Championka: Arsenal oo iska xaadirisay 16-ka, Barcelona oo Milan ku garaacday San Serio, Chelsea oo markale laga badiyey.

0

Aqristayaal kusoo dhawaada faahfaahinta horyaalka Championka oo caawa la ciyaaray kulamii shanaad ee guruubyada iyadoo hal kulan oo kaliya ay ka hadhsan yihiin , halka kooxo waaweyn ay cidhiidhi ku jirto usoo bixideeda qeybta 16 –ka. 

Guruubka E –da ayaa waxaa dalka Germany kuwada ciyaaray kooxaha Bayern Leverkusen iyo Chelsea waxaana gool ku hormartay koooxda Chelsea waxaana u saxiixay ciyaaryahan Didier Drogba waxaase dhaqso barbareeyey ciyaaryahan Derdiyok waxaase Chelsea ka nixiyey M. Friedrich oo daqiiqadii 90 – aad goolkii guusha usaxiixay Leverkusen.

 Valencia ayaa 7 Gool kaga adkaatay kooxda Racing Genk sedex ka mid ah waxaa usaxiixay ciyaaryahan Saldado.

Guruubkaan oo aad u qasmay waxaa loo kala horeeyaa Bayern Leverkusen oo leh 9 dhibcood Chelsea 8 Dhibcood halka kooxda ugu hoseysa Racing ay leedahay laba dhibcood.

Chelsea waxaa u harsan kulan jilicsan inkastoo aan la saadaalin karin waxaana ay la ciyaari doontaa kooxda Racing, halka Liverkusen iyo Valencia ay fooda is dari doonaan hadii ay barbaro ku kala baxaana Valencia waay ka hari doontaa Championka.

Champions League – Group E
Bayer Leverkusen 2 – 1 Chelsea
Valencia 7 – 0 Racing Genk