Ceel Afweyn: Ciidammada Qaranka oo ammar lagu siiyay inay gacanta ku dhigan ciddii hub sidata

0

Wafi Balaadhan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Mudane, Maxamed Kaahin Axmed oo ay ka mid yihiin Wasiirada Wasaaraddaha Xidhiidhka Goleyaasha , Qorshaynta Qaranka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Deegaanka & Horumarinta Reer Miyiga Gaashaandhiga & Cadaaladda ayaa gaadhay Degmada Ceelfweyn ee Gobolka Sanaag.

Ujeedka Weftigan ayaa ah sidii nabad loogu soo dabaali lahaa shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Deegaanka Fadhigaab, waxaana ay waftigani la kulmi doonaan odayaasha iyo waxgaradka deegaanka si loo dhamaystiro nabada degaankaasi.

Ciidamada kala duwan ee Qaranka ayaa amar ku qaba inay qabtaan isalmarkaana sharciga horkeenaan cidkasta oo lagu arko iyadoo hub sidata deegaankaasi.