamaddu ku xukuntay inay Shirweyne aan caadi ahayn ku qabsadaan oo gabaabsi ah.

cali-maxamed-yuusuf-cali-guray-2016

Waxa uu Cali-Guray sidaas ku sheegay mar uu Salaasadii Maanta Warbaahinta qaarkeed kula hadlayey magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay inuu Muuse Biixi taageeri karo haddii uu isagu doono iyo Warar Xisbiga Waddani baahiyey oo ay ku sheegeen in Jamaal Waddani ku biirayo.

Cali-Guray oo arrimahaas iyo kuwo kale ka hadlaya-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-