Chief Caaqil Mustafe Xaaji oo lagu caleemo saaray Xarshin

0

Xaflad balaadhan oo lagu caleemo saarayay, Chief Caaqilka guud ee beesha Nuux Ismaaciil, ee dawlad deegaanka somalida Itoobiya ayaa maanta lagu qabtay deegaanka Xarshin.

Munaasibada Xaflada lagu caleemo saarayay Chief Caaqil Mustafe Xaaji Ibrahim Maxamud ayaa waxa ka soo qayb galay, Salaadiin,Cuqaal,Madax ka socotay Dawlad deegaanka somalida Itoobiya iyo dadweyne Tiro badan,

Hadal uu  munaasibada ka jeediiiyay Suldaan Ibrahimm Sulub, ayaa waxa uu sheegay in beesha Nuux Ismaaciil ay guddi u saareen sidii loo soo xuli lahaa Chief Caaqilka Guud ee Beesha Nuux Ismaaciil ee dawlad deegaanka Itoobiya, Mustafe Xaaji Ibrahim uu ku yimi talo ay beeshu, ku gaadhay in uu qabto xilkaas, soo xulistana waxa aanu wadnay mudo dheer, sidii aan u heli lahayn qofkii ku haboona ee beeshu u caleemo saari lahayd, waana ta maanta loo fadhiyo ayuu yidhi suldaan Ibrahim sulub.

Hadal uu xaflada ka jeediyay Garaad Cabdi-Maalik Garaad Cismaan, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu ka soo qayb galo xaflada lagu caleemo saaraayo Suldaanka Guud ee Beesha Nuux Ismaaciil iyo chief Caaqilka Guud ee Beesha Nuux Ismaaciil ee dawlad deegaanka Somalida Itoobiya,