Cali Khaliif Galaydh Oo Ka Degay Laascaanood (SAWIRRO)

0

(Berbera news) Hogggaamiyaha Khaatumo Prof:  Cali Khaliif Galaydh iyo wefti uu hoggaaminayo,  ayaa goor dhaweyd ka degay Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool kaddib markii ay kasoo laabteen wajigii labaad ee wada-hadalladii Somaliland iyo Khaatumo uga socday dalka Jabuuti.

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

Cali Khaliif ayaa waxa socdaalkiisan ku wehelinaya Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Wasiiru dawlaha Wasaarada waxbarashada Maxamed X. Aadan Cilmi iyo masuuliyiin oo ka tirsan  Xukuumadda Somaliland

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing and outdoor

Weftiga Prof Cali Khaliif Gallaydh ayaa la sheegay inuu uga sii gudbi doono Laascaanood dhinaca magaalada Widh-widh, Isagoona Safar Dhulka ah kusii mari doona Deegaanada Kalabaydh, Xidhxidh iyo Balihadhac.

Image may contain: 1 person, standing and outdoor

Image may contain: one or more people and people standing

 

Berbera news.